Hargeysa(Geeska)- Ambaasador Huteel, oo ah hudheel raaxo oo heer caalami ah ayaa haatan u dabbaal-degayaa sannadguuradii 15- aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay isaga oo muddaasi uu soo jirey ku soo caano maaley adeeg hufan oo casri ah oo aan marna soo kala go’in tan iyo markii albaabada loo furey.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal dheer oo ka soo baxay maamulka hudheelka oo u qornaa sidan:- “Waa hudheelku bixiyaa adeegyada caalamiga ah ee lagu yaqaan hudheelada noociisa ah ee loo yaqaan ‘5 Star service’. Waxa uu kanbalka u yahay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, isaga oo dul saaran buurta dhereran ee muuqaalkoodu dhanka koofureed dusha ka soo eegayo caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Ambaassador hotel oo la dhammeystirey 15 sanno ka hor, waxa aasaasay nin dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah, islamarkaana haysta dhalashada Ingiriiska oo la yidhaahdo Khadar Aadan Xuseen. Muddadaasi uu soo jirey waxa uu bixinayay adeegyo loo bogey oo heer caalami ah oo joogto ahaa oo soo jiitey indhaha macaamiil badan oo dibada iyo gudahaba ah.
Sannadkii 2016 waxa loo aqoonsadey macaamilka iyo soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee Geeska Afrika, waxaana la siiyay abaalmarinta shahaadada sannad leh ee macaamil wanaagga ee sannadkii 2016.
Shahaadadan oo ay bixiso Tripadisors ayaa waxa ay tix raaceysaa warbixinno qiimaynaya, tayada sarreysa ee aragtiyaha ay ka soo gudbiyeen
macaamiishiisu 12 kii bilood ee u danbeeyay
sannadkaas. Ambassador huteel waxa uu ku
guuleystay 82% qiimeynta togan ee lagu sameeyay inuu ka mid yahay hudheellada kuwooda ugu wanaagsan ee ku yaal dunida, xag adeeg, cunto, raaxo, hurdo iyo joogitaanba.
Bilowgii markii la unkayay dhismaha hudheelka oo ku yaalay meel aan sidaa loo degganeyn waxa ay in badani wax iska weydiineysay sida uu hudheel ganacsi oo noocan ahi ugu habboonaan karo meel noocaas ah in laga sameeyo iyaga oo shaki gelinaya sida uu ugu socon kari doono iyo inuu ka soo horjeedo waxyaabaha loo raaco marka meherad noocan oo kale ah la yagleelayo.
Haseyeeshee markii uu ku dhiiradey isaga oo aan eegin hadaalladaasi deyrada ahaa ee uu hirgeliyay huteelka waxa soo baxdey inuu dhismaha huteelkani si weyn wax uga beddelay deegaankii laga yagleelay, una soo kordhiyay magaaleyn iyo in ay noqoto meelaha dhul ahaan ugu qiimaha sarreeya caasimada Somaliland ee Hargeysa iyada oo ay muwaadiniintii caadiga ahaa ee ku lahaa dhulku xitaa noqdeen kuwo ka tanaadey oo maanta dhulkoodii bannaanka ahaa noqdey dhulka ugu dooonista badan ee la wada raadinayo.
Khadar oo ah mulkiilaha Huteelka waxa uu ku dhiirashadii dhismaha hudheelka iyo sida uu wax uga beddelay deegaankaasi suuqeyntiisa waxa uu beddelkeedii ku helay in loo doortey xildhibaan golaha baarlamaanka Somaliland ah sannadkii 2005, isaga oo waliba ahaa xildhibaankii helay codadkii ugu badnaa.
Inkasta oo uu door shariif ah ka qaadanayay golaha sharci dejinta Somaliland, haddana waxa Khadar ku kelifay inuu iska casilo xubinimadii baarlamaanka dalabka loogu baahdey inuu waqti badan ugu helo adeegyada Ambaassador huteel ee sii ballaadhanaya oo ay muhiim noqotey inuu si buuxda isha ugu hayo.”