AMISOM Oo Maalin Ka Dib Soo Gunaanaday Weerarkii Ay Al-Shabaab Ku Qaaday Xalane

0
556

Picture3Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa sheegay in 9 qof ay dhinteen ka dib markii ururka Alshabab uu weeraray saldhigga ciidankan oo dhinaca ku haya Gegida dayuuradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa weerarka qaaday khamiistii, waxaanay AMISOM weerarka soo afjartay gelinkii hore ee jicmihii shalay, waxaanu noqday weerarkii ugu wakhtiga dheeraa.

Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay in dagaalyahano ka tirsan Alshabab oo qaarkood ay ku labisnaayeen dharka ciidanka Somalia, ay dhismaha soo galeen duhurnimadii Khamiistii. AMISOM ayaa sheegtay in raggani ay isku dayeen inay galaan, waxa uu hawlgalku. ugu yeedhay meelo muhiim ah oo dabcan ka tirsan hoyga Xalane.

AMISOM ayaa sheegtay in 5 weerar soo qaaday iyo 3 ka tirsan ciidanka AMISOM, iyo hal qof oo ajaanib ahaa oo ka mid ahaa qandaraaslayaasha AMISOM.

Af-hayeenka ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in saddexdii ugu dambeeyay ururka al-Shabab shalay subax la dilay, waxana uu sheegay in mintidiinta soo weerar saldhigga ay ahaayeen siddeed qof.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey hawlgalkii mintidiinta ururka al-Shabab looga sifaynayey saldhigga Xalane ee ciidamada AMISOM oo ay khamiistii weerar kusoo qaadeen.