Hargeysa(Geeska)-Aqoonyahan Maxamed Cabdikariin Cumar ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Somaliya iyo Puntand laga xuso Xuska 26-june ee Somaliland 54-sanno ka hor ay xoriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska, halka Somaliland aan laga xusin, waxaanu dhaliilo culus u jeediyey Xukuumadda Taladda haysa, isaga oo sheegay qodobo badan oo ay xukuumaddani ku fashilantay, waxaanu xusay afartii sanno ee Xukuumaddu taladda dalka haysay ay qabyaaladii sii xoogaystay, xadhiga suxufiyiintu batay oo waxyaabo badan oo uu balanqaaday madaxeynuhu wakhtigii uu mucaaradka ahaa aanu waxba ka qaban. Maxamed, ayaa ka mid ah dhallinyarada firfircoon ee reer Hargeysa, waxaanu si weyn uga dhex muuqdaa kulamada siyaasadaha lagu falanqeeyo.
Maxamed Cabdikariin Cumar ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddani tahay xukuumad tiro badan oo bilaa tayo ah, isla markaana masuulka xilka laga qaado aan mushaharkii laga jarin, isla markaana la yidhaahdo waa xil suge si aanu mucaarad u noqon oo xukuumaddana dhaliilaheeda u sheegin, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waxa xusid mudan in 23-sanno ee Somaliland jirtay in madaxweynayaashii iskaga dambeeyey maamulka iyo xilka Somaliland in maalinta 26-june si weyn u qadarin jireen,weyneen jireen,waxa marag u nahay dhammaanteen in dawladdeena uu madaxweynaha Sillaanyo gadh-wadeenka ka yahay ay siqiirisay Maalinta 26-june iyada oo aad arkayseen sida Villa Somaliya iyo Puntland looga dabaal dagayeey ee loo weynaynaayey, kaba sii darane wax aad loola yaabo ah in Xafladii lagu qabtay Madaxtooyada 26-june ay ahayd xaflad olole oo madaxweynaha loogu ololeeynayo shanta sanno ee dambe, taas oo madaxdii qaranka ee xisbiyada matalaayey la noqon weyday inay ka soo qeyb galaan,inta badan aan laga soo qeyb galin sida wararka lagu hayo, walaw uu afhayeenka madaxtooyadu uu difaacayey, lakiin warar xogoogal ahi sida ay sheegayaan aan la soo marti qaadinba madaxda xisbiyada qaranka”.
Maxamed Cabdikariin Cumar Isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya riwaayadii madaxtooyada lagu soo bandhigay 26 June, waxa uu yidhi “Xafladaas waxa lagu soo bandhigay riwayada loogu magaca daray Shanta Sanno ee dambe, runtii waa Riwaayad ka hadlaysay wax qabadka madaxweynaha, shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadaba iyaga oo xogogaal ah oo u soo taagnaa waaqica waayaha dhacaya, waxa aan jecelahay in aan la wadaago oo aan dib u xasuusiyo khudbadii ugu horeeysay iyo balanqaadkii ugu horeeyey ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) uu ka jeediyey labada gole qaran, qodobka ugu horeeya ee uu Madaxweynuhu ka hadlay waxa ay ahayd cidhib tirka yareeynta ama tirtirada tahriibka. Wakhtigii Daahir Rayaale Tahriibku waxa uu ahaa mid meel sare gaadhay, waxa uu ahaa masiibo dadka wada taabatay, dadka oo dareen weyni arintaasi ka dhalisay, xisbiga Kulmiye iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo waxa uu dadka ka dhaadhiciyey oo dhalinyarada uu ku kasbaday oo uu wayeel badan ku kasbaday in la cidhib tiri doono Tahriibka, waa tii hal ku dhigyadu ahayeen UDUB wey tagaysaa ee ha tahriibin walaal,waxa ay taasi keentay in dhalinyaro badani dalka ku noqaadan, rajo abuur ay sameeyso, dad badani u codeeyaan, waxa aynu marag iyo markhaati ka wada nahay, markii Xukuumadda cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ee imika afar sanno jirsan tahay in shaqo abuurkiii la