Wefti Ka Socda Masar Oo Hargeysa Soo Gaadhay

0
533

Hargeysa(Geeska)-Wefti ka socda dawladda Masar oo muddo maalmo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, ayaa shalay soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

1

Weftigan oo uu u hogaaminayo u qaybsanaha wasaaradda arrimaha dibadda Masar qaaradda Afrika Mr. Maxamed Idiris, waxa weheliya diblomaasiyiin masaari ah oo dalalka gobalka u jooga dalka Masar, saraakiil milatari iyo dad kale, waxaana madaarka Cigaal ee Hargeysa ku qaabilay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Danjire Maxamed Idiris, ayaa sheegay in Somaliland iyo Masar lahaayeen xidhiidh dheer oo taariikhi ah, waxaanu sheegay inay Hargeysa u yimaadeen inay wax la qabsadaan dawladda Somaliland, isagoo ammaanay xaaladda ammaan ee Somaliland.

Wasiir-xigeenka arimaah dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil, ayaa weftiga ku qaabilay madaarka Hargeysa, waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan weftigaas.

Weftigan reer Masar ayaa waxa ay kulamo la yeelanayaan Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan sida loo xoojin karo xidhiidhka Somaliland iyo Masar.