Hoggaamiyeyaashu dhinacooda iyaga oo maankooda iyo miyirkoodaba qaba waxa ay iskood uga tanaasulayaan in iyaga iyo kuwa dhaxalkooda leh iyo kuwa isirkooda ka tafiirmi doona abid, gebi ahaanba xuquuqdii ay ku lahaayeen dhulkan oo ay u hibeeyeen boqorka” Qodobkaas oo keliya ma’aha ee waxaa kale oo uu heshiisku dhigayey, “Odayaasha qabiilka waxaa ku waajib ah, in ay keenaan hadba intii looga baahdo shaqaale iyo sidoo kale dadka uu boqorku u baahdo in ay ka qayb qaataan hawlihiisa kala duwan oo uu ku jiro dagaal kasta oo uu boqorku ka galo, meel kasta oo dunida ah ka mid ah” Intaas weli kuma eka heshiiska uu boqor Leopold ku khiyaameeyey Afrikaanka deggenaa dhulka Congo, balse waxaa kale oo ka mid ahaa, “Dhammaan jidadka, biyo-mareennada dalka, dhammaan xuquuqda ugaadhsiga iyo kalluumaysiga, macdan qodista iyo ka faa’idaysiga kayemaha waxaa xaq u leh boqorka”
Boqor Leopold oo dunida ugu andacoonayey in sababta Congo geysay ay tahay in dadkan oo ahaa cawaan uu gaadhsiiyo diinta Kiristaanka iyo in uu joojiyo addoonsiga, oo dadkan ay iibsan jireen dad reer Yurub u badan oo u iib geyn jiray sayladaha addoonta ee Yurub iyo Maraykan iyo in uu dadkan u qabto hawlo samofal. Laakiin taasi shaadh been ah ayaa ay ahayd ee damaciisa runta ahi waxa uu ahaa dhulka hodanka ah ee dalka Congo oo bedkiisu 72 jeer ku soo laban-laabmayo bedka uu ku fadhiyo dalka Belgium.
Boqorku waxa uu dalkan ka guran jiray khayraad dabiici ah oo uu ka mid yahay geed laga sameeyo rabadhka (Caagga), oo aad loogu baahnaa xilligaas oo dalka Belgium uu samaysanayey warshado, samaynta gawaadhiduna ay dunida ku soo badanaysay oo baahid guud oo dunida oo dhan ahi jirtay. Ceebta intaas ka sii darani waxa ay ahayd in aanu keli-taliye Leopold ku kaaftoomin urursiga khayraadka dhulkan uu dadkii lahaa caameeyey, balse waxa uu bilaabay in uu dadkana ku shaqaysto. Ciidamo ayaa uu keenay dalka Congo, waxa aanu bilaabay in dadka uu ku qasbo in ay bilaa lacag ku soo ururiyaan macdanaha uu rabay. Markii dadkii ay waxoogaa ka gaws-adaygeenna waxa ay ciidamada Leopold bilaabeen inta ay tuulayaasha iyo magaalooyinka yimaaddaan in ay xoog ku kaxaystaan dumarka, kadibna odayaasha dhaqanka iyo ragga oo dhan u sheegeen in dumarkaas ay madax-furasho u haysanayaan oo weliba fara xumaynayaan haddii aanay raggu keymaha uga shaqayn.
Dad badan oo ka mid ahaa addoontii uu ku shaqaysanayey boqor Leopold ayaa hawshii adkayd ee loo diray iyo hab-macaamilkii xumaa awgii u dhintay, qaar badan oo ciidamada boqor Leopold ay ka dareemeen madax adaygna sidii ay shaabuug iyo garaacis kala duwan ugu wadeen ayaa ay dhinteen. Leopold mid kasta oo addoonta ka mid ah waxa uu ku amri jiray in uu soo ururiyo xaddi loo qiyaasay oo macdan ah, kii muddada loo qabtay xaddigaas ku keeni waayo, waxaa laga jari jiray gacmaha. Ma’ uu ahayn xukun markaas uun soo degey ama sida marar badan dhacda in ciqaabtan ay ku kacayeen dad aanu boqorku la’ ogeyn oo maamulkiisa ka mid ahi, balse waxa ay ka mid ahayd qodobbada heshiiska ee uu ka saxeexday hoggaamiyeyaasha qabiilka ee Congo.
Marar badan oo gaajo, cudurro ama quus iyo daal awgii ay dadkan addoonta laga dhigtay ee reer Congo u shaqayn waayeen boqorku waxa uu kaga aargoostay in uu dadkan deegaannadooda iyo guryahoodii ka baro-kiciyey oo kaymaha u mustaafuriyey, ciidamada ayaana baacsan jiray oo hadba ka ay qabtaan gawrici jiray ama nolosha ku gubi jiray.
Haddaba, su’aasha muhiimka ahi akhriste waxa ay tahay, ‘Weli ma’ aragnay sawirka boqor Leopold ama magaciisa oo meel uun xumaan lagu hadal hayo?!”
Dabcan, dadka badankoodu ma garanayaan, warkiisana ma’ay maqlin, halkii ay ka ahayd in magaciisu dunida oo dhan caan ka noqdo oo sawirkiisa ay arkaan xitaa dadkan aan siyaasadda xiisaynin, oo weliba aynu u qabno shucuurta nacaybka badan leh ee aynu u hayno Hitler ama Mussolini. Laakiin sababta labadan gaar u sheegtay waa in ay guul-darraysteen aakhirkii oo cadowgoodii ka adkaaday, kadibna kuwii gacanta sarreeyey ay taariikhda qoreen si ay dunida u tusaan in ay ahaayeen laba bahal oo dunida ay ka qabteen. Laakiin Leopold iyo kooxdiisu iyaga ayaa gacan sarreeyey sidaa awgeed iyaga taariikhda qoray oo sida ay ugu badinaysay u dhigay. Waxa aanay daahsaareen taariikhda Leopold oo dilay 10 milyan oo qof oo aan colaadi dhex marin ee inta uu dhulkoodii qasab ku yimid, oo khayraadkoodii bilaa qiimo ku gurtay iyagiina ku qasbay in ay bilaa lacag ugu shaqeeyaan.
Waa qayb ka mid ah taariikhdii madoobayd ee gumaystaha cad, laakiin cidi kama sheekayso. Haddii maalmo gaar ah oo caalamiya iyo taariikho qoran loo sameeyey dilka uu dagaalkii labaad ee adduunka Hitler kula kacay Yuhuudda, tani waa ay ka duwan tahay oo cidi sooma qaaddo Afrikaankaas tirada badan ee la xasuuqay. Cidda diidanina waa ninka cad oo u arka in ay taasi burinayso taariikhda quruxda badan ee uu isagu isu qoray, iyo wejiga bani’aadamnimo ee uu xidhay. Qormadeenan waxa aynu ku soo xidhaynaa hal-ku-dhegga aan ku bilaabay ee ah, “Taariikhdu isma qorto ee hadba ninka guulaysta ayuun baa qora” Dhammaad