Aroos Cajiib Ah: Nin Hal Mar Duleedka Hargeysa Ku Aroosay Laba Hablood Iyo Dareenadooda Oo Ay Cabireen

0
914

Hargeysa(Geeska)-Wiil dhalinyaro ah oo ku nool tuulada Gogol-wanaag oo ku taala deegaanka Arabsiyo ee duleedka magaalada Hargeysa ayaa hal mar wada guursaday laba gabdhood kuwaas oo loo qabtay hal aroos oo ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin.

Wiilkan 19 jirka ah ayaa ka xogwaramay arooskiisa iyo sida uu ku awooday isku mar inuu guursado labada gabdhood oo ay isku dugsi ahaayeen. sida oo kale labadan gabdhood ayaa farxad ka muujiyay in halmar la wada guursado.

Ismaaciil  Cabdi Aadan oo ah wiilka labadan gabdhood halka mar wada aroostay oo u waramayay weriye Sagal Mustafe Xasan Nuru oo ka tirsan tilifishanka  RTN oo uu wargeyska Geeska Afrika soo xigtay ayaa waxa uu hadalkiisa ugu horayn ku bilaabay  "Labadan gabdhood in badan ayaanu wada sheekaysanjirnay, wada sheekaysigii waxa uu gaadhay xiligii aanu isguursan lahayn, sadexdayadu waanu is ogayn markaas mid ka mid ah ayaan soo kaxaystay, tii kale ayay kaliftay hadana inaan soo kaxaysto."

Ismaaciil oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"halmar ayaan labada gabdhoodba Gogolwanaag ku wada bartay sidaas ayaanuna ku wada xidhiidhnay"

Caruusku waxa uu sheegay inay labada gabdhood isku dugsi ahaayeen "isku arday ayaanu ahayn, sidaas ayuuna xidhiidhkayagu ku bilowday oo aanu isku guursanay"

Ismaaciil waxa uu arooskiisa ku tilmaamay mid kalsooni ku dhacay "Anigaa isku kalsoonaa, iyaguna way igu kalsoonaadeen waxaanuna ku heshiinay inaan sadexdayaduba is guursano"

Samsam Maxamed Daahir oo ka mid ah labada hablood ee marka la wada guursaday ayaa muujisay farxad balaadhan inay ku qabto arooskooda "Labadayaduba waanu ku faraxsanahay oo raali ayaanu ka nahay, anaga ayaana ku heshiinay, waanu ku faraxsanahay habeenka noo labada ah."

Aroosada kale Nuura Maxamed Cabdilaahi ayaa iyaduna arooskooda sidan u cabirtay "Jawigayaga waanu ku faraxanahay"

Aroosyada loo qabto laba dumar ah oo mar wada guursaday ayaa muddooyinkan dambe ku soo badanaya deegaanada Somaliland.