“Arrimaha Shacbigu Naga Sugaayo, Deg Deg Ayaad Nooga Maqlaysaan, Xukumaduna Dhegaha Ha U Sii Furto”

0
509

Picture3Hargeysa(Geeska) :-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku goodiyey in dhawaan ay shacbiga Somaliland u soo gudbin doonaan waxa ay noqon doonaan tallaabooyin ay dhawaan xisbiyada mucaaradku sheegeen in ay qaadi doonaan haddii xukuumaddu inta ka horeysa 27 Julaay ay fulin weydo heshiiskii xisbiyada iyo xukuumaddu ay ka gaadheen khilaafkii muddooyinkii danbe ka dhashay muddo kordhintii ay golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo aqalka golaha Wakiilada Somaliland. Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo fariintan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad lagu daah-furaayey wargeys xilliile ah oo uu yeelan doono xisbiga Waddani, waxaana uu sida oo kale uu xukuumadda ugu baaqay in ay dhagaha u sii furto waxa ay soo wadaan. “Arrimaha shacbigu naga sugaayo, waxaanu jecel nahay in aad iyaga oo deg-dag ah aad naga maqashaan haddii Alleh idmo, waxaana aan isleeyahay xukuumadduna dhagaha aad ha u sii furto.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.