Abaarta Ka Jirta Gobalka Sanaag Oo Ka Sii Daraysa

0
566

Abaarta Ka Jirta Gobolka Sanaag Oo Kasii Dartay, Daruurta Oo Marka Ay Soo Kacdoba Laga Horgeynayo Roobdoono  

Aan Is Waafaqsanayn

Xaalada abaareed ee ka jirta gobolka Sanaag ayaa ka sii  daraysa maalinba maalintay ka danbayso iyadoo aanay jirin haba yaraatee wax gurmad ah oo lasoo gaadhsiiyey  dadka xoolo dhaqatada ee abaartu ka farasaartay duunyadoodii.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fly ayaa mudo laba bilood ah dalxiis ugu  maqan magaalada Hargeysa sababa aan la garanayn awgood.

Dhaqaalaha dadka ku nool gobolka Sanaag oo markii horeba liitay ayaa waxaa u sii raacday abaarta dabadheeratay oo  galaafatay xoolihii noloshoodu ku tiirsanayd

Gobolka sanaag oo markii horeba ka mid ahaa gobolada ka hadhay horumarka xukuumada iyo hayadaha samafalka ayaa xaalada abaarta darteed qarka u saaran in ay u dhintaan macaluul iyo xanuuno ay sababeen xiliga adag ee lagu jiro iyadoo shayga qudha ee dadka reer Sanaag ka fishaan dhanka Hargeysa uu noqday ilcaanka roobdoono iskhilaafsan oo la shaaciyey xiliyo kala duwan kuwaasoo  markii danbe la ogaaday in ay yihiin caqabada hortaagan raxmaadka Eebe, maadaama ay kasoo fuleen masuuliyiinta xarunta hoyga dulmiga ee magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la naawilayaa naxariista Eebe, xukuumaduse waxay ugu talagashay in ay meesha ka baxaan mujtamaca dhan ee ku nool degaanada kala duwan ee gobolka Sanaag

 w/weriye c/raxaman maxamed xidig