Arrimaha Caafimaadka:  Gaarda Laambiya (Giardiasis)

0
638

Gaarda laambiya waa cudurka aynu maanta ku eegi doono qormadeena caafimaad ee todobaadlaha ah.

Cudurkan ayaa ah mid ka mid ah cudurada keena shubanka kuwooda weliba hogaaminaya dunida guud ahaan, kaas oo haleela midhicirka yar ee bini aadmiga.

Cudurkan ayaa la sheegaa inuu isaga dab qaadi karo xoolaha iyo dadka. Cudurkan ayaa la sheegaa inuu meelo badan caan ka yahay dunida sababtuna tahay fayoqabka oo hooseeya.

Cudurkan waxa keena ilma aragtayda nooca loo yaqaan protozoa, iyadoo hore magaciisa loo yaqaanay ahaa Giardia Lambia hadana loo rogay Giardia Intestinalis. Ilma qabataygan  ayaa la tuhunsan yahay in laga heli karo 80% badi biyaha Harooyinka, Durudurada iyo balliyada. Waxa la sheegaa in uu leeyahay faracyo (strains) kala duwan kuwaas oo ku kala gedisan awooda ay basharka dhib ugu geysan karaan, waxaa se yaab leh in ay mararka qaar qofka ku kulmi karaan.

Protozoa-han ayaa isagu la arkaa inuu laba siyaabood jidhka ugu jiro mar uu xuub ku xeeran yahay oo loo yiqaan (cyst) iyo mar uu si xor ah u joogo gidaarka midhicirka. Inta badan ka xuubku ku weegaaran yahay ayaa saxarada raaca, degaanakana ku noolaan kara in badan. Kolka uu soo galo jidhka aadamaha ee uu caloosha soo gaadho ayaa laga reebaa xuubkiisa. Noocan cusub ayaa isna dardar geliya inuu ku tarmo midhicirka gudihiisa isagaa oo laban laabaya tiradiisa 9-12kii saacadood ee kasta.

Tirada uu u baahan yahay ilma aragtaygani si uu cudur u keeno ayaa ah mid aad u yar oo keensanaysa in uu si fudud u keeni karo cudurka.

Saxarada ayaa ah halka ugu badan ee uu ka fidi karo cudurkani. Taasi waxay ku arooraysaa iyana  sababta ay nadaafad darradu u tahay marjaca cuduro badan oo kanna ka mid yahay.

Marar badan waxa la arkay inuu cudurkani ka dilaacay dunida iyada oo sirta ka dambaysay lagu qotomiyey biyaha oo uu wasakheeyey protozoa-hani. Giardia Lambia ayaa isagu biyaha qabow ku noolaan kara 2-3 bilood.

Cudurkani waxa uu ku dhici karaa dadka oo idil rag iyo dumarba. Da’da ayaan iyana ahayn mid xadida cudurkan cidda uu haleelayo. Cudurkan ayaa inta badan ku yar caruurta 6 bilood ka yar ee la jaqsiinayo. 1-9 jir Waxa kor u kaca fursada uu ku haleelayo cudurkani. Caruurta la geeyo goobaha caruurta lagu kulmiyo ama lagu daryeelo ayaa ah koox uu gaar u haleelo cudurkani.

Cudurkan astaamaha lagu yaqaan ayaa kala ah:-

Shuban

Casiraad/calool xanuun

Dibiro

Daal

Matag

Yalaalugo

Miisaanka oo luma

Marar badan dadka ayaan yeelan wax astaamo ah. Badi waxa kor u qaada inuu qofku u bukoodo cudurkan ayaa lagu tilmaamaa aysiidha caloosha oo yaraata, difaaca oo yar iyo nafaqo darrada.

Cudurkan ayaa awal lagu ogaan jirey oo keliya saxarada oo laga baadho protozoa-han. Hada se waxa lagu ladhaa noocyo kale oo lagu eegayo in uu hore uga jawaabay difaaca jidhku cudurkan. Tuumbada caloosha lagu dhaadhiciyo ayaa iyaduna ah mid lagu ogaan karo cilladan.

Cudurkan ayaa ah marar badan mid uu jidhku si iskii ah isaga nadiifin karo protozoa-han, halka daawooyinka qaarkoodna ay daweyn karaan cilladan. Metronidazole ayaa ah dawada ilaa hadda calanka u sida maaraynta xanuunkan, waxaa se iyana muhiim ah in fuuq celin lagu ladho lana saxo dhibaatooyinka ka unkamay cudurkan.

Cudurkan ayaa reeba caqabado dambe oo ay ka mid yihiin nafaqo darro, ilmaha oo kori waaya iyo inuu lumiyo dheecanada kuwa qaabilsan dheefshiidka caanaha (Lactose intolerance).

Cudurkan ayaa lagaga hortegi karaa farxalka oo la badiyo, waalidka oo feejignaada kolka ay caruurta xafaayadaha ka badalayaan maadaama oo ay ka qaadi karaan, biyaha oo la nadiifiyo ama la bayliyo ka hor inta aan la cabin.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email:deeqadahab17@gmail.com