Akhrisa Luuqad-Jidheedka, Iyo Fasiraadda Xarakaadka Ay Xubnaha Dadku Sameeyaan Marka Ay Hadlayaan

0
750

Picture2Hargeysa (Geeska)- Hor iyo horraanba inta aynaan soo bandhigin qiimaha ay xarakaadka hadalka lu lammaan ee xubnaha dadku sameeyaan ay ku daraan hadalka. Haddii aynu taas fahamkeeda u baahannay waxaa innagaga filan in aynu ogaanno xaqiiqada cilmiga ah ee sheegaysa in, boqolkiiba 55 macnaha hadalka ay leenahay laga garto xarakaadka xubnaheena ee aynu ereyada ku lammaanaynayno, kuwaas oo afka qalaad lagu yidhaahdo Body Language, aniguna aan ku macnaystay, Luuqaad-jidheedka. Waxaa yaab leh in boqolkiiba 7 keliya oo fahamka hadalka ahi ay ka timaaddo ereyada aynu isticmaalayno iyo sida ay u dhisan yihiin. Marka ay sidaas tahayna waxaa muuqanaysa sababta ay marar badan u dhacdo in dad aan isku af ahayni ay ishaarooyin badan iyo dhowr erey oo lagu dhex jejebiyey isugu fahmaan.

Marka aynu doonayno in aynu si qoto dheer u fahanno fikirka runta ah ee siyaasi inala hadlayaa uu u leeyahay arrin uu ka hadlayo, sida ugu habbooni waa in aynu xoog indhaha ugu mudna xarakaadka ay gacmihiisu samaynayaan. Sidoo kale ninka maskax ahaan xanuunsanaya ee inaga hor yimaaddaa isaga oo aan hadlin ayaa aynu xarakaadkiisa iyo sida uu u soo socdo ka akhrisan karnaa in uu dhib inoola soo socdo iyo in uu jidku uun iska keen horkeenay.

Waxa kale oo ay khubarada arrimahan ku xeeldheeri sheegayaan in muddo Shan daqiiqo ah oo uu qofku inala hadlayo aynu ku garan karno ama ku qiimayn karno boqolkiiba shakhsiyaddiisa iyo waxa uu damacsan yahay, laakiin waxa aad iska jirtaa qaladka ay khubaradu sida aadka ah uga digaan oo ah in fahamkaas aynu Shanta daqiiqo qofka kaga qaadannay uu yahay boqolkiiba 70 keliya, taas macnaheeduna uu yahay in boqolkiiba 30 ka hadhay ay ina gelin karaan qalad aad u weyn.

Qormooyinka soo socda waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa cilmibaadhis si waafi ah inoo baraysa akhriska luuqad jidheedka qofka. La soco…