35 Guurada Ka Soo Wareegtay Ku Dhawaaqistii Ururkii SNM

0
603

Hargeysa(Geeska)-Maanta oo ay taariikhdu tahay 6 April, waxa ay ku beegantahay sannad guurada 35aad ee ka soo wareegtay aasaaskii SNM oo London lagaga dhawaaqay 6 April 1981.

Ku dhawaaqista SNM ayaa timid ka dib markii ay shacabka reer Somaliland cadaadis iyo xasuuq ba’an kala kulmeen taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxaana ku dhawaaqay dhallinyaro reer Somaliland ah oo ka damqaday dhibaatadaas, kuwaas oo badankoodu ku kala noolaa dalalka Ingiriiska iyo Sucuudiga.

Waxaanu ururkii SNM ku guulaystay inuu dalka ka xoreeyo taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxaana maanta talada Somaliland haya mid ka mid ah guddoomiyayaashii soo maray ururkii SNM Axmed Maxamed Siilaanyo.

Alle waxaanu ka baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo mujaahidiintii SNM ee u geeriyooday xoraynta Somaliland, sidoo kale waxaanu Alle caafimaad u weydiinaynaa int dhaawacantay.