Abwaan Xasan-ganey Oo La Taliyay Wasiirada Xukuumadda

0
506

Hargeysa(Geeska)-Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganey) ayaa wasiirada Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay inay umadda u shaqeeyaan oo ay iska daayaan madaxweynaha ay hor yaacaan marka uu dhoofayo ama soo noqonayo.

1

Abwaanka oo shalay ka hadlayay shirjaraa’id oo ay abwaano tiro ahi kaga hadleen xaaladda dalka iyo abaaraha jira, wuxuu isagoo wasiirada la hadlaya yidhi “Qolada Wasiiradda ah dalka waad u dhaarateen, marka la yidhaahdo Madaxweynihii baa baxaya, DIG—DIG—DIG , way suldaari baan  is idhaahdaa madaxweynaha oo afweyntuu goosan. Dhagax kiilo leeg bay afartan gacmood iskugu imanayaan, wuu soo galayaa waad hor cararaysaan, waar umadda u shaqeeya, waar umaddiina matala”.