Akhriso Qaybta 3aad Ee Maansada Garbo-Diir

0
1558

dheeraadHargeysa(Geeska)-Akhristayaal, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybta labaad ee maansadii uu Abwaan Axmed Aw Geedi habeen hore soo bandhigay,taas oo uu si kulul ugu dhaliilay xukuumadda Somaliland. Maansadaas oo ah mid miisaan suugaaneed leh ayaa soo jiidatay dareenka shacabka. Wuxuu Abwaanku yidhi

Ha dan seegin bay tidhi

Adiguna ma duuloow

Calaf dug ma yeeshee

Dabaweyn haddaan cunay

Daayin baa I siiyee

Ha dagaalin oorida

Dalaaqdana ha maqashiin

Darantiyo waraabkiyo

Deegaan u raridiyo

Daaq geynta xoolaha

Adba uma dadaashide

Ha deg dhebin qofkay tidhi

Lama dilo haweenkee

 

Waxaan uga danleeyahay

Raga meesi loo diray

Daayacay waxoodii

Ka durduurshay bahalaha

Maxay dooda beenta ah

Muran iyo is diidsiin

Hadalka ugu darayaan

Afartaadar maw xidhay

Ma durduushey sida geel

Hormo kalana soo daa

 

Wuxuu doonayaa gocor

Inuu digo qabowdiyo

Dab bakhtiyey afuufaa

Dakanooyin dhidhiyaa

Dawan cudur istaadhaa

Duufaano kiciyaa

Degelkeena biiyaa

Wuxuu doonayaa gocor

Iney habar dadqalatii

Ubadkeena dubataa

Isaguna la dooxdaa

Dhaylada la diirtaa

La duxsado shariiryaha

 

Wuxuu doonayaa gocor

Inuu doob tacliin lihi

Damac iyo hanbeelaa

Darbi jiif ahaadaa

Midna baawer derejiyo

Xil digreeto ku ansaxay

Hadba xaajo dalabliyo

Hab delegen ku qaataa

 

Wuxuu doonayaa gocor

Qubanahan dayacanta ah

Maatidan darleefka ah

Deyro dhaafka jiilaal

Iney diilaliyo dhaxan

Dibadaha u hoydaan

Isna aqalo daahweyn

Ku dekeeyo keligii

 

Wuxuu doonayaa gocor

Sidaan daacada u ahay

Halgankaan dirida adag

Kaga dhigey ris iyo doox

Dibin daabyadaan maray

Inaan hogor dugsooniyo

Daal tirasho waayaa

Isna daansha dhaanshaha

Dawlahada kan tarandacay

Dhulka midabka dooga leh

Daymada cagaarka ah

Quruxdana la daawado

Inuu soo dalxiisaa

Wejigiisa dahabka ah

Boodhkii ku duulana

Diib lagaga dhaashaa

Nafta dawshad iyo buuq

Laga soo dabiibaa

 

Wuxuu doonayaa gocor

Inuu god iyo bohol dedan

Hir sakaaro lagu dago

Igu sii duduucaa

Lafahayga duugaa

Hadhowtana diyo la’aan

Dafiraad walle u badan

Raacdada ku didiyaa

Dacwadeyda qariyaa

 

Wuxuu doonayaa gocor

Inuu dahab ka dhigo maar

Maartana ka dhigo dahab

Xumo samo ku doorshaa

 

Wuxuu doonayaa gocor

Iney kala dab raacdaa

Dangalooyin noqotaa

Iyo jeesas kala dida

 

Qaranbaa I deeqee

Anna diiday reer reer

Ma hungowdo daacadi

Haba loo daraadee

Dawo male shir beeleed

Iyo ruux duraansaday

Dawo male shir beeleed

Iyo dawdar ka af laxay

 

Dar allee shan midabloow

Ninka duubka kaa lulay

Derejooyin kugu taxay

Kaa dhigay rag doorkii

Dabin looma qoolee

Ha degdegine caga dhigo

Nabsi haw fariin diran

Ha u yeedhan daa’iro

Dibna haysu qolof ridin

 

Dar alle shan midabloow

Dulmi haw qareen noqon

Xaqna haw dardaar werin

Ha galaafan ducafada

Ha ku digan agoomaha

Ha durqumin masaakiin

Ka dibireyna booliga

Deeq hawgu sii ladhin

 

