20 Shay Oo Haddii Aad Samayso Marka Aad 30 Jir Tahay, Noloshaada Wanaajin Doona Marka Aad 50 Gaadho (Q:1)

0
593

Hargeysa (Geeska)- Marka uu qofku gaadho da’da soddomaadku waa xilliga uu ugu fursadaha badan yahay, waxyaabo badan oo markii hore dhaafay uu daba qabatayn karo, daalkii iyo masuuliyadihii noloshuna aanay weli wada fuulin, inta badan. Khubarada cilminafsiguna waxa ay aaminsan yihiin in ay tahay da’da ugu habboon ee qofku uu ku sixi karo waxyaabaha noloshiisa ka qaldan, faa’idada sixitaankaasna uu ku dareemi doono marka uu gaadho 50 iyo ka weyn. Qoraalkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka internet ka ee Health and Love Page ayaa ka hadlaya arrimo haddii uu qofku qabto inta uu 30 jir yahay si weyn u anfacaya marka uu 50 gaadho.

Qoraaga oo lagu magacaabo Beth Buczynski waxa uu jilayaa xaaladda dad markii ay 30 jir ahaayeen samayn jiray arrimahan uu ka digayo oo uu soo waraystay iyaga oo hadda markii ay 50 iyo ka weyn gaadheen aad u qoomamaynaya.

1. Sigaarka ha cabbin. Haddii aad cabtana dhaqso u jooji: “Haddii aad imika i arki lahayd, waxa aad arki lahayd aniga oo jilbahayga daciifka ah ee daallan ku taagan oo kaa baryaya in ugu yaraan aad ka fikirto sigaarka sidii aad isaga joojin lahayd” Waa kharash joogto ah oo badan, ur qadhmuun iyo iyada oo boqolkiiba boqol la hubo in uu dhibaato  caafimaad kugu keenayo. Haddii aad doonayso in aad noqoto 50 jir kansar ka caafimaad qaba, sigaarka cabbistiisa iska daa.

2. Jooji cuntada xun: Waa run in aad shaqaysan karto oo lacag badan aad samayn karto adiga oo jiray 20naad, 30maad, 40aad, 50maad illaa 90 jirka gaadhsii, dunida oo dhanna waa aad iibsan kartaa marka aad 50 jir gaadho… laakiin ogow in aanad caafimaad iibsan karin. Mar haddii aad 30 gaadhay jooji cuntooyinka degdegga ah (Fudud) sida beergarrada, saanwiijyada, jibiska iwm.

3. Wanaaji xidhiidhka aad la leedahay waalidkaa iyo walaalahaa: In badan ayaa ay dhacdaa in fikrado kugu soo dhacaan, haddana aad beddesho (Ka noqoto), marar badanna waxaa hacda in aad dadka kugu xeeran aragti ku kala tagtaan, laakiin waxa aad ogaataa in qoysku uu yahay dugsiga ugu fiican ee laga barto sida loola noolaan karo dad aad kala aragti tihiin, sidaa awgeed qoykaaga ha kaga go’in aragti aad ku kala duwanaateen. “Anigu waxa aan ka dhashay qoys aad u dood iyo muran badan.

Haddii aanad si fiican xaalka u fahmin ulana qabsan, waxaa dhici karta in aad aaminto in uu qoyskaagu ku neceb yahay ama adiga qudhaaduna aanad jeclayn, laakiin runtu sidaas ma’aha. Waa in aynu dareenno in qoys ahaan aynu si xor ah isugu sheegno waxa runta ah ee maskaxdeenna ku jira, innaga oo og in xidhiidhkeenna qoysnimo aad uga adag yahay wax hadal iyo muran ina dhex maray ku go’aya” qofka oo ay waalidkii iyo walaalihii cadho ku kala go’aan marka uu 50 jir gaadho ayaa ay dhibtaaa ee inta aanad soddonka dhaafin xal u raadi.