Aroosaddu waxa ay dul soconaysaa rag dhulka u goglan sida roogga…inanta uu doonayo guurkeeda ayuu guriga kula noolaanayaa 2 sano …. Q2aad
Hargeysa (Geeska)- Waa Qaybtii labaad uguna dambaysay ee Qormadii uu wargeyska Geeska Afrika ku soo bandhigayey tusaaleyaal caddaynaya kala duwanaanshiyaha dhaqan ee guurka bulshooyinka kala duwan ee dunida ku nool.
Malaysia: Dhaqannada guurka ee yaabka leh ee ka jira dalka Malaysia waxa ka mid ah dhaqanka qabaa'ilka Malayga oo ah kuwa ugu badan dalkan. Marka uu ninku jeclaado inan waxa uu u soo guuraa guriga qoyska inanta muddo laba sano ah ayaanu inanta kula noolaado qol keliya isaga oo aan u soo dhowaanayn, hadal badanna u galayn, haddii muddadaa uu u dhaqmo si edeb iyo akhlaaqi ka muuqato, inantana aanu hungurayn, waxa ay inantu qoyskeeda u soo jeedisaa in ninkan loo guuriyo, haddii se ay ka aragto damac iyo in uu doonayo ku soo dhowaanta inanta waxa ay markaba u tuurtaa dibadda guriga, waxa aanay qoyskeeda u sheegtaa in aanu ninkani anfacayn.
Jasiiradda Kwok: Caruusadda looma ogola in ay cagaha dhulka dhigto sidaa awgeed marka ay ka timaaddo gurigooda si ay u tagto madasha ay ka dhacayso xafladda arooskeeda dhalinyaro fara badan oo rag ah ayaa si silsilad ah beerka dhulka u dhiga inta u dhexaysa guriga iyo golaha xafladda, oo aan aad looga fogeyn, kadib aroosaddu waxa ay dul socotaa dhabarka dhalinyaradaas sida roogga dhulka loo goglay, illaa ay ka gaadho golaha xafladda, gaar ahaan halka uu ninkeedu ka fadhiyo.
Waxa Mahad leh Allaha inaga dhigay muslimiin ka badbaada caadooyinkaas yaabka badan, inoona jeexay jidka ugu quman ee aynu u raaci karno arrimaheena oo dhan. Dhammaad