25 Garyaqaan Oo Saddex Sanno Ka Hor La Tababaray Oo Baaq U Diraya Madaxtooyada

0
996

Hargeysa(Geeska)-Mashruuca dib u habaynta garsoorku waxa uu ahaa mashruuc loogu talo galay in lagu hormariyo tirada, tayada iyo aqoonta dadka ka hawl gala hay`adaha kala duwan ee garsoorka jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ay ujeedadiisu ahayd in lagu tabobaro dhallinyarada ka soo baxda kulliyadaha shareecada iyo qaanuunka ee jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadaba, si dhiig cusub loogu shubo garsoorka loona soo celiyo haybadiisa. Mashruucani waxa uu soo bilaabmay sannaddii 2011-kii ilaa 2015- kii muddadii uu socdayna waxa ka aflaxay afar dufcadood oo ay qaar ka mid ahi hadda madax ka yihiin waaxaha kala duwan ee garsoorka sida maxkamadaha iyo xeer-ilaalinta.

Mashruuca dib u haybaynta garsoorka Somaliland waxa uu ahaa arin heer qaran ah oo ay kala saxeexdeen madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo hay`ada qaramada midoobay u qaabilsan horumarka ee loo yaqaan UNDP, waxana si wada jir ah u fulin jiray wasaaradda cadaaladda, gudida cadaaladda iyo UNDP.

Sida caadada ah dadka ka qayb gala tababarkan waxa laga faafin jiray naadintooda warbaahinta sida Radio Hargeisa iyo jaraa`idkaba, waxa lagu soo xulan jiray aqoontooda iyada oo loo eegayo dhibcaha celceliska ah ee loo yaqaan GPA, iyada oo inta imtixaanka ka gudubta isla markaaba loo aqoonsan jiray shaqaale dawladeed lana hawl galin jiray ka bacdi marka tababarka loo xidho, sidaasna ay miisaaniyadda qaranka ku gali jireen.

Hadaba annaga oo ah shan iyo labaatanka (25) garyaqaan oo kasoo kala jeeda dhamaan gobollada dalka waxa aanu nasiib u yeelanay in aanu noqono dufcaddii ugu danbaysay ee ka faa`iidaysata mashruuca dib u habaynta garsoorka. Taariikhdu waxa ay ahayd 25/07/2015 ayaa waxa aanu u fadhiisanay imtaxaankii aanu ugu tartamaynay ka qayb galka tababarka garsoorka, laba casho kadibna waxa la soo dhajiyay natiijadii oo aanu ku guulaysanay iyada oo ay ku wada saxeexnaayeen wasiirkii hore ee cadaaladda Xuseen Caydiid, xubin ka mid ah guddida cadaaladda iyo sarkaal ka socda hay`ada UNDP markaas oo ay taariikhdu ahayd 27/07/2015.

Waxa intii aanu tababarku bilaabmid nalaga saxeexsay heshiis shaqo oo uu nuxurkiisu ahaa in aanu saacadaas laga bilaabo nahay shaqaale dawladeed, sidaasi awgeedna qof kastaaba in uu ka yimaaddo shaqada kale ee uu hayo, hadii kale uu fursadda lumin doono, sidaasna waxa aanu kaga nimid shaqooyinkii aanu haynay kuna bilawnay tababarkii garsoorka 07/09/2015 tababarkii waxa uu noo soo gabogaboobay todoba bilood ka bacdi oo ku beegnayd 28/02/2016 xiligaas oo uu heshiisku ahaa in aanu si toos ah uga hawl galo waaxaha kala duwan ee garsoorka Somaliland. Kadib waxa naloo qabtay xaflad qalinjabin ahayd oo lagu soo xidhaayay tababarka aanu dhamaysanay taariikhdu markay ahayd 02/05/2015 oo ay goob joog ahaayeen madaxda cadaaladdu oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha gudida cadaaladda, wasiirka wasaaradda cadaaladda, Xeer ilaalilaha guud ee qaranka, wasiiru dawlaha wasaaradda madaxtooyada, iyo saraakiil ka socday hay`ada UNDP Wixii intaa ka danbeeyay waxa nalagu qaybiyay shan hay`adood oo kala ah Maxkamadaha, Xeer-ilaalinta, Xafiiska Garyaqaanka Guud, Wasaaradda Cadaaladda iyo Guddida dib u habaynta shuruucda, waxaana miisaaniyadda qaranka nalagu daray sanadkii 2016-kii, taas oo aanu xaq u lahayn balse aanaan helin iyada oo loo cuskaday wareegto aan nagu dabaqmayn oo madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland ku hakiyay shaqaalaha dawladda ee sannadkan 2017-ka.

Annaku waxa aanu shaqaale noqonay 27/07/2015 miisaaniyadda qarankana waxa aanu galay 2016-kii sidaas daraadeed kama mid nihin shaqaalaha wareegtadu ku dabaqmayso ee 2017-ka. Dhamaantayo waxa aanu haysanaa waraaqihii hawl galinta, isla markaana ka hawl galay goobahayagii shaqo shaqaalaha 2017-ku waa shaqaale aan marin habkii qaadashada shaqaalaha taasina annaku waanu ka duwan nahay gabi ahaanba.

Hadaba madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aanu rumaysanahay in uu ka mid yahay shamacyada siraadan ee qarankan, oo aanu ognahay siyaasadda cad ee uu dhalinyartiisa ka leeyahay, waxa aanu si xushmad iyo qadarin leh cod dheer ugu sheegaynaa, in arintani niyad jab wayn nagu tahay dhabar jab wayna ku tahay siyaasadiisii ahayd horu marinta iyo gacan qabashada dhalinyarada wax baratay, oo ay sii niyad jabinayso intii ka hadhay aafada tahriibta ee aqoontooda ku shaqo galay dalkoodana doonayay in ay wax ku taraan iyaguna wax ka taransadaan .

Guntii iyo gabagabadii waxa aan madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland si ixtiraam leh uga codsanaynaa annaka oo ah 24-ka garyaqaan ee ay faahfaahintoodu kor ku dhigan tahay sidan soo socota:

In uu noo tixgaliyo shaqaalenimadayada aanu shaqaale noqonay sanadkii 2015-kii cadaynteedana aanu hayno.

In aan nalagu dabaqin wareegtada madaxwaynaha ee soo baxday February 2017-kii taasi oo cadaalad daro nagu ah.

In mushahaarooyinkayagii la noo soo daayo laga bilaano bishii koowaad ee sanadkan 2017-ka hadii aan wax ka horeeyay nala siinayn.