Hargeysa(Geeska)-Oday Cabdi Ibrahim Yusuf (Cabdi-Cawar) oo ka mid ah odayaasha magaalada Hargeysa islamarkaana ah mulkiilaha hoteel laga cuno cuntooyinka fudud iyo sharaabka oo ku yaala madaarka Hargeysa, ayaa Wasiirka duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ku eedeeyay inuu kula kacay xadhig sharci darro ah.
Oday Cabdi-Cawar, oo ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa, wuxuu wasiirka duulista ku eedeeyay inuu doonayo inuu awood ku xidho meheradiisa oo ku tuula madaarka Hargeysa, “Waxa I xidhay wasiirka oo aanu is qabanay.” Ayuu yidhi Cabdi Cawar, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu isku qabanay wuxuu doonayaa inuu xidho meheradayda ku taala madaarka. Waxa aan wax ka iibin jiray dadka ku sugan qolka martida (VIP) ee madaarka Hargeysa iyo qaybo kale oo ah hay’adaha caalamiga ah ee dhoofaya, labadiina wuxuu doonayaa inuu xidho oo qolkii VIP-da isagaa yidhi anigaa sharaabka ka iibinaya.” Ayuu yidhi Cabdi, waxaanu intaas raaciyay, “Imika inuu I xidho waxa keenay wuxuu ka cadhooday; waxaan jimcihii arkay Madaxweynaha Axmed Maxamed, oo aan uga waramay xaaladayda iyo dhibaatada uu wasiirku igu hayo, dabadeedna isagoo tii ka cadhaysan ayuu I soo xidhay.”
Ugu dambayn Cabdi-Cawar, wuxuu sheegay inuu muddo dheer meherada ku lahaa gudaha madaarka Hargeysa oo ay ku soo mareen dhammaan wasiiradii duulista ee kala dambeeyay, “Waxa igu soo maray Siddeed wasiir, dhammaantoodna wax dhibaato ahi nama dhex marin, laakiin wasiirkan haddu wuxuu meheradayda ku hayaa dhibaato, waxaanan Madaxweynaha ka codsanayaa inuu naga qabto.” Ayuu yidhi.