136 Ruux Oo Sagaalkii Bilood Ee U Dambeeyay Ku Naf Waayay Shilalka Gadiidka Somaliland Ka Dhaca

0
768

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidamada Nabadgalyada wadooyinka Gaashaanle dhexe Khadar Jaamac Cilmi ayaa shaaciyay in sagaalkii bilood ee ugu danbeeyay ay shilalka gaadiidka ku nafwaayeen 136 qof, isla markaasna ay ku dhaawacmeen tiro laba kun sare u dhaafaysa.

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa ka hadlay sababta ay dhimashada intan leeg gaadiidku u sababayaan, waxaanu isaga oo la hadlaayay tilifishanka Saab uu yidhi “ Bishii koowaad ilaa bishii sagaalaad 2019 dhimasho waxay maraysaa 136 dhaawac 2549 ,, xoolaha inta dhimatay waa 126, dhisme ama sandaqad ama kolay jaad  45, biro laydhna 61 .”                                                                                                                                                                                                                                                                                         Taliyaha oo ka hadlaaya sababta shilalkani ay u dhacaan waxa uu yidhi “ Wadayaasha baabuurta oo aan aqoon fiican u lahayn kaxaynta baabuurta,taxadir xumo ka timi wadayaasha qaarkood,socodka dheer ee wadayaashu ay baabuurta ku wadaan, suuqyada buuxa ee ay dadkuna cidhiidhyeen, caruurta baabuurta dabada qabsata, calaamadii wadooyinka oo dhamaan maqan, asbaabta ugu daran ee shilalka badan dhalisaa waa moobilka, moobilkan uu darawalkau gacantan ku hayo isaga oo socon qof sida gaadhi weyn oo raran oo hadana moobil kula hadlaaya.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here