“Anigu Kama Mid Ihi Garabka Toosinta Ee Ku Biiraya KULMIYE. Axmed Muumin Seed Ayaa Ka Dhigtay Wax Uu Ku Shaqaysto”Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale

0
653

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu ka mid yahay garabka toosinta Xisbiga Waddani ee ku biiray Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay inuu Xisbiga Waddani wali yahay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay Saldhiga Milatariga ee Imaraadka laga siinayo Berbera,Xildhibaanadii ay Ciidamadu ku fara saareen Golaha iyo qodobo kale, waxaanu yidhi “Garabka toosintu muddooyinkan dambe qorshe aanan anigu ku jirin bay iska wateen, maantana sawiradayda ayaa meel walba ku yaala in aan ku jiro, markaas Axmed Muumin Seed oo awalba Siyaasadiisu iska tabcaan ahayd, oo aanu la soo xanaaqnay kadib markii uu cadaalad xumo kala kulmay Xisbiga Waddani, ayaa markii aanu Garabkii Guddoomiye ugu dhignay, wuxuu ka dhigtay Garabkii wax uu ku shaqeeysto sida uu doonana ka yeelo, oo cidina aanay waxba kala socon, markaas waxaan sheegaya oo aan halkan ka caddeynayaa in aanan garabkaas ka mid ahayn, oo aanan ku jirin qoladaas Kulmiye galaysa, marka horena Axmed isaga ayaa kursigiisa waayey ee anagu maanu waayin kursi, ”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Dalka Imaraadka Carabta waxay inaga codsatay inaynu siino Saldhig Milatari, markaas maaha inay Somaliland oo dhami ka qayliso, dalka waxa ka jira dawlad, Shacabka reer Somaliland Axmed Siilaanyo ayey Madaxweyne u doorteen, wuxuu ahaa Guddoomiyihii SNM, markaas maanta isagoo Madaxweynihii dalka ah in la yidhaahdo waa tuug, waa fadeexad, Xukuumad baa dalka ka talisa, iyadaa u xilsaaran Siyaasada Arimaha Guddaha iyo Siyaasada Arrimaha Dibadda, markaas haddii ay wax ka xumadaan iyadaa ku ceebaysan, haddii horumar laga gaadhana iyadaa ku amaanan, markaas waxaan leeyahay ha looga hadho, oo yaanay cid waliba ka hadlin”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, mar uu ka hadlaayey Ciidankii soo dhex galay Golaha iyo Xildhibaanadii ay gacanta ula tageen ayaa yidhi “Talaabada la qaaday ee Xildhibaanada dhulka la jiid jiiday fadeexad bay ahayd, waana ceeb, maaha in sharafta iyo xasaanad Xildhibaanada lagu xad gudbo, Saleebaan sharaftiisa may ahayn inay Askartu Xildhibaanada dhulka jiid jiido”.

Dhinaca kale wuxuu Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, ayaa waxa kale waxa uu sheegay inuu ka mid yahay Xisbiga Waddani, balse wuxuu cadaalad daro ku tilmaamay qaabkii uu u dhacay Shirweynihii Xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in haddii la doonayo in Xisbigu taaba qaad noqdo in loo sinaado, oo aan lagu kala awood badan.