Arrimaha Caafimaadka: Xiiq (Asthma)

0
215

Waa mar kale iyo maqaaladeenii caafimaad oo aynu maanta ku soo qaadanayno xanuunka loo yaqaano Xiiqda.

Xanuunka xiiqdu waa xanuun ku dhaca hawo mareenka gaar ahaan dhuumaha hawada qaada.

Xiiqdu waa mid ka mid ah cudurada lala noolaado (chronic) kuwa uga caansan gaar ahaan caruurta. Xiiqdu waxa ay ku badan tahay wadamada warshadleyda ah taas oo lagu sababeeyay dikhawga hawada, magaalaynta iyo cabidda sigaarka. Waxa kor u kacay tirada dadka la nool xanuunkan, iyada oo sida ay WHO shaacisey sheegtay in ay u dhintaan xanuunkan 250,00 ( laba boqol iyo konton kun) oo qof sanad kasta. Xanuunkan waxa uu aad ugu badan yahay caruurta yaryar iyo dadka waayeelka ah. In ka badan 60% dadka xiiqda la nool ayaa la ogaadaa xanuunkooda inta ay ka yar yihiin 18 jir. Xanuunkan waxa uu ku badan yahay raga marka loo eego dumarka ka hor inta aanay qaan-gaadhin, halka marka la soo dhaafo da’da qaan-gaadhka ay u siman yihiin labka iyo dheddigu. Waxa la sheegaa in ay wiilashu uga dhaw yihiin in uu hoos dhac ku yimaado astaamaha xanuunkan (symptoms) xilliga dhalinyarnimada.

Xiiqda lama yaqaano waxa asal ahaan keena, Waxaa se jira in dadka qaar u nugul yihiin iyada oo loogu aanaynayo qaybo gaar ah oo ka mid ah hidde sidayaasha (genes) bini aadmiga iyo inuu yahay cudurkani mid la kala hiddaysan karo oo raaca ciriqa qoysaska qaarkood.  Waxa jira iyaguna dad ay ku keenaan deegaanka ay ku nool yihiin ama nooca shaqadoodu xanuunkan.

 

Xanuunkan waxa loo qaybiyaa noocyo badan iyada oo loo eegayo astaamaha qofkan la soo darsay iyo inta goor ee ay qabanayaan. Waxa mararka qaar loo eegaa da’da oo lagu kala sooco nooca ay tahay, tusaale ahaan ilmaha ka yar 12 jir waxa loo badiyaa inay tahay arrin ka soo farcantay hidde-sidayaasha , halka dadka waaweyn lagu tuhmo inay ka timi degaanka oo sabab u noqon kara xiiqda. Aragtida ugu muhiimsan ee lagu kala qaybiyo xanuunkan ayaa ah in laga dhigo 4 waaxood:-

  1. Nooc goo-goos ah ( intermittent ) oo ah in qofka la qabto 2 cisho todobaadkii ama laba habeen bishii.
  2. Nooc joogto ah hadana sahlan ( mild persistant) oo ah in qofku astaamaha yeesho in ka badan laba cisho todobaadkii ama aan ka badnayn hal mar maalintii qudha.
  3. Nooc joogto ah oo dhex-dhexaad ah ( moderate persistant) oo noqonaya in qofka ay ku kacdo xiiqdu hal mar maalintii ama in ka badan hal habeen todobaadkii
  4. Nooca joogtada ah isla markaana halista ah ( severe persistant) ayaa ah in bukaanka ay ku kacsanaanto inta badan maalintii ku dhawaad maalin kasta kuna badan habeenkii.

Si guud hadii aynu u sharaxno sida uu xanuunkani jidhkeena u saamaynayo ayaa ah dhawr wax oo is kaashanaya deetana keenaya dhibtan. Jidhkeenii ayaa wax uu la dagaalamaya wax aan dhibaato inoo geysanayn. Ka dib marka ay jidhkeena soo gasho walaxda uu sida qaldan uga fal celinayo difaaceenu, ayaa waxa ay carinaysaa unugyadii ku shaqada lahaa iska caabinta shaygan. Dabadeed Waxa cidhiidhi noqda dhuunta ay hawadu marayso iyada oo ay ugu wacan tahay -:

  1. Muruqa ay leedahay dhuuntaasi oo soo ururaya isaga oo ka jawaabaya carinta shaygan
  2. Unugyada ku hareeraysan dhuunta oo barara iyaga oo ka jawaabaya dheecano difaaceenu sii daayo
  3. Kor u kac ku imanaya qaar ka mid unugyada difaaca jidhkeena oo isla markaana sii deynaya dheecano kala duwan.

