Al-Shabaab oo soo duubtay cajalad uu ka dhex muuqdo Murashaxa Maraykan ee Donald Trump

0
656

Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray muuqaal borobogaando ah oo uu ka muuqdo ninka rajaynaya in uu noqdo madaxwaynaha dalka Maraykanka, Donald Trump.

1

Waxay soo qaateen baaqiisii uu dhawaan ku sheegay in Muslimiinta laga hor istaago in ay galaan dalka Maraykanka.

Ururka Al-shabaab muuqaalkoodani wuxuu ku wajahanyahay Maraykanka Madaw, waxayna ugu baaqayaan in ay Muslimaan oo ay ku soo biiraan Jihaadka.

Waxay sheegeen in dalka Maraykanka uu ku badanyahay midabtakoorka, tacadiyada booliiska, iyo waxyaabaha Musliminta lagaga soo horjeedo.

Waaxda ol'olaha doorashada u qaabilsan Donald Trump wax war ah kama aaysoo saarin muuqaalkan

Al shabaab ayaa video’gan waxa ay isticmaashay war uu goordhow yiri Donald J Trump oo ah nin u tartamaya Xukunka Madaxweynenimo ee dalka Maraykanka. isagoo yidhi “Dalka maraykanka waa inuu Albaabada ka Xidhaa Dadka Muslimiinta ah, ilaa laga ogaanayo inta Xagjiriinta ah ee ku sugan dalka Maraykanka”.

Muuqaalkan ay soo bandhigeen Ururka Al shabaab ayaa la sheegay in Ururku uu doonayo inuu sidaan ku helo ama ku soo xero galiyo dhalinyarada madowga ah ee ku nool dalkaasi Maraykanka.

Muuqaalkaasi oo muddo 60 daqiiqo soconayo ayaa waxaa soo saaray Garabka Warbaahinta Alshabaab ee Alkataa’ib, waana qeybtii Labaad ee lagu dhiirigelinayo dadka Muslimiinta Maraykanka inay ka hor-yimaadaan baaqa Musharaxaasi ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee nacaybka u muujinayo dadka Muslimiinta ah.

Hadalka Donald J. Trump waxa loo cambaareeyey si xad-dhaaf ah, waxaana loo sheegay inuu ku ciyaarayo Gacmaha Kooxaha Islaamiyiinta

Hadalkaasi waxa uu bishii December ka jeediyey Isku-soo-bax ka dhacay South Carolina, isagoo ku baaqay in dhamaan Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka.

Muuqaalka Video-ga waxaa ka muuqda sawiradda Dhallinyaro Maraykanka Madow oo ay Boliska toogteen, waxaana kuwaasi ka mid ah Michael Brownn iyo Walter Scott.

Waxaa kaloo ka muuqday Farriin Cod ah oo laga soo xigtay Hoggaamiye ka tirsanaa Alqaacida, oo la odhan jirey  Anwar Al-awliki, kaasi oo ugu baaqay Muslimiinta inay isaga soo hayaamaan dalalka Reer Galbeedka ama ay ka dhex dagaalamaan.

Anwar Al-awlaki waxaa lagu dilay diqeyn ay Droneska Maraykanka kafuliyeen Yemen sannadkii 2011-kii.

Dhinaca kale, Video-ga Alshabaab soo saareen waxaa ka muuqday Sawiradda Dhallinyarro Soomali oo ka soo dhoofay Maraykanka, kuna biiray Alshabaab.