Abwaan Afgudhiye Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

38
3572

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay gabal dhicii magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Afgudhiye) oo muddo u jiifay xanuun haleelay.

Alle haw naxariiste Abwaan Afgudhiye oo caan ka ahaa dhulka ay Soomaalidu degto sameeyayna heeso iyo maansooyin caan baxay, waxa la filayaa in maanta lagu aaso magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal.

Haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika, waxaanu tacsi u diraynaa ehelada iyo qoyska uu marxuumka ka geeriyooday, Allena waxaanu uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Aamin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here