Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Oo Digniin Culus U Diray Darawalada Wada Gaadiidka Ardayda

0
1000

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa ka hadlay tayada, manhajka iyo xeerka Waxbarasho ee  dalka digniin culusna u diray Gadiidka kala duwan ee qaada Ardayda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika  horena ka hadlaya Xeerka iyo manhajka Waxbarashada ayaa yidhi “Xeerka Waxbarashadu wuxuu fasaxay in guud ahaan Ardayda dhigata Dugsiyada Dawladda ee hoose iyo dhexe inay Waxbarashadoodu bilaash tahay, buugaagtan kala duwan ee aanu u qaybinayno Ardayda, ee daabacan oo run ahaan ah manhajkoodii, aad iyo aad bay ugu baahnayeen, Ardaydu aad iyo aad bay u soo dhawaysay uguna faraxday buugaagtan ku salaysan manhajkooda ee bilaashka ku helayaan, haddana waxaa soo dhaw oo bilo koobani inooga hadheen imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka afaraad ee dugsiga sare iyo fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe, markaas iArdayda kala duwan ee Gobolada waxaa looga baahan baahan yahay dadaal dheeraad ah muujiyaan”.

Mar uu ka hadlaayey tayada Waxbarasho ee dalka ayaa yidhi “Tayada Waxbarasho ee Wadankeenu waa mid koraysa, maantana meel fiican bay inoo maraysaa, waxaana doonaynaa inaynu intaas ka sii horumarino, oo aynu la jaanqaadno Waxbarashada casriga ah ee Wadamada horumaray, Wasaaradda Waxbarashadu mar walba waxay diyaar u tahay mar walba hubiso, la socoto, fiiro gaar ah u yeelato  guud ahaan Waxbarashbada dalka, madaama masuuliyadi naga saaran tahay, ha noqoto Jaamacado, ha noqoto Dugsiyada Dawladda ama Dugsiyada gaarka loo leeyahay”.

Agaasimaha Waxbarashadu mar uu ka hadlaayey Gadiidka qaada Ardayda kala duwan ee dalka ayaa yidhi “Darawalada wada Gawaadihida Ardayda, waa inay si masuuliyadi ku jirto inay Gawaadhida u wadaan, maxaa yeelay ubad baa saaran, oo arday yar yar baa saaran, haddii aanu nahay Masuuliyiintii Wasaaradda Waxbarahada, waxaanu ku talinaynaa in talaabo adag laga qaado Darawalada xilka iyo masuuliyada iska saari waaya ardayda saaran, ee sida xun Gawadhida u wada,si looga badbaado khasaare dhaca”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here