Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 3aad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika uu akhristayaashiisa kula wadaagayo qisas ka waramaya marar la isku dayey in qabriga Nebiga la soo faqo balse siyaabo aynu mucjiso ku sheegi karno ay u baaqatay:
1. Isku dayga dhagartii koowaad:
Waqti ku siman sannadkii Miilaadiga ahaa ee 1912kii waxaa dunida Muslimka, gaar ahaan woqooyiga Afrika iyo qaybo ka mid ah bariga dhexe ka dhashay dowladdii lagu magacaabi jiray Faadumiyiinta. Khilaafada Faadumiyiintu oo taariikhaha qaar nasabka dadka haystay ugu abtiriyaan Cali Bin Abi Daalib iyo Faadumo Rasuul, waxa ay ahayd khilaafada keliya ee mad-habta shiicada qaadatay ee dunida muslimka soo martay. Bilowgii khilaafadani waxa ay xarunteedu ahayd magaalada Mahdiya ee dalka Tuuniisiya, laakiin sannadkii 969 Miilaadiga oo ay Faadumiyiintu ku guulaysteen in ay xoraystaan dhulka Masar ayaa ay dhiseen magaalada Qaahira, taas oo ay xarun uga dhigeen dowladdoodii.
Al-Casiis Billaah, Nazaar Bin Mucid Bin Ismaaciil oo ahaa khaliifkii Shanaad ee khilaafada Faadumiyiinta, xilkana hayey Afartan iyo kow sano oo u dhexeeyey 955kii illaa 996kii, ayaa ahaa masuulkii abid ugu horreeyey ee muslim ah ee inta la og yahay ku fikiray in uu dib u faqo qabriga Nebi Muxammed (SCW) oo uu weliba ka soo saaro maydkiisa. Nazaar Bin Mucid waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa nin fasahaad badan, dumarka iyo balwadaha aad ugu dheereeya, ficillo badan oo aan sharci ahaan bannaanayna ku kacay. Sida ku xusan taariikhaha islaamka qaarkoodna Nazaar waxa uu gaadhay heer uu Rabbinimo sheegto. Waxa uu ahaa nin madax adag, midabbo badan, dhiigyo cab ah, khiyaamo badan, oo ragga qaar ku tilmaameen in uu ahaa Fircoonkii waqtigiisa, tusaale ahaan waxaa laga soo shegaa in xilligiisii uu amar ku bixiyey in Asxaabtii Nebi Muxammad (SCW) la caayo oo weliba lagu qoro kadimada masaajidda iyo saaracyada. (Ticraac: Siyaru Aclaamu Nubalaa’ 17/174; Imaam Ad-Dahabi).
Koox la-taliyeyaal u ahaa Khaliifkan oo lagu tilmaamo in ay munaafiqiin ahaayeen ayaa u yimi Khaliifkan, waxa aanay kula taliyeen in uu maydka Nebiga (SCW) loo soo raro dalka Masar, taladaas oo uu si aad ah u soo dhoweeyey, isaga oo ku yidhi, “Marka aynu sidaa yeelno, dadku waxa ay safar joogto ah ku iman doonaan Masar, oo yool u noqon doonta Muslimiinta dunida oo dhan. (Tixraac: Wafaa’ Alwafaa; 2/652; As-Samhuudi), isaga oo fikirkii ku socda ayaa uu Khaliifkii u diyaar garoobay soo rarista qabriga Nebi Muxammed (SCW) dhulkii uu damacsanaa in dib loogu aaso ee gudaha Masar ahaa ayaa uu diyaariyey, lacag badanna waxa uu ku bixiyey in qorshahaasi si qurux badan u guulaysto. Kadib waxa uu diray nin lagu magacaabi jiray Abal-Fatuux oo ciidan xooggan watay, hawsha loo dirayna ahayd in uu sib u soo faqo qabriga sharafta leh. Abal-Fatuux markii uu Madiina yimi isaga oo aan waxba iskaga tirinayn in ay cidi qorshihiisan hor istaagto, maadaama oo aanu ku ogeyn ciidan kiisa iska difaaci kara dadkii kama uu qarin waxa uu u socday.
Dadkii reer Madiina aad ayaa ay uga cadhoodeen qorshaha Abal-Fatuux waxaana la sheegaa in nin Qur’aan ruux ahaa oo lagu magacaabi jiray As-Salbaani uu isugu yeedhay dadkii oo uu u akhriyey aayadaha Qur’aanka Kariimka ka mid ah ee 12 iyo 13 ee suuradda At-Tawbah, kuwaas oo uu Alle ku sheegayo in la iska celiyo oo lala dagaalamo madaxda oo laga hor yimaaddo haddii wacadka ka baxaan, ama diinta dhaawacaan, (Miyeydaan la dagaalamayn qoomka ka baxay wacadkii ee ku hammiyey in ay rasuulka saaraan (ka saaraan Madiinah)) ayaa ka mid ahaa aayadahan oo uu Alle dadka muuminiinta ku amrayo in aanay dadka noocaas ah ka baqan oo ay la dagaalamaan. Dadkii reer Madiina markii ay wacdigan maqleen, waa ay gadoodeen, waxaana ka baxday cabsidii diiniga ahayd ee ay ka qabeen in ay ka hor yimaaddaan nidaamka iyo hoggaanka, waxa aanay ku sigteen in ay dilaan Abal-Fatuux oo sida ay taariikhdu sheegayso qudhiisu dib isula yaabay , kana qoomamooday in uu amarkan hoggaamiyaha iska soo qaatay uun isaga oo aan diintaba u eegin. Waxaa taariikhdu xustay in maalintii ay ciidamada Abal-Fatuux dib uga noqdeen faqista qabrigan lafteeda ay soo dhacday dabayl si mucjiso ah u xooggan oo xataa awoodday in ay legeddo geelii iyo fardihii oo sida kubadda dhulka u giraan-giray. Sidaas ayaa uu ku baaqday qorshihii koowaad ee soo faqidda qabriga Nebiga (SCW) La soco…