90 Qof Oo Somali Ah Oo Laga Soo Masaafuriyay Maraykanka

0
629

Muqdisho(Geeska)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 90 qof oo Soomaali ah shalay laga dejiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib markii laga soo masaafuriyey dalka Mareykanka.

1

Safiirka Soomaaliya ee Washington DC Axmed Cawad ayaa sheegay in dadka la celiyey ay isugu jiraan dad dambiyo ka galay Mareykanka iyo dad iska dhiibay dalkaas balse loo diiday magan galyo.

Safiirka ayaa sheegay in go’aanka dadkan lagu masaafuriyey ay goysay maxkamad.

Dadkan oo markii hore laga  dejiyay garoonka dayaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli uu Madaxweyne Donald Trump la filayo inuu saxeexo amar shuruuc adag ku soo rogaya oo wax looga qabanayo dadka soogalootiga ah ee sida sharci darrada ah ugu sugan Mareykanka, oo ay ku jirto dal-ku-galka laga joojiyo dadka u dhashay Suuriya iyo lix waddan oo kale oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika.

Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa BBC u sheegay in shalay arroortii la keenay dadkaasi Soomaalida iyo Kenyanka isugu jira.