Dar allee shan midabloow

Dadka garangarta u yaal

Waa duul isma hurto ah

Waa dir iyo daabaan

Waa ul iyo diirkeed

Carabka iyo laba daan

Isu soo du’ mooyee

Kala didini waw halis

Nin khiyaamay doorsoon

Ninka deyriyaa eed

Ninka dumiyey leeleel

Isku duubnidoodaad

Adiguba ku tahay damal

Iyo deyr wax caabiya

 

Dar allee shan midabloow

Hadba damaca laaciyo

Ha siyaadin dalan kaca

Doolaalo haw dhiman

Balan hore ha dacal marin

Ha dayacin xil weynbaa

Dumadaada saarane

 

Dar allee shanmidabloow

Nabadiyo degenidaa

Lagu kala danbeeyaad

Adiguba ku darartaye

Bal u fiirso dacalada

Docahaaga qaar eeg

Dugayeyda dhiilada

Sida loogu dabar go’ay

Deris aad ka baratide

 

Dar allee shan midabloow

Rag sidaada deli dhacay

Dibso laga ayn go’ay

Daruur mooday dhalanteed

Haabhaabtay dunidaba

Degta inay ku qaataan

Kibirkiyo durduradii

Muxuu dhaansha dhaanshuhu

Deyn iyo jar dheeriyo

Daadeys ka raariday

 

Dar alleeshan midabloow

Diintana ha caasiyin

Ha dafirin illaahbaa

Dul badin iyo naxariis

Galadiisa daadka ah

Kugu daajinaayee

Dhinacaaga dogobiyo

Dubayiyo ha badin naar

Dunqulaalna haw hurin

Nafta meel u daran iyo

Haw deyrin guri baas

 

Dar allee shan midabloow

Ninka dhagax dixeediyo

Dundumooyin la hadlaa

Dux ka gaadhi maayee

Salax erey ma diiqee

Doocaagu ba’anaa

Bal mar uun digiigixo

Halaguu duceeyee

 

Nin dardaarmay baa yidhi

Saddex dayro lama qoro

Dadna looma quudhsado

Dhaqashuu ka yahay deeq

Korid buu ka yahay ducuf

Iyo wuu dal dheeryahay

Dana weli umaad mudan

Dabuub weeye dhaxal gala

Waxa loogu digayaa

Ninka kibir la diidee

Dala’saday asaagii

 

Afartaasi waa duud

Dayib weeye qun baxay

Waa degel san iyo hawd

Qormo kale u soo deyr

 

