Hargaysa( Geeska )- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Sheekh Aadan Siiro), oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa xukuumada ku dhaliilay inay ku olalaynayso xantidii umadda, isla markaasna ay sad-bursi kooxi u qaadatay hantidii umada ee la wada lahaa, waxaanu ka digay haddii doorashada xukuumadu dhex ay ka noqonwaydo in ay arintaasu amaan xumo keeni karto.
Sheekh Aadan-Siiro, oo hadal ka jeediyay salaadii Ciidda ee garoonka kubadda cagta ee Xawaadle, waxa kale oo uu naqdiyay is qiimayntii xukuumadda ee ahaa inay balan qaadyadeedii fulisay 70% ka mid ah, waxaanu caddeeyay in waxyaabaha ay fulisay aanay ka badnayn 10%. Sheekh Aadan, waxa kale oo uu baaq u diray Qaramada Midoobay, dalalka Islaamka iyo kuwa Jaarka oo uu ugu baaqay inay shacabka Somaliland ku abaal mariyaan qarankooda ay dhulka ka soo qaadeen iyadoo aanay cidina waxba la qaban.
Qaramada Midoobay
Ugu horayn isagoo Sheekhu la hadlaya Qaramada Midoobay, wuxuu yidhi “ Ugu horayntii waxaan doonayaa inaan la hadlo nimanka dunida haysta ee Qaramda midoobay la yidhaahdo 191 dawladood, ee maanta gabay Somaliland iyada oo shuruudahii dawladnimo fulisay, waxaanu leenahay umad jirta ayaanu nahay, hore dawlad u ahayd xaqeedii la soo noqotay, xaqna u leh inay dawladnimadeeda hesho, wax allaale iyo wax gar ah oo nalagaga hortaagnaado inaan ictiraaf helno ma jirto.”
Wuxuu sheegay inay Somaliland buuxisay shuruudihii qaran looga baahnaa, “Wax allaale iyo waxii ay shuruud ka dhigeen in umad lagu ictiraafo waynu leenahay, dalkan nabad baa ka jirta, xuduud juquraafiyadeed buu leeyahay oo in badan soo taxnayd, calan buu leeyahy oo ka dhaxeeya, sida oo kale ciidan ugaar ah iyo astaamo qaranimo ayuu leeyahay, waxaanu aad uga xunahay maanta in la icitiraafo East Timor oo ah jarsiirad ay oo Qaramada Midoobay ay afar saacadood ku ictiraafeen iyada oo laga jaray dalka loo yaqaano Indooniisiya, waxa wax lala yaabo ah koonfurta Suudaan oo aad ogtahiin in dunida oo dhan ay ictiraaftay iyada oo aan soo galin halgankii ay Somaliland soo gashay. Waxaynu leenahay dalalka jaarka ah iyo dawladaha carbeed iyo dadka muslimiinta ah, dalkani waa dal islaam ah waa dal carbeed, waa dad ku abtirsanaaya oo ku qanacsan xaqbadii uu nabadigu hoggaaminaayay CSW, waxay xaq u leeyahiin waxa aadame xaq u leeyahay.”
70% mise 10%?
Sheekh Aadan-Siiro, wuxuu codkiisa ku biiriyay inta badan ee shacabka Somaliland ee aaminsan inay madaxtooyadu buunbuunisay wax qabadkeeda oo ay ku sheegtay inay 70% ka mid ah fulisay waxyaabihii ay shacabka u balan qaaday, “ Dawlada maanta Kulmiye hoggaaminayo oo sheegtay inay 70% ay fuliyeen waxyaabihii ay balan qaadeen, waxaan anigu is leeyahay haddaanay is macaashsiinayn 10% kama badna waxay fuliyeen, waxaan leeyahay wax badan ayaa looga fadhiyaa inay raadiyaan.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu isagoo sii wata uu tusaale u soo qaatay dhallinyarada wadanka ee Jaamacadaha ka soo qalin jebisay oo weli bilaa camal ah, “Waxa maanta igu xeeran waa dhalinayradii jaamacadaha, waa kuwii hooyooyinku ay tamaandhada ku soo koriyeen, waa kuwii halgankan ay umadu xornimada ku heshay aabayaashood, awoowyaashood iyo adeeradood ay ku lugo beeleen iyaga oo ay himiladoodu ahayd inay helaan nolal iyo shaqo ay dadkooda inta hadhay ku daryeelaan.”
