Hargeysa (Geeska)- Muddooyinkii u dambeeyey waxa uu wargeyskan Geeska Afrika baahinayey qoraallo wacyi-gelin ah oo si taxane ah u socday, kuwaas oo uu wargeysku kaga soo waramay guud ahaanba waxa uu yahay Komishankan, xeerka uu ku dhisan yahay, waajibkaadka shaqo ee uu qaranka u hayo, sida uu u shaqeeyo, iyo weliba muhiimadda uu u leeyahay muwaadiniinta.
Komishankan oo afka qalaad magaciisa loogu soo gaabiyo NHPC waxaa la aas-aasay muddo ku siman 2001dii laakiin marxalado badan oo uu soo maray kadib waxa ay dib u curashadiisu ahayd sannadkii tegey ee 2013ka, waqtigaas oo uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland dib xadhiga uga jaray, lana dardar geliyey hawlihiis.
Haddaba dhammaadkii qoraalladaas taxanaha ahaa waxa uu wargeysku waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay agaasimaha fulinta ee Komishanka Qaranka ee Mihnadaha caafimaadka Dr. Luul Jirde Xuseen oo uu la xidhiidhay iyada oo ku sugan dalka Canada. Dr. Luul waxa ay waraysigan kaga warrantay hawlaha muddadii ay joogtay u qabsoomay, rajada ay ku qabto ka midho dhalinta hawsha komishanka iyo arrimo badan oo la xidhiidha, waxa aanu waraysigaasi u dhacay sidan:
Marwo Luul, ugu horreyn waxa aad si kooban bulshada uga warrantaa taariikh-aqooneedkaaga?
Markii aan ka baxay dugsiga sare oo ku yaallay magaalada Muqadishu, ayaan tegey wadanka Jarmalka oo aan ka galay Jamacad ku taala magalada Leipzig ee dalkaas oo caafimaadka aan ku bartay. Markii aan soo dhammaystay waxa aan dib ugu soo noqday Muqadishu, waxa aanan ka shaqeeyey cisbataalkii carruurta ee loo yaqaanay Benadir Hospital. Kadib waxa aan muddo lix bilood ah ka shaqayeey SOS childrens village oo ku yaalay isla magaalada Muqadishu.
Markii uu dagaalku ka bilowday Muqdishu ayaanu u guurnay magalada Qaahira ee dalka Masar oo aanu muddo laba sana ah degenayen, kadib sannadkii 1993kii waxa aan tegey dalka Canada oo aan ka bilaabay shaqo adeegga bulshada ah, “Social Service”
– Jaamacad ku taalla magaalada Toronto waxa aan ka qaatay shahaado ah cilmiga kor u qaadista caafimaadka iyo horumarinta bulshada “Health Promotion and Community Development”
– Jaamacad la yidhaaho York University waxa aan iyadana ka qaatay Shahaado ah caafimaadka maskaxda ee ubadka dhasha “Infant Mental Health”
– Laga billaabo 1999 ila 2010 waxa aan ka shaqaynayey xarun caafimaadka carruurta ka shaqaysa oo ku taalla dalka Kanada laguna magacaabo “Ottawa Children’s Treatment Centre” Xaruntani waxa ay si gaar ah ugu takhasustay daweynta iyo wax u qabashada carruurta naafada ah iyo caruurta qabta cuduro khatarta ah.
Sidee aad shaqada Komishankan NHPC ku bilowday?
2010 ayaan arji u qortay shaqooyin ay xayeysiinaysay hay’adda IOM (International Organization for Migration) oo ay doonaysay in qurbo-joogta Somaliland iyo Somalia ay ka shaqeeyaan waddankooda. Waxa la ii soo qaatay inaan ka shaqeeyo Somaliland mudo sannad ah, markii aan joogay muddo Siddeed bilood ah ayaan u soo wareegay wasaaradda caafimaaka oo la doonayey qof dib u soo aas-aasa Komishanka Mihnadaha Caafimaadka ee Somaliland.
Dr. Luul marka la eego duruufaha jira iyo wacyi la’aanta baahsan, qof kastaa waxa uu garan karaa in Komishan noocan ah ka shaqaysiintiisu ay adag tahay, oo caqabado badani ka hor imanayaan qofka ama kooxda ka shaqaynaysa, si shaqsi ah iyo dhinaca shaqada labadaba, markaa maxaad is leedahay waa ay kugu dhiirri geliyeen in aad xilkan dhabarka u ridato?