Beeshoo danood iyo

Deyr iyo afmeer taal

Oo dirirka cawleed

Maansheeyey dunidii

Waraabaa dagaagoo

Reer buu u dalaq yidhi

Wan weyn buu ilkaha daray

Dudadaana kala dhacay

Habeen kalana soo dool

Deyluu ka buuxsaday

Oo aan dib loo arag

Habeen kale dugaagii

Ri irmaan ku durufaaq

Habeen kalena daahoosh

Muskuu soo derderay oo

Daabaxuu mid qaatoo

Duleedada kusoo cunay

Duf ku baxe habeen kale

Sabeen duudka kala jebi

Sarar iyo leg dagan buu

Ka dibiray dhurwaagii

Laqanyuu dardhanayaa

Caawana mid darayuu

Ku darsaday kuwii hore

Habeen qudha ma daahee

Sidii duunyo uu dhaqay

Ama deyn ku leeyahay

Aaskuba hadduu dumo

Reerki wuu duljoogaa

Odaygii ducaalee

Danbaabaayey xoolaha

Lexojeclo damqaysiyo

Ciilbaa dishoodoo

Duqu shaamareeryoo

Ahminkiisa dabar go’ay

Iyo dumar canaantii

Cadhadii is dabi gaadh

Qayladii daluuntoo

Deris iyo xigaal iyo

Warac baa la doonoo

Rag uu madaxu diirmiyo

Qaafo doora baa timi

Dooyeyste geedkii

Tashigiina lagu daal

In la qodo daluun dheer

Oo caws dameeriyo

Duur lagu areerimo

Ayey talo ku daayeen

Waraabii degdegi jiray

Xeradii daf soo yidhi

Sumal badhi la daaluu

Mus danbeedka kala baxay

Digdigta iyo fadalkii

Hadba baala deymaha

Isagoo dakano qaba

Shaxdii loo daleeyiyo

Godkii buu ku dubuq yidhi

Qosol wuu danbeeye

Odaygii ducaaloo

Qardada iyo daalkii

La gataati duuloo

Sardho dheer duraantaa

Didmadii baraarkiyo

Deydey kutoosoo

Doodiyey itaalkii

Digif difigta raacdada

Deyrwaa xambaaroo

Wuxuu dulun dulceeyaba

Xabaashii ma dalaq yidhi

Dan baa tidhiye xaajiga

Dhidarkii is daawade

Hadba labadan dawsare

Didmadiyo cabsida qaba

Booraanta deyn ka ah

Midba dhinac u duulaan

Waana lays duljoogaa

Ku deyow waaraabii

Godka daakhilkiisii

Harareemay debedii

Wuxuu yidhi ma duushaa

Kolba duudka koruqaad

Waa diriye qararkii

Jeenyaha la doondoon

Odaygii ma daahine

Dalacaada badhi taar

Cadawguu alle u dabay

Muu diline kaalmee

 

Dir waraabe taageer

Sida loogu daranyahay

Ama loo daleensaday

Dareen uma lahaadaan

Xansaskooda dayrka ah

Halka dagan ma eegaan

Ma dalaalimeeyaan

 

Dir waraabe taageer

Damaciyo durwaagii

Dulaanka ugu yimi

Xeradooda duunyada

Bahalkii dareersaday

Daldashayeen wax kaga tegin

In la dilo ha joogtee

Waabay sii daliciyeen

 

Dir waraabe taageer

Hadtidooda daranyiyo

Darxuma iyo habaqliyo

Daayaca allaa baday

 

Dir waraabe taageer

Dunjigoodu waa gobe

Waxa keenay dubu dhaca

Dhaqankooda dawdilan

Waxaan uga danleeyahay

Weligood dad liitey

Dawlad xumi ka dhalataa

Waa dabeecad soo tiil

 

Dawladnimadu waa geed

Wa damalka la hadhsado

Marna waa daleel iyo

Bactaleesha dabeda ah

Waa laba deryaaliyo

Dugsi celiya gawraha

Marna waa dediyo dhaxan

Lagu diirsan waayaa

Derbi weeye culus iyo

Dube cadawga lala dhaco

Marna waa hub dananoo

Lagu dilo sokeeyaha

Iyadaa dadnimadiyo

Daaweysa gobanimo

Marna way la dirirtaa

Iyadaa wax dumisoo

Duligay hor marisaa

Waa daabad ruuxii

Dahrigeeda fuulaa

Danyar ugu adeegaa

Marna waa darmaantuu

Nacas derejo moodaa

Waxa dagan ku boobaa

Booliga ku daaqaa

Dabadeedna eedaa

Marna waa xaq daalacay

Waa duciyo reynreyn

Dulmi weeye lagu jabo

Marna waa xaq daalacay

Waa duciyo raynreyn

Marna waa abaar dama

Hadba waxay la dooctahay

La dareen wadaagtaa

Cida wadaha doonta ah

Ama darawalkeeda ah.

 

Shicib dawlad waayoow

Miyaan roob kastoo da’a?

Garbo-diiri weligeed

Nin daguugan waayeyn

Inaguna dabciga qaran

Ummadeenu dul ahaan

Meeshiyo dab-tuurkii

Hadba mid u daraadoo

Dabra saw ma waayaan

 

Shicib dawlad waayoow

Xaajada markaan deyey

Dusdus iyo khiyaamiyo

Ildamuuqsi baa jira

 

Shicib dawlad waayoow

Dibnaa kuu halaan hali

Uurna waa la dabayaa

 

Shicib dawlad waayoow

Doonidaan ku joognaa

Duufaan bay u halis tahay

 

Shicib dawlad waayoow

Daarta aad dhisaysaa

Duufaan bay u halis tahay

 