Hantida Haloo Sinaado
Sheekh Aadan Xaaji Maxamud Xiirey, wuxuu tallo ugu soo jeediyay xukuumadda in loo sinaado hantida iyo mashaariicda umadda u dhaxaysa, “Rag gogashii waa cadaalad, haddii cadaalad la waayo karis xun iyana ku wax la’, waxa la tabanayaa in taladii dalka iyo hantidii umadda kooxi ay sad gaar ah u heshay, qabiil odhan maayo, deegaan odhan maayo, laakiin waa koox gaar ah oo wax isku og waxaan leeyahay waar hantida balaadhiya, waar hadduu qandaraas soo baxo si cadaalad ah haloo kala qaato, waar dadku talada dalka waa uu wada leeyahaye si fiican haloo qaybsado,waar waxa yar ee ina soo gaadha habayaraadeene si siman dadka haloo-gaadhsiiyo, taasina waxay keenaysaa inay sii adkaato nabada aynu ku fadhinaa.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Anigu odhan maayo taariikhbay ku leeyahiin xukuumada maanta joogtaa halgankii ay umadani soo martay, laakiin sida dunida looga bartay qofku wax kasta oo uu taariikhda hore ku lahaa, waxa lagu qiimeeyaa masuuliyad marka uu qabto, waxa uu qabto. Mararka qaarkood waxaad si odhanyasaa xukuumada qaabka ay u hadasho iyo raga qaarkii oo ku jiraa siday u hadlaan inay dadka,d hulka iyo hantida inay leeyahiin ayaad moodaysaa. Cumar Binu Khadaab waxa uu yidhi waxa dadka ka dhaxeeya waa amaano. Walaal waxaynu nahay dal yar, dad yar oo baahi badan ay haysato, laakiin ku nool dal qaniya, ee waxa yar ee ina soo gala hala farsameeyo.”
Doorashada
Isniinta beri waxa dalka ka bilaabmaya ololihii doorashada oo qabsoomi doonta 28 Noofambar. Sidaas darteed, wuxuu Sheekhu aad uga digay in hantida umadda lagu ololeeyo, isagoo yidhi “ Waxa xukuumada lagu xamanayaa inay ku olalaynayso dantidii umada, waxa lagu xamanayaa in wasiiradii ay ku olalaynayaan gaadiidkii umadda, doorashadana waxaynu ugu talo galnay in la kala nabadgalo, in ninka cadhoodaa aanu u dagaalamin, oo aanu deegaanadoodii tagin oo aanu dalka khalkahl galin, ayaynu doorashada ugu talo galnay, xukuumadu haddii ay ka cadaalad samayn waydo arinta doorashada waxay keenaysaa amnigaa lagu fadhiyo ee iyaga lagu ilaalinaayo, ee iyaga loogu heesaayo ee maanta iyaga roogaga loogu dhigaayo, ee ay iyagu waxa badan ku haystaan in la waayi doono ayay noqonaysaa, haddii la ilaalin waayo tartankaas cadaaladiisa.”
Gunaanad: Tallo Nasteex ah
Ugu danbayntii Sheekh Aadan Siiro, wuxuu sheegay inay taladiisu tahay mid nasteex ah, islamarkaana aanay ahayn mid uu ka leeyahay ujeedo gaar ah, “Anagu cid maanta joogta kursiga kuma haysano, culimaduna waxay dhex u yahiin asxaabta iyo ururada, culimadu waxay dhex u yahiin dadka, culimadu waxay doonayaan in dalku dhismo oo cadaalad uu ku dhismo, walaalayaal kuwii hore ( Xukuumadii hore )waanu u tilmaami jirnay waxay ku qaldan yahiin, laakiin qoladan maanta joogta waa ay ka dulqaad badnaayeen, xukuumada maanta talada haysaa iyaga oo aad u qaylin jiray, iyaga oo aad u hadli jiray oo erayo badan oo aflagaado ah oo aan haboonayan odhan jiray markii hore ee ay olalaha ku jireen, imika marka si qurux badan loo tilmaamo waxaad moodaa in dulqaadkoodu yar yahay, waxa inagu soo kordhay nidaam dhalinyarada lagu hawlgalinaayo, waar odayaashii hore ee afmiishaarka ahaa ayaa loo taag la’yahay, waar carruurta afmiishaarnimada hanaga barina, caruurtu waxay u baahantahay in shaqo dalka iyo dadkaba wax taraysa loo abuuro, laakiin caantayno inta habeenkii loo dhiibo lagu mashquuliyo uma baahna.” Ayuu hadalkiisa ku soo oodday Sheekhu.
Comments are closed.