95 Maalmood Oo Doorashadii Ka Hadhay, Qabyada Muuqata, Abaarta Taagan, Mawqifka Xisbiyada, Iyo Muddo Kordhin Mar Kale Iman Karta

0
797

Hargeysa(Geeska)-95 Maalmood ayaa inaga xiga 28 March 2017 oo ah maalinta la qoondeeyay inay shacabka reer Somaliland u dareeraan doorashada madaxweynaha Somaliland hoggaamin doona shanta sannadood ee soo socda.

1

Hase yeeshee, mudada 95-ka maalmood ah oo ay ku jiraan 14 Jimce, ayaa ah wakhti gaaban marka loo eego qabyada muuqata ee diyaar garowga doorashada.

Guddiga doorashada

Guddiga doorashooyinka ayaa taagan oo ku adkaysanaya inay dhinacooda farsamo ahaan diyaar u tahay inay doorashada ku qabtaan 28 March, iyagoo ku doodaya inaanay jiri wax qabyo ka ahi. Laakiin dadka siyaasadda lafo-gura ayaa aaminsan in hadalka guddiga doorashooyinku yahay mid ay isku difaacayaan balse ay qabyo ka yihiin hawlo badan oo sabab u noqon kara dib u dhac ku yimaada doorashadaas. Inkastoo ay guddiga doorashooyinku qabteen hawl adag oo ah diiwaangelinta shacabka Somaliland ee codaynaya doorashadan soo socota, haddana waxaanay weli bilaabin qaybintii kaadhadhka oo la aaminsanyahay inay qaadanayso wakhti ka badan kara wakhtiga ay iyagu qorshaysteen, inkastoo ay ku dhex jiraan marxaladii daabicista.

Sidoo kale lacag lagu qiyaasayo afar milyan oo dollar oo ah kharashkii doorahada, ayaan iyana weli gacanta lagu haynin. 75% ka mid ah lacagta doorashooyinka waxa Somaliland ka caawiya dalalka deeq bixiyayaasha, halka 25% soo hadhayna la filayo inay xukuumadu bixiso, laakiin isbedelo aan weli la kala cadayn ayaa ku yimid qaybtii laga filayay qaadhaan bixiyayaasha. Dalalkani waxay ay ku doodayaan inaanay jirin lacag dhinacooda ku hadhay. Si kastaba ha ahaate lacagtaas dhan ama ku dhow afarta milyan ee dollar ayaa iyana ah caqabad doorashada hortaagan.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dhawaan sheegay in culays xukuumadda fuulay, balse ay xukuumadu diyaar u tahay inay ka soo baxdo waajibaadkeeda oo ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto.

Abaaraha taagan

Abaaraha adag ee dalka ka taagan ayaa ah caqabad aan dhinac laga dhaafaa jirin, waxaana inta badan gobalada Somaliland gaar ahaan gobalada bari ka hayaamay dadkii iska diiwaangeliyay ee la filayay in loo qaybiyo kaadhadhka codaynta, waana arrinta ka hor imanaysa qaybinta kaadhadhka, sababtoo ah xataa haddii kaadhadhka loo qaybin lahaa dadkan ka hayaamay goobaladoodii ee ku hayaamay gobalo kale, sharciyan kama codayn karaan meel aan ahayn halkii ay iska diiwaangeliyeen.

Aragtida beesha caalamka

Dalalka Somaliland ka caawiya dimuqraadiyadda iyo

doorashooyinka, ayaa aaminsan doorashada madaxtooyada oo mar kale dib u dhacdaa inay Somaliland ku waayayso saaxiibo badan islamarkaana ay dhaawacayso sumcadeedii dimuqraadiyadda. Laakiin waxa ay haddana arkaan oo u muuqata qabyo muuqata oo sababaysa in doorashadu dib u dhacdo. Diblomaasi ka cudur daartay in magaciisa la sheego ayaa Geeska Afrika u sheegay inuu abaarta ka sokow arko qabyo sababaysa dib u dhac ku iman kara doorashada, waxase ay dalalkani haddana taaganyihiin in weli la samayn karo dedaal lagu xaqiijinayo in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto, waana haddii ay guddiga doorashadu laba jibaaraan shaqadooda.

Mawqifka saddexda xisbi

Saddexda xisbi ee tartamaya ee Waddani, KULMIYE iyo UCID oo ay kala hoggaaminayaan saddexda murahax madaxweyne, ayaa aaminsan in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, haddana waxa ay meel ay ka maraan la’yihiin qabyada hortaala oo ay ugu muhiimsantahay abaaraha dalka ku soo kordhay oo ah dadkii u codaynayay. Waxase aad moodaa inay ku kala duwanyihiin sida abaarta oo taagan doorasho loo qaban karo. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inuu fikir kala duwanaasho oo aad u kala fog kuna saabsan in doorashada la qaban karo iyadoo abaari jirto uu ka dhex muuqday labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, markii ay isugu yimaadeen shirkii u dambeeyay ee ay la yeesheen guddiga doorashooyinka.

Balse saddexda xisbiba waxay sugayaan go’aanka ka soo baxa guddiga doorashooyinka oo la aaminsanyahay inay dhawaan isugu yeedhi doonaan xisbiyada qaranka, maadaama oo abaartu sii xumaanayso.

Madaxweyne Siilaanyo iyo muddo kordhin

Madaxweyne Siilaanyo, waxa mar hore loo sameeyay muddo kordhin laba sannadood ah,  waxaana muddo kordhintaas hore ee loo sameeyay Somaliland ka soo gaadhay dhaawac siyaasadeed oo dibadda ah, sidoo kalena shakhsiyadiisa ayuu dhaawac siyaasadeed ka soo gaadhay, maadaama oo uu waagii uu mucaaradka ahaa ku eedayn jiray Madaxweyne Rayaale inuu dimuqraadiyadii Somaliland baabiiyay muddo kordhintii loo sameeyay darteed..

Haddaba, haddii ay timaadaba in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi weydo, muxuu noqon doonaa mawqifka Madaxweyne Siilaanyo?  Waxa jira hadalo badan oo suuqa siyaasadda dhex socda oo qaarkood saadaalinayaan in Madaxweynuhu qaadan doono mawqif aan laga filayn. Laakiin mawqifka madaxweynaha waa loo wada joogi doonaa haddii ay timaado in doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacayso.

Gunaanad

Waxa muuqata in cid waliba doonayso inay doorashada madaxtooyada Somaliland wakhtigeeda ku qabsoonto, haddana waxa muuqata qabyo aad moodo in la iska indho tirayo. Waxa kale oo iyana dad badan u muuqata oo ay arkayaan in xisbiyada qaar siyaasadaynayaan doorashada oo wakhtigeeda ku qabsoonta, taas oo ka mid ah xifiltanka iyo loolanka ka dhexeeya.

Si kastaba ha ahaate,  ma dheera maalmahan ay arrimahani kala miir dilaaci doonaan, waxase hubaal ah in haddii dib u dhac doorasho timaado iyo haddii ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoontaba inay Somaliland geli doonto jawi cusub oo siyaasadeed oo marxaladihiisa adagna wata.