balanqaaday aanay waxba ka hirgelin, in qabyaaladii la sii xoojiyay aynu markhaati ka nahay, in Ganacsigii la kooteeyey oo meheradihii hore u jirey ay laablaabteen, iyada oo aynu ogsoonahay mashaaricidii loo sinaa in cid gaar ah la siiyay oo la cuna qabateeyey Ganacisigii hore ee jirey, Madaxweynuhu khudbadiisi ugu horeeysay waxa uu balanqaaday Saxaafad xor ah, weynu ognahay in Saxaafaddu heerkii ay la soo martay Xisbiga Kulmiye, inay hormood u ahaayeen kuwii guusha dhaliyey, inay ahaayeen kuwii soo garab istagay, inay ahaayeen kuwii ka dhiidhiyey dulmiga iyo cabudhinta, inay ahaayeen kuwii wakhtiyo adag la soo maray, waxaynu markhaati ka nahay oo marag madoon ah in Xukuumadda Sillaanyo ay xidhay labadii Sanno ee ugu horeeyey ugu yaraan 80-Suxufi, iyada oo Maalintii Xuska Saxaafada la soo bandhigay tirikoobkaas, iyada oo ah wax laga naxo iyo wax ka hor imanaya balanqaadkii
Madaxweynaha, oo uu balanqaaday inay jiri doonaan Saxaafad xor ah oo xalaal ahi”
Aqoonyahan Maxamed Cabdikariin oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa aynu u soo taagnayn imikana in xukuumaddihii iskaga dambeeyey Somaliland aanay dhicin wargeysyo albaabada loo laabo, waxa aynu ognahay in Wargeyskii Hubaal la xidhay, waxa aynu marag u nahay xukunkii ugu dambeeyey ee mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah khabiir rug cadde suxufiya oo dulmi habeen saq dhexe la xidhay, waxa dadka waayeelka ahi xasuusan yihiin hab dhaqankani yahay hab dhaqankii Siyaad Bare ee dadka habeenkii saqda dhexe dadka loo soo dhici jiray oo saqda dhexe la xukumi jiray, dadka saqda dhexe lala bixi jiray, waa hab dhaqan aad u fool xun, Somaliland curdin ku ah oo imika ugu horeeyso, waanu cambaareeynaa xadhiga Suxufiyiinta, waanu ka xunahay iyada oo la baal maray xeerka Saxaafadda,iyada oo markhaatiga garsoraha dacwad oogaha iyo waxa oo dhamin in lagu kaliyeestay tafafatiraha iyo Mulkiilaha Haatuf waa wax cawaaqib xun, waana inay dadku ka dhiidhiyaan”.
Aqoonyahan Maxamed Cabdikariin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa Shacabka Somaliland mar saddexaad xasuusinaya balanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa in telefeeshinka Qaranka iyo Radio Hargeysa ay ahaadaan meel la iska wada arko, mucaarad iyo muxaafid ah, waxa aynu ognahay in xisbiga Kulmiye dhexdiisu aanu u sinayn, in masuuliyiintii xisbiga Kulmiye ee ay hormoodka u yihiin Mujaahid Muuse Biixi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin laga caayo, laga aflaagaadeeyo, waxa aanu Shacabka xasuusinaynaa in madaxweynuhu balanqaaday Xukuumadda tiro yar oo tayo leh Xukuumaddani waxa ay caanka ku tahay waxa ka mid ah xil suge, tiro ahaan wey ka badan tahay, tayo ahaana wey ka liidaata, oo wey ka hooseeysa Xukuumaddii Daahir Rayaale, waxa markhaati ah in masuulka xilka laga qaaday iyada oo laga baqayo inuu Mucaarad Musharka qaadanayey markii uu Wasiirka, Wasiirka ku xigeenka iyo Agaasimaha ahaa uu qaadan jirey, madaxtooyadiina uu ku sugan yahay, waxa intaas ka sii daran, in Hay’addaha qaranka ugu waaweyn in laaluush lacag baad ah siiyaan u arkaan Siyaasiinta Mucaaradka ah iyo Saxaafadda, waxa iyana marag leh waxa aynu ognahay xagii tayada in dawladnimadu khatar ku jirto oo ay noqotay dawlad is dhex yaaca, Wasiir iyo Agaasime is dilay ay kow inoo tahay, in Wasiir Wasiir dilaya kow inoo tahay,hab dhaqan Dawladnimada meel aan u soo marin ayey dawladani caan baxday, waana waxyaabaha nasiib darada u arkaan”.