Abwaanada Somaliland Oo Ka Hadlay Abaarta Baahsan Ee Dalka Ka Jirta, Baaqna U Diray Xisbiyada

0
575

Hargeysa (Geeska)-Abwaanada Somaliland ayaa ka hadlay abaarta dalka ka taagan, xaalada siyaasadeed iyo loolanka Xisbiyada Qaranka, waxayna soo jeediyeen in danta qaranka loo midoobo, oo la iska daayo wax walba oo dadka kala fogaynaya.

1

Abwaanadan oo kala ahaa Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay), Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Cabdi Aadan Xaad  (Cabdiqays), Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdile (Yuusuf Shaacir), Abwaan Cumar Xasan Rooraye iyo  Abwaan Muuse Cali Faruur, oo shalay jaraa’iid ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale tilmaamay in iyagu dhex u yihiin bulshada, oo aanay cidna ka yeelaynin xaalad abuur, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Abwaan Yuusuf Shaacir oo ka xog waramay ujeedada ay u qabteen shirkan jaraa’iid, waxaanu xusay in markii ay arkeen xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo abaarta baahsan ee jirta inay go’aansadeen in aanay ka aamusin ee ay ka hadlaan, waxaanu dareenkiisa ku cabiray tix gabay ah oo ay dadkii madasha joogay aad uga heleen.

Abwaan Xasan Ganay oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Fadhigaygan aad baanu ula habsaanay, haddana doqonimo may ahayn ee dan bay ahayd, waxaanu ahayn dad wax ka kabanaaya, waxaanu ahayn umad aan wali gacmaha isku taagin, beed baanu gacanta ku haynay, waxaanu nidhi wax kasta oo dhaca hadaad farta ku fiiqdaan, ama waxa jira wax ka badani soo baxaan, waxa se la yidhi dumaal nin ka xishooday kama ilma dhalee mar haddii ay maanta halkaas marayso dan baa isku kaaya keentay, maanta cid caayi mayno, cidna col lama nihin, cidna u xaglin mayno, daacad baanu nahay, sida la sheegay dhex dhexaad baanu nahay, waxaanu leenahay dalku wuu inaga dhexeeya,dantu wey inaga dhexeysa, dawladu wey inaga dhexeysa, Xisbiyadu waa kuwayagii, ee waxa wanaagsan Xisbi waliba wuxuu ku tartamaayo ee umadda doonayo inuu ku hogaamiyo isagoo xor iyo xalaal ah waa inuu han fog iyo himilo dheer yeesho, waa in wax la garto oo uu umadda ku soo jiito la yimaada, intaas oo abaarood baa ina haya, waa og tihiin oo saddex gu’ iyo saddex jilaal ayaa abaartii la isku bixi waayey, sicir barar baa jira, barbaartii badda ayey ku dhammaanaysa, umaddu gurmad bay u baahante uma baahna in la isku dhiidhiyo, waxaanu leenahay Xisbiyada ninkii doonaya inuu umaddan wax ka helo si wanaagsan wax hawga doono, laakiin sidan ay imika u socoto waxna lagu heli maayo, waxna lagu hanan maayo, cidna caayi mayno laakiin waxa run ah in ILLAAHAY ka sokow dadka dhegahooda anaga ayaa leh, marka ay talo xun tahay sida loo diro waanu naqaana”.

Dhinaca kale wuxuu Abwaan Xasan Ganay Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland ugu baaqay in xilka madax dhaqameed iyo dhaqan ee ay umadda u hayaan inay si wanaagsan u gutaan, oo aanay khiyaanayn dadkooda iyo dalkoodaba.

Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada iyo hadafkay ay iskugu yimaadeen ay tahay in aanay ka aamusin xaalada uu maanta dalku marayo, loona baahan yahay in danta guud ee umadda la iska kaashado, waxaanu xusay in wakhtigan lagu jiro oo ah wakhti abaareed in aan dalka doorasho laga qaban Karin, waxaanu sidoo kale Warbaahinta dalka uu ugu baaqay in wixii dadka iska hor keenaya ay aad uga feejignadaan.

Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku baaqay in dadka ay abaaruhu hayaan loo gurmado, waxaanu tilmamay in abaartani ay aad ugu baahday dalka oo dhan dadkana wada sameeysay, isla markaana loo baahan yahay in la iska daayo khilaafka oo loo midoobo sidii dadka gurmad loo gaadhsiin lahaa

Abwaan Muuse Cali Faruur oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi  "Abwaanku waa shamac baxaya oo dadku kulaalayo, isna gubanaya. Ma aha maalin kursi lagu loolamo. Is bara ayaa dhacday. Waa abaar xun. Naanays ayaa ka hadhi. Waa la doogiye yaan la dacaroon ".

Abwaan Cabdiqays iyo Abwaan Cumar Rooraaye ayaa iyana u duceeyey dalka iyo dadka, waxayna ku taliyeen in loo noqdo ILLAAHAY, oo la badiyo ALLE ka cabsiga, oo la isa saamaxo.