In aan u babac-dhigo shaqadaan waxa igu dhiirri gelinayey waxa ay ahayd baahida weyn ee aan arkayey in dadkeennu u qabaan in tayada caafimaadka kor loo qaado, bulshadeennana laga badbaadiyo dadka aan ehelka u’ ahayn caafimaadka ee ku shaqaysanaaya.
Waxaa i dhiirri gelinayey oo mar kasta ruux firfircooni ah igu sii abuurayey shaqada iyo daacadnimada aan ka arkayey koox mihnadlayaal caafimaad ah oo isku xilqaamay inay komishankan aas-aasaan iyago wakhtigooda qaaliga ah ku tabrucayey, waxa lacag ahna aanay cidi ku siinayn muddo dheer. Aniga kaligey waxba ima ay suurtogaleen, haddii aanay kooxdaa mihnadlayaasha caafimaaka ahi aanay i barbar istaagin oo ila dhisin Komishanka Mihnadaha Caafimaadka. Waxaa ka mid ah: Dr. Cabdalkariim Yuusuf, Dr. Deeq Jaamac, Dr. Yaasiin Carab, Jumcaan Mohamed Yuusuf, Rooda Ali Ahmed, Fowsiya Mohamed Ismaaciil, Dr. Diiriye Ereg, Dr. Mahdi Cali iyo in badan oo talo iyo bogaadin illa barbar taagnayd.
Markii aad bilowday shaqadan, sidee uu u ekaa Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadku, halkeese aad wax ka bilowday?
Runtii markii aan shaqadan bilaabay, waxa aan odhan karaa ma’ay jirin wax NHPC lagu magacaabi karo oo shaqaynayey, waxase jirtay fikrad wanaagsan oo ay in badan qabeen mihnadlayaal caafimaad oo muwaadiniin reer Somaliland ah. Mihnadlayaasha caafimaad ee reer Somaliland mudu 10 sano ah ayaa ay isku dayayeen in la sameeyo xafiis NHPC ay leedahay, in la bilaabo sidii looga hawlgeli lahaa diwaangalinta, Rukhsad siinta iyo anshax-marinta Mihnadlayaasha caafimaadka oo dhan. Markii aan shaqada bilaabay ma’ uu jirin xafiis ay leedahay NHPC, ma’ jirin shaqaale NHPC u shaqeeyaa, waxa aanan shaqada ku bilaabay xaafiis aan marti ugu ahaa Ururka Kal-kaliyeyaasha iyo Umulisooyinka Somaliland. Qalab yar (Laba Kombiyuutar oo duug ah, Laba miis, Hal Mishiinka daabicista ah (Printer) iyo Hal Koobi oo dhammaantood ahaa qalab uu Ururka Kal-kaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka Somaliland ammaano noogu dhiibay ayaa la igu soo wareejiyey oo aan xafiiska ku bilaabay.
Wixii ugu horreeyey ee aan qabtayna wuxuu ahaa in labadii Kombiyuutar la hagajiyo. Hayadda THET oo markaa ku balanqaaday in ay taageero u fidinayso NHPC, ayaanan la kaashaday in ay qof ah “Program and Admin Officer” noo shaqaalaysiiso.
NHPC maalintii iyo maanta maxay ku kala duwan tahay? Ma is leedahay waxa kuu qabsoomay waa uu u qalmaa waqtiga aad hawshan waddeen?
NHPC maanta waxay kaga duwan tahay maalintii aan hawshan bilaabay oo ah saddex sano horteed, waxyaabo badan oo ay ka mid tahay:
1. In xeerkii 19/2001 ee lagu asaasay NHPC lagu sameeyey kaabis iyo wax-ka-beddel, kadib la ansixiyey oo uu Madaxweynuhu saxeexay bishii January 2013;
2. In aanu leenahay xaafiis qalabaysan;
3. In ay imika Siddeed qof oo mihnadlayaal ahi (Professionals) ka howgalaan NHPC;
4. In la dhisay guddi hosaadyo la shaqeeya NHPC;
5. In wixii shuruuc iyo xeer hoosaadyo uu yeelanayey Komishanku la dhamaystiray;
6. In gobollada dalka oo dhan la gaadhsiyey wixii wacyi-gelin ahaa ee ku aaddana waajibaadka komishanka;
7. In laga bilaabay dalka oo dhan diiwaan galintii mihnadlayaasha caafimaadka;
8. In ay iminka Afar Haayadood oo caalami ahi ay la shqeeyaan NHPC.
9. In markii ugu horaysay Komishankan NHPC lagu daray miisaaniyadda Qaranka. Iyo waxaalo badan oo halkan aan lagu soo koobi karin oo noo qabsoomay. Runtiina waxa aan is leeyahay wax badan ayaa la qabtay, oo weliba aanu u aragno in aanu baro dheeraysiinnay wixii aanu muddadan illaa hadda la joogo hiigsanaynay in aanu qabanno.
Haddii uu qof ku doodo weli dalka iyo dadkuba uma ay bislaan xilligii Komishan noocan ahi ka shaqayn lahaa, maxaad ku qancin lahayd? Faa’idooyinka uu komishanku leeyahay kuwee ugu waaweyn?
Aad iyo aad ayaa uu dalku ugu baahnaa Komishankan, tusaale ahaan, meelna adduunka kama dhacdo in aan la iska hubsanin dadk adeegga caafimaadka uu fidinaaya bulshada. Ma jirto xaalad iyo duruufo diidi kara in la ilaaliyo caafimaadka muwaadinka oo laga joojiyo dadka lacagtiisa ku dhibaataynaya, waxa aan is leeyahay arrintani waxa ay la mid tahah ilaalinta amniga lagu nool yahay oo kale.
Xaaladda ka jirta Somaaliland illa imika qof kaastaa isaga oo aan cidna rukhsad ka qaadan ayaa uu iska furtaa meel uu adeeg caafimaad ku bixiyo. Qof kataa shahaadada/takhasuska uu doonayo ayuu iska sheegtaa isaga/iyada oo aan cidna u cadaynin meesha iyo cidda shahaadada/takhasuska siisay.
Faa’idooyinka uu Komishankani u leeyahay dadka iyo dalka waxa ugu horeeya badbaadada bulshada reer Somaliland, oo laga badbaadiyo dad ku shaqaysta mihnadaha caafimaadka iyaga oo aan khibradeedii iyo aqoonteedii lahayn, in la xakameeyo oo la anshax-mariyo qofkii ku xad gudba caafimaadka bulshada, in tayadda caafimaadka iyo waxbarashada caafimaadka kor loo qaado, faa’idooyin intaasi ugu yar tahay oo aan halkan lagu soo ururin karin ayaa uu Komishankani u leeyahay dalka iyo dadkaba.
Komishankannada noociinna ah ee dunida ka jira xidhiidh ma idinka dhexeeyaa?
Haa, qaarkood ayaa aanu xidhiidh la samaysanay. Sidoo kale, waxa ay NHPC wakhtigan xaadirka ah awood u leedahay in ay Komishan kasta oo aduunka ka jira oo nooceeda ah la xidhiidhi karto, oo ay hubin karto qof kasta oo dalka uu komishankaasi ka dhisan yahay wax ku soo bartay ama u dhashay ama ka soo shaqeeyey shahadadiisa, takhasuskiisa iyo anshaxiisa mihnadeedba.
Goorma aad bilaabaysaan diiwaan-gelinta dhakhaatiirta dalka? Diiwaan gelintii kuwa Ajaanibka ahi halkee ay maraysaa? Dhakhaatiirta ajaanibka ah ee maalin kasta yimaaddaa, ma idin soo maraan oo ma la socotaan?
Sidda aanu beryahan dambe warbaahinta ka soo jeedinaynay waanu bilownay diiwaan-gelinta. Waxa xusid mudan inaanu ku bilownay dhakhaatiirta (Iyo mihnadlayaasha caafimaadka oo dhan) ajaanibka ah. Waa run in ay in badani iska kayaa dhago tirtay, laakiin ciyaari waa gelin-danbe, inta iska dhego-tiraysa farriimaha aanu warbaahinta u marinnay, waxa aanu uu leenahay fiiro gaar ah.
Waxa aanu aad iyo aad ula shagaynaa Wasaaraddaha ay arintani khusayso oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka; W. Waxbarashada; Komishanka Tacliinta sare; W. Shaqada iyo Arimaha Bulshada; W. arrimaha gudaha iyo si gaar ah Laanta Socdaalka Somalialnd Iyo Xeer illaliyaha Guud.
Ciddii aan u hoggaansamin xeerka aad ku shaqaynaysaan, maxaa ciqaab ah ee aad u haysaan, mase leedihin awood fulineed?
Wixii ciqaaba waxa si tafatiran u qeexaya xeerka 19/2001. Oo ah xeerka uu Komishanku ku dhisan yahay, kuna shaqaynayo.
Maxaad talo u haysaa mihnadlayaasha caafimaadka?
Howshani ma’aha hawl u taal NHPC oo kaliya. Waa hawl u taal mihnadlayaasha caafimaadka iyo wasaaraddaha iyo hayaddaha dawliga ah ee khusayso oo dhan, markaa waxa aan codsanayaa in dhammaanteen aynu isu kaashanno si aynu guul u gaadhno.