Aadamuhu hadduu dufan raadis noqdo damiirkaa ka dhinta: Cisbitaal dilay ilmo yar oo waalidkii bixin kari waayey hal doolar: Diyaariye Kamaal Ahmed Ali

0
937

cisbitaalIndia- Masuuliyiinta dalka India ayaa ku gudo jira baadhitaanka eedo nin aabo ahi ku soo oogay cisbitaalka guud ee dawladda oo la xidhiidha in si ula kac ah ay dhakhaatiirtu u bakhtiiyeen mishiinka korinta oo ah mishiinka lagu hayo carruurta dhasha sidkooda ka hor, kadib markii uu aabahani awoodi waayey in uu iska bixiyo kharashka mishiinkaas oo ah 200 oo lacagta dalkaas ee Rupee-ga la yidhaahdo ah, taas oo u dhiganta Saddex iyo badh doolarka Maraykanka ah. Cisbitaalka dawladda ee degmada Jalandhar  ee gobolka Punjab oo ku yaalla woqooyiga galbeed ee dalka India ayaa ilmahan yar  ee dhidgga ah oo dhalatay sidkeedii ka hor waxa uu ku riday tallaagadan loogu tala galay carruurta noocan ah in lagu hayo maalmo, waxaanay masuuliyiinta cisbitaalku ka dalbadeen waalidka inantan yar in ay bixiyaan lacagtan oo ah kharashka mishiinka korinta.

Sanjeev Kumar oo ah inanta yar aabaheed ayaa warbaahinta ugu warramay sidan, “Waxa aan ka baryey shaqaalihii gacanta ku hayey tallaagadan in ay ilmahan yar iigu hayaan mishiinka, aniga oo u sheegay in aanan haysan lacag aan kharashka iskaga bixiyo, laakiin waa ay iga diideen. Xataa in ay hadalkayga dhegeystaan waa ay diideen oo ilmihii yaraa way ka saareen mishiinkii, sidii ayaanu ilmihii ku dhintay habeenkii arbacada (Toddobaadki idhowaa)” Aabahan jeeb madhnidu sabab u noqotay in uu ilmihiisa waayaa, waxa uu isaga oo aad u murugaysan yidhi, “Ilmahaygii yaraa waxa uu u dhintay Laba boqol oo rupee awgeed” Wasiir goboleedka caafimaadka oo lagu magacaabo Madan Mohan Mittal oo arrintan u saaray guddi baadhitaan ayaa ku hanjabay in uu tallaabo adag ka qaadi doono shaqaalaha cisbitaalka ee lacag awgeed ilmahan yar bannaanka uga soo dhigay mishiinka.