Wada jir waxa ay ku keenayaan inay yaraato ama in badani xidhanto dhuuntii hawadu mari lahayd, kol kaana ay yaraato xaddiga hawada ah ee ay qaadi karto. Is bedelka ku imanaya hawo mareenka  ayaa ah horaanta xanuunkan mid lagu celin karo asalkoodii, halka marka ay ku soo noqnoqoto kallifayso is bedel rasmi ah oo aan dib ugu laaban karin sidii caadiga ahayd. Iyada oo qofba wax gaar ahi ku kiciyaan hadana waxa jira waxyaabo caan ku ah kicinta xiiqda sida-:

  • Dhaska
  • Hawada qabow
  • Cimilada oo degdeg isu bedesha
  • Jimicsiga
  • Xanuunada ilma ma aragtay-gu keeno
  • Sigaarka
  • Daawooyinka qaarkood sida xanuun biiyaha iyo kuwa loo adeegsado wadne xanuunka.

Marka laga yimaado in la kala hiddeysan karo xanuunkan waxa halis ugu jira:-

  • Dadka la nool noocyo kale oo xasaasiyadda ka mid ah
  • Qofka uu miisaankiisu aad u badan yahay
  • Qofka cabba sigaarka
  • Dadka u bandhigma qaar ka mid ah kimikooyinka sida beerlayda, time-jaraha(rayiislaha) iyo dadka ka shaqeeya warshadaha qaarkood.

 

Astaamaha xiiqda  ayaa ah qaar aad caan u ah oo ay ka mid yihiin:-

  • Qufac qalalan oo inta badan habeenkii yimaada
  • Neefta oo qabata
  • Laabta oo cidhiidhi noqota
  • Guux laga maqlo laabta marka uu qofku neefsanayo
  • Waxa jira 40-60% dadka xiiqda lihi inay yeeshaan lab dilaac, taas oo hadii aynu daweyno laab dilaaca kor u qaadi karta la tacaalidda xiiqda.

Waxa lagu ogaadaa xanuunkan ka dib marka lagu arko bukaanka astaamaha xanuunkan lagu yiqaano oo iyadu ah bar bilawga in la tuhmo cudurkan. Waxa kale oo la adeegsadaa dhawr hab oo kala duwan oo ay ka mid yihiin:-

  • In la qiyaaso saamiga hawada uu qofku soo saaro marka loo eego inta uu qaatay
  • In la cabiro xadiga oxygen ta ah ee ku jirta jidhkeena
  • In la saaro raajada laabta ( chest X-ray)
  • In la siiyo daawooyin ka qaar (methacholine challenge) kuwaas oo lagu hubsado xanuunkan
  • Dadka qaar waxa loo diraa jimicsi ama in la qaboojiyo hawada taas oo looga gon leeyahay in lagu dhugto sida ay isu badalayaan astaamaha xanuunkani

Ma jirto dawo gebi ahaanba dawaysa xanuunkan, taa badalkeeda waxay caawiyaan in ay balaadhiyaan dhuumaha hawadu marayso ka dib cidhiidhi ku soo kordhay . Dawooyin ka la adeegsadaa keliya waxay inagu taakuleeyaan in aynu yarayno inta goor ee ay xiiqdu ku kici karto bukaanka iyo weliba in lagu maareeyo ka dib marka uu soo kacdoomo cudurkani. Waxa qayb laxaad leh ka qaata xakamaynta dhibaatadan in uu qofku barto waxyaabaha ku kiciya dabadeed ka dheeraado. Waxa kale oo laga ma maarmaan ah in uu qofku ilaaliyo dawooyinkiisa una qaato sida uu dhakhtarkiisu ugu qoray. Waxa la siiyaa dawooyin loogu talo galay in uu si joogto ah u qaato oo ay ka mid yihiin kiniino iyo kuwa la isku buufiyo. Waxa weheliya qayb kale oo u gaar ah in loo isticmaalo kolka ay bukaanka ku kacdo xiiqdu oo ay ka mid yihiin kuwa la isku buufiyo, kiniino , irbado iyo mararka qaar oxygen si wax looga qabto xaaladda degdega ah. Waxa xusid mudan in ay leeyihiin dawooyinka xanuunkan jaranjarooyin la maro si loogu jaan gooyo hadba nooca loo qorshaynayo bukaan kasta iyada oo loo eegayo qof iyo xaaladii.

Qodobaka ugu muhiimsan ee adeegsida dawooyinka xiiqda ayaa ah in dadka badankoodu si gurracan u adeegsadaan dawooyinka qaarkood gaar ahaan kuwa la isku buufiyo. Sida sax ah ee loo qaato ayaa ah inaad ugu horrayn neefsato oo aad hawo dibadda u soo saarto,  ka dib aad buufiso dabadeed aad isku deydo inaad hawo si qoto dheer u qaadatid isla markaana aanad soo saarin wax naqas ah muddo 10 ilbidhiqsi ah (10 seconds) si ay dawadu u gaadho halka loogu talo galay.

Ma jiro xanuunkan wax lagaga hortagaa, waxa se xooga la saaraa qofku in uu barto wax kasta oo uga dari kara xaaladiisa caafimaad iyo la tacaalidda xaaladda degdega ah si loo yareeyo halista uu geli karo bukaanku.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan