ALLE Ha Laga Baqo Oo Madaxda Qaranka Iyo Dadkaba Yaan Magacooda Laga Been Sheegin W/Q Cabdiraxmaan Saleebaan Maxamed

0
714

Waa dambi oo Diinteena suuban ee Islaamku raali kama in qofka bilaa'adanka ah in lagu xad gudbo cirdigiisa iyo sharaftiisa, waana gef in sumcadiisa, karaamadiisa iyo sharaftiisa laga been abuurto, Nabigeena suuban ee Nabi Muxamed (NNKHA), waxa uu yidhi qof been sheega umaddayda ka mid maaha, markaas waa xadgudub, oo waa khalad in iyada oo qofku adeegsanayo magaca aan magaciisa ahayn inuu adeegsado, adeegsado cay, qabiil iyo inuu iska hor keeno dad walaalo ah.

1 1

Haddaba Maareeyaha Dekada Berbera Eng: Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo ah Masuul qaranka si daacadnimo, dadaal, sinaan iyo xilkasnimo  ku dheehan tahay ugu adeega,isla markaana madaama uu ku mashquullsan yahay hawlaha qaranka aan ku haleelin Facebook iyo wax la mid ah ayaa laga been abuurtay, iyada oo magaciisa, magaca aabihii iyo magaca awoowgii la isticmaalayo, la iskagana dhigay, loona adeegsaday  magaciisa arimo aan ka suurtoobin oo ah qabyaalad iyo iska hor keen beelo walaalo ah, markaas Nabigeena suubani waxa uu inoo sheegay in cidii fidno hurada kicisaa ay dambi weyn oo kabaarin ah ay  leedahay,in masuul qaran oo xil umadda u haya laga been abuuro oo qabiil lagu shaanbadeeyo, oo magaciisa la isticaalana waa gef iyo khalad, in qof la ribeeyana waa dambi kabaarin ah, oo culayskiisa leh.

Kolay tan iyo wakhtigii ay dalkeena soo gaadheen baraha Bulshada ee dadku ku wada xidhiidhaan, oo uu ka mid yahay Facebook-gu waxa soo baxay in xitta ay Inamo adeegsadaan Sawiro Hablo, iskana dhigaan Hablo, waana dambi if iyo akhiraba, markaas qofka Adduunka ku waari maayo, ee aynu iska dayno wanjalaada iyo in la ribeeyo Madaxda Qaranka  iyo dadka kaleba, oo laga been abuurto, wax aanay gayin laga sheego ama laga faafiyo, qofka inta uu wajlayo qof kale, oo uu adeegsanayo magaciisa waxa u haboon isaga oo si toos ah  isku sheega, oo fikirkiisa ka badheedha, maxa yeelay haddii uu cid iska qarinayo waxa arkaya oo aanu sinaba iskaga qarin karin ILLAAHAY, ee ILLAAHAY ha laga qabo, oo ha la iska daayo wanjalaada. 

Cabdiraxmaan Saleebaan Maxamed (Cabdiraxmaan Faqaatiir) Tel: 4481333