Berlin (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in tiknoolajiyaddu ay baahiso maskaxda iyo dareenka feejignaaneed ee ardaydu marka ay ku jiraan goobaha waxbarashada. Cilmi-baadhistan oo ay samaysay jaamacadda Saarland ee dalka Jarmalka ayaa lagu ogaaday in arday ardayda jaamacadaha iyo goobaha waxbarashada u soo qaata talefannada casriga ah, kombiyuutarka gacanta ama qalabka kale ee tiknoolajiyaddu in waxa ugu badan ee ay ku isticmaalaan uu yahay gelintaanka bogagga kala duwan ee internet ka iyo bar-kulannada bulshada, oo ay ku yar tahay in ay qalabkan u adeegsadaan qoritaanka duruusta iyo qodobbada muhiimka ah ee macallinku u sheegayo iyo guud ahaanba wax xidhiidh la leh waxbarashada ay ku gudo jiraan.
Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo sahamin ku sameeyey arday kala duwan oo qalabkan sidatay xilli ay ku gudo jireen fasallada waxbarashada ayaa intii ay tijaabada wadeen waxa ay samaynayeen in soddonkii ilbidhiqsiba ay hal mar eegaan waxa ku jira shaashadda qalabkan ama waxa uu ardaygu u adeegsanayo, waxaana soo baxday in boqolkiiba 40 waxa ay ardaydani isticmaalayaan aanu wax xidhiidh ah la lahayn waxbarashada ama ugu yaraan mawduuca markaa uu macallinku barayo. Boqolkiiba 12 ka mid ah ardaydan ayaa iyagu dhowr wax isku dhex waday, oo waxa ay isku dhex wadeen akhriska ama eegista wax darsiga uu macallinku dhigayo xidhiidh la leh iyo wax yaabo kale oo aan waxbarashada ka mid ahayn. Khubaradu waxa ay xaqiijiyeen in boqoliiba 18 keliya oo ardayda tijaabada lagu sameeyey ka mid ahi ay qalabkooda (Kombiyuutarka, talefanka gacanta iwm) u adeegsanayeen wax xidhiidh toos ah la leh waxbarashada oo aanay wax kalana ku dhex wadin. Wax yaabaha ay ardayda badankoodu ku mashquulsanaayeen ayaa ay daraasaddu ku sheegtay, degallada kala duwan ee internet ka, ciyaaraha lagu ciyaaro kombiyuutarka ama qalabka la mid ah iyo qaar badan oo iyagu ku mashquulsanaa bar-kulannada bulshada, sida Facebook.
In kasta oo ay xeel-dheerayaashu gaadheen natiijadan ah in qalabkan casriga ahi uu ardayda ka jeediyo waxbarashada fasalka, gaar ahaan dhegeysiga iyo fahamka duruusta uu macallinku u dhigayo, haddana waxa ay ku talinayaan in aan goobaha waxbarashada laga mamnuucin qalabkan ee laga shaqeeyo sidii macallinka iyo maamulka dugsigu ay uga faa’idaysan lahaayeen waxbarashada iyaga oo maraya hab ardayga ku tababaraya in qalabkan uu waxbarashada uga faa’idaysan karo, kuna qasbaya in aanu wax yaabo kale ku eegi karin fasalka dhexdiisa. Tusaale ahaan Veira Gelien Baw moo uu ka mid ahayd khubarada daraasaddan samaysay ayaa ku talinaysa in qalabkan oo laga mamnuuco goobaha waxbarashadu aanu xal ahayn, taas beddelkeedana ay waajib tahay in macallimiintu ay kordhiyaan ku-tiirsanaanta uu ardaygu waxbarashadiisa ugu tiirsan yahay qalabkan, marka ay noqoto dersiga la dhigayo, muxaadarada iyo weliba in loo adeegsado imtixaannada, si ardaygu qalabkan ugu arko in uu leeyahay faa’ido ka duwan tan uu ku mashquulay ee waxbarashada ka fogeynaysay ama fahamkiisa xumaynaysay.