Anaga oo kala ah Maxamed Bayle Gorod iyo Maxamed Cabdiqaadir Finiin, waxaanu halkan ku caddaynaynaa inaanaan ka mid ahayn magacyada dhaliisha u jeediyey masuuliyiinta xukuumadda kaga jira Gobolka Sool ee ay soo saareen odayaasha Ugaadhyahan.
Odaayaasha dhaliisha u jeediyey Masuuliyiinta ee ka soo jeeda Beesha Ugaadh-yahan, Waxaanu caddaynaynaa inaanaan la qabin fikirka cabashada ah ee Masuuliyiinta Xukuumadda ku jira ee Matela Gobolka Sool. Waxaananu caddaynaynaa inaanu taageersanahay Masuuliyiintaa dhaliisha loo jeediyey oo aanu u aragno inay yihiin masuuliyiin gobolka qiimo weyn ugu fadhiya.