TRG Oo 17 Gaadiidka Bajaaj-Tt Ah U Qaybisay Danyarta Ku Nool Goobaha Barakacayaasha Burco

0
614

 

Picture2Burco(Geeska)-Hay’adda waddaniga ah ee TRG ayaa Khamiistii 15 gaadiidka yaryar ee Bajaajta loo yaqaan u qaybisay 30 qoys oo danyar ah oo deggan xaafadaha barakacayaasha ee Koosaar, Aadan Saleebaan iyo Cali Xuseen, dugsiga dhagoolayaasha ee Burco, waxaana la  guddoonsiiyey 2 xabbo.

 

Xaflad weyn oo lagu qaybtay xarunta SYS ayaa waxa ka qaybgalay ku-simaha Badhasaabka ahna Badhasaab-xigeeen gobalka Togdheer, Md. Maxamed Maxamuud (Ubaxle), Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Deegaanka ee Burco, Md. Maxamuud Xasan (Xoday), Agaasimaha Hay’adda Qaranka ee Dhawrista Tayada, Md. Siciid Saleebaan iyo Isu-duwaha Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Togdheer, Cismaan Cabdi Xayd kuwaas oo ku tilmaamay mashruuca mid wax-ku-ool ah oo wax la taaban karo ka qabanaya nolosha dadka nasiibka u helay in ay ka faa’iideystaan. Waxay mahadnaq u jeediyeen TRG, UNDP iyo Dawladda Talyaaniga waxanay ammaaneen hannaanka loo maamulay mashruuca. 

Agaasimaha fulinta ee TRG, Md. Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim, oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey mashruuca “Mashruucan waxa fikirkiisa lahayd oo diyaarisay TRG, UNDP-na si weyn ayay u soo dhawaysay waanay maalgelisay, dhaqaalaha ku baxayna waxa ku deeqday dawladda Talyaaniga. Gadiidkan ayaa loogu talo galay in ay wax ka bedelaan nolol-maalmeedka 282 qof oo ka tirsan 47 qoys. Labadii qoysba mid baa la isku siiyey iyadoo qoyskiiba bixiyey 10% ka mid ah kharashkii lagu soo iibiyey Bajaajta waxana shaqo ka helay 17 darawal.”

Cabdi Abokor oo ka socday hay’adda UNDP ayaa isna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay caawiyaan danyarta, waxanu kula dardaarmay dadkii ka faa’iideystay mashruuca in ay ilaashadaan hantidan kuna dedaalaan sidii ay muddo dheer u manaafacaadsan lahayeen.

Hooyo Cibaado Nuur Mire oo deggan  xaafadda Aadan Saleebaan kana mid ahayd qoysaskii la guddoonsiiyey Bajaajta ayaa tidhi “waan u mahad celinaynaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan. Dadkaas aad arkaysaan may lahayn meel ay si joogto ah nolol-maalmeedkooda uga helaan, maantase dee Bajaajtan ayay ku shaqaysan doonaan insha’allaah”.

Ugu dambayntii waxa furayaashii lagu wareejiyey qoysaskii ay soo xuleen guddiyada barakacayaashu kuwaas oo iyagoo dhoola-cadaynaya bajaajtii albaabka kala baxay.