Aragtida Faysal Cali Waraabe Ee Guddi Mus-danbeed Oo Madaxweynuhu U Sameeyo Guddiga Doorashada

0
587

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, isla markaana ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigan, ayaa ka hadlay Gudida mus-danbeedka ah ee  Madaxweynuhu u magaacabi doono Komishanka Doorashooyinka, waxaanu sheegay inuu taageersan yahay Guddidan, balse ay muhiim tahay in Xisbiyada, Komishanka iyo Dawladdu ay iskaga yimaadan, oo ay ku ogaadan Guddidan iyo waxay qabanayso.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo arintan ka hadlayaana wuxuu yidhi “Arintaa anagu waanu taageernay, inay noqoto Guddi taageerta Komishanka, laakiin arintaa waanu iskaga imanaynaa, rayi ahaan wuu soo jeediyey Madaxweynuhu laakiin Komishanka, Axsaabta iyo Dawladdu waa inay isku timaada, oo ka fikirnaa marka hore ma u baahan nahay, maxayse ka koobnaanaysa, shaqadoodu maxay tahay, ma faro gelinaysaa shaqada Komishanka, Komishanka waa in shaqadooda loo daaya, marka anagu fikirad ahaan waxaanu qabnaa inay noqoto mid gacan siinaysa, oo haddii Dawladdu lacagta la aamusto, lacagta doonaysa, wixii iyaga dhibaato ah ee ka hor yimaada ka caawinaysa, laakiin haddii Komishanka shaqadiisa Guddi kale  oo aan aqoonteeda lahayn la dul saaro, marka waxa weeye Komishanku ha iska tago, marka insha allaah waanu iska arki doonaa, wax loo wada dhan yahay ayaanu ka soo saari doonaa, haddii aanu u aragno in aan loo baahnayna waanu iska dayn doonaa insha allaah”.