Shicib dawlad waayoow

Ruqahaad dar leeyahay

Dabaday hayaan qaar

 

Shicib dawlad waayoow

Derderaada faanka ah

Afka beenta dawdebey

Aragtida dir sooca ah

Himilada dayowga ah

Boholaha daluunta ah

Waa lagugu dagayaa

Dabin baa la dhigayaa

Lala gaadayaa deer

Geri baa la dilayaa

Dibi ba la qalayaa

Doqon baan ka kicin qiiq

 

Shicib dawlad waayoow

Isma qariso daacadi

Haday ri’I dub leedahay

Dabadey ku qarin leyd

Tiisaba daryeelaa

Adna kuugu dari kara

 

Shicib dawlad waayoow

Dilaal iyo malaal iyo

Diric naar afuufiyo

Nin danlaa ku kala gura

 

Shicib dawlad waayoow

Daad furay mahiigaan

Bari waqalka ka dayreed

Duufaanka weedhka leh

Waxaraha da’miliceen

Doogaasha ku afurin

Daratiyo jaglana galay

Duuflaha xayeeshka ah

Dardhashada qabowga ah

Qaadh looga dagagarin

Xageen waxaka daqaqama

Gabayooxa lama dega

Uga daad gureynaa?

 

Shicib dawlad waayoow

Rimeydii la daajee

Hadba rabadin doogliyo

Doh banaan la geeyuu

U sid tiriyey doob jirey

Markay fool la dihatee

U daruuray gaawaha

Gabno kuma daryeeshee

Mar haday hu deeliyo

Deeqi weydo maatida

Ama diido nirigtaba

Dib inuu u xaraashiyo

Inuu daabaxoow furan

 

Shicib dawlad waayoow

Gabadhii la doonee

Aqal laba deryaaliyo

Dadab lagu aroosee

Laga dhiibey duunyada

Mar haday danteediyo

Alab dumar lahaa iyo

Garan weydo dawgii

Oo daad usoo galo

Waa damal hadh waayee

Dawliil dheer nin kii qabey

Dalaaq iyo wallow furan

 

Duur xulkeedu wuxuu yahay

Ama uga dan leeyahay

Mar wakhtigu diraac yahay

Daan kulul abaareed

Loo raray degmada hawd

Dixo lagu habeen dhaxay

Hayinkii diboodee

Intuu gooyey dabarkii

Duburaha ka xulay hawd

Aar dile dib haw raran

Afartaa danguudiyo

Dacwad laga aloosiyo

Sooyaalka duugiyo

Runta oon laf diiriyo

Qalin iyo dawaadii

 

Bari way ka dayrsheen

Bogox doogii kama bixin

Guban waa dab iyo halas

Oogo roobkii kama di’in

Dubadoow hasheenii

Xagee loo dareersha

Daa’imaa la joogtee

Bal abwaanadii doon

Kolay daad madheedhiyo

Daan bari u foofshaan

Ama deexba geeyaan

Maroodiga duqoobaa

Duwi jiray beryii hore

Dhirtu laqanku daadshee

Dabcigaan aqooneyn

Dada uufaneyskiyo

Qalanjaa durdurisee

Arbayahow ku darayaa

Waad raxan wad daysaye

Orod wabiga dul u dhaaf

Doy iyo dhul dheer qabo

Duubkiyo xilkana siib.

Saddex  lama dugaashado

Dulmi iyo gar eexaad

Guri dulinku muushyahay

Iyo talo digtaatoor

Ninka yidhi dar baan xidhay

Danyaraha ka dhaanshada

Dadna wuu u simanyahay

So’da ceelka loo degey.

La soco……….

 

Muxuu faan darooriyey

Diidiiyo hadalkiyo

Kibirkyo danaanigu

Doqon dheregtay wow caad

Taadaba u daayoo

Hadduu dararay dhiin waal

Aduunbaa durduurtaye.

La soco……….

 

Ma afurin dadweynii.

