Ardayda Cilmiga Deegaanka Ee Jaamacada Hargeysa Oo Soo Bandhigay Hindise Qashinka Lagaga Faa’ideysan Karo

0
4641

 

Picture1Hargaysa( Geeska )-Ardayda barata cilmiga deegaanka ee jaamacada Hargeysa, ayaa soo bandhigay hindise lagaga faa’ideysa karo qashinka. Munaasibada oo ay soo diyaariyeen ardayda barata Deegaanka, ayaa waxa lagaga hadlayey sida ugu haboon ee loo dhimi karo qashinka iyo looguna samayn lahaa goobo gaar ah oo qashinka la dhigo, si looga badbaado nadaafad daro horseeda caafimaad daro soo waajahda deegaanka iyo dadkaba.

 

Ardayda Kuliyada Sayniska, gaar ahaan qaybta deegaanka ayaa Munaasibada ku soo bandhigay hindise lagu yareyn karo qashinka dhibaatada badan ku haya deegaanka, waxayna aqoonyahankii Munaasibad joogay u soo bandhigeen muuqaal tilmaamaya warshad yar oo qashinka sida bacaha iyo caagadaha u bedalaysa alaabooyin muhiim ah sida dharka oo kale, waxayna ku taliyeen oo ay muhiim ku tilmaameen in la isku hawlo sidii dalka loo keeni lahaa warshadaasi, si bacaha iyo caagadaha deegaanka Somaliland meel walba yaala loogaga faa’ideysto.

Munaasabadan ay ardaydu ku soo bandhigeen hindisahan oo hore dad badan ugu taliyeen, ayaa waxa ugu horeyn si kooban uga hadlay Maxamed Cabdalle Xuseen oo ka mid ah ardayda hindisahan keenay, waxaanu sheegay in hawshani bilow u tahay hami ay ku doonayaan in wixii ay barteen ay ugu bedalaan wax qabad muuqda.

Axmed Ibraahim Cawaale oo ka mdi ah aqoonyahanka dhanka deegaanka oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa mid mid u soo bandhigay dhibaatooyinka qashinku ku hayo deegaanka Somaliland, waxaanu tilmaamay in marka berriga laga taggo in waxyeeladii qashinku gaadhay bada “Maanta deegaankeena waxa dhibaato ku haya bacaha iyo caagadaha, kuwaasi oo xitaa waxyeelaynaya badda”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Safar aan dhawaan ku tagay halka dooxyadu biyaha kaga daraan badda ee Ceel-waaq, waxaan ku arkay waxyaabo aad ka murugoonayso oo ah caagadihii, bicihii iyo waxyaabo kale oo la mid ah, kuwaasi ku darsamaya badda, waxyeelana u geysanaya noolaha badda, waanad dareemi kartaa dhibaatada haysata deegaanka aynu ku nool nahay”

Prof.Axmed Maxamed Cadaad, oo ah hormuudka kuliyada Sayniska, ayaa isaguna ka waramay taariikhda uu soo maray barashada cilmiga deegaanka ee Jaamacada Hargeysa, isagoo sheegay inaanu shan sanadood ka hor jirin qaybtani, balse ay mudada kooban ee ay jirtay ardayda dhigataa ay sameeyeen horumar, waxaanu tilmaamay inay ku han-weyn yihiin sidii jaamacada loogu rakibi lahaa qalabka saadaasha hawada, isaga oo Maayarka iyo masuuliyiinta kale ka codsaday in wax lagala qabto.

Maayarka Hargeysa Eng.Yuusuf Warsame Siciid, oo isna halkaasi kalmado koob-kooban ka yidhi, ayaa tilmaamay inay qorshayaashooda ka mid tahay sidii Hargeysa looga dhigi lahaa Caasimad qashinka ka caagan, gacantana ku hayaan mashruuc arintaasi la xidhiidha. Wasiirka Wasaarada deegaanka Somaliland Maxamed Siciid ( Gacamay )oo halkaasi gabogabadii ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisa ardayda, isaga oo tilmaamay in munaasibadani tahay tii ugu qiimaha badnayd ee uu ka qayb-gallo, tahayna arinta ay qaranku ugu xil-saaran yihiin.