 

 

Siduu yidhi digtoorkii

Danbarkeedii maandheeq

Nimaan doonin baa dhamay

Shicibkii dagaalamay

Ayaa daadsan suuqyada

 

Daayeer qadhaab tegey

Dantiisuu ujarmaadee

Fulsho ruuxa daaqoow

Annigiyo dir raaraco

Daaweysan maynoo

Duuf kuma qadeeyee

Waxba yaan la ii dudin

Ku darsoo walaalow

Dad waxaan u necebahay

Ninka daacad gawracay

Iyo diradiraalaha

Dan wadaagta kala raray

`

Dermo wadari jiiftiyo

Aqalkii dugsoonaa

Iyo laba daryaalii

Qarankeena deeqee

Salka dhaban dulaamiyo

Daafigu gilgili jirin

Waxa ay ku doorsheen

Guri aan daroor iyo

Inna daadka celineyn

Oo dadabtii hoosiyo

Foodsaarkii diirteen

Oo udubkii daacoo

Durba soo qan doodsaday

Iyo buul duqeed raba

Inuu dumo ayaan dhow

 

Dubur laxo nin joogoow

Taladaada debecdiyo

Xilka kaa dalooshamay

Galdalooladaadii

Hurintii dadaashiyo

TV gu dediwaa

 

Belo laga ducaystiyo

Haaweey derderan iyo

Dooxatiyo wareentaba

Kolay tahay daraawiish

Wixii duul nasoo maray

Daayin hayna dhaafshee

Kuwanaa u diga kulul

 

 Dulmigii karuuriyo

Hadduu doobi buuxsamo

Inuu daato waa faral

 

Shimbir duulay soo noqoy

Haba koro daruuraha

Dan baa hoos u soo celin

 

Dulmiyoow nasoo dhaaf

Dayaxaagi wuu dhacay

Diga rogo habaaroow

Dibna hawgu soo noqan

Illaa daayin abidkaa

Intu samuhu deeqiyo

Duugana anys ka leh

 

Allay lehe dadkaygoow

Darraad waad as qowdeen

Shalaytana dayowdeen

Maantana dar jiidheen

Waxaad daydayey saan

Aan kuu dardaarmee

Daliilkiyo qur’aankiyo

Daahyada furqaan iyo

Xaqu diinta weeyaan

Musxafkaa ha sii deyn

 

Hadduu gabaygu deris yahay

Ama loo kitaab dayo

Adigaa dabka u sida

Guuleed da’daadee

Maansadu dirweeyee

Degelkay ku dhalatoow

Daad soo jirfaday iyo

Duufaankii xiisiyo

Hoohiga darooriyo

Daruur curatay baad tee

Godkuu degey adoowgaa

Ku´aroori deeleey

Daaraanta faallee

Xaqa duub u soo xidho

Soo durug AF- gudhiyoow

Adna CAAMIR haw dagan

Dalmar iyo jiheeyiyo

Hadawamiyo MEECAAD

Hadareemo MOWLIID

Bedel daabad haw koro

Weedhsame ha daabaco

Cabdi gaydhna haw diro

Mursal haw dabaal dego

Budin yuu ka daahine

Dabaylaha u sii fara

Hadu beeyo xaalleef

Daadihi san-dheeroow

Dabka maxamed haw shido

Ilko jiir ha daaree

Dunqulaali Gurayoow

Daran doorri Wabaxoow

Damalkii af tahaniyo

Caatana ha diirsado

Ragii daalo jirey iyo

Mustafana ha daakiro

Darawali Badeedoow

Nuux Maxamed deeqsii

Doob hootada u dhiib

Haybana ha duurxulo

Dhuux digaale yuu hadhin

Hadaleeyo Ubaxlana

Geeraar nin daaqsaday

Xikmad baa ku duugane

Waa danab Cajaa’ibe

Yaanu milil dushii dhayin

 

Ina Baashe waa duqe’

Xiin finiin dirkiisii

Dummad gowska haw dhigo

 

Cali duulna maah maah

Haka baadho diiwaan

 

Caaro dhuub ma daahee

Heeshiguu dareersaday

Intuu maro dambeedada

Ha milaalo doobiga

 

Dibno hadal ka soo baxay

Deeqaaf ma waayee

Qoranaa hal-dooree

Deridiyo dhaliishiyo

Haka jiro dildaalyada

 

Inta ila dareeniyo

Dul ahaan gabyaagoow

Maxaa loo dangiigaa

Sow kan daad usoo galay

Dadyaw ma hurtadeenii