“Somaliland Weligeed La Midoobi Mayso Somaliya, Haddii Ay Isku Dayaan Inay Nagu Qasbaana, Waxaanu Diyaar U Nahay Dagaal Ilaa Aanu Madhano”

0
2498

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa yarkasi cad ugu sheegay mudane ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka oo lagu magacaabo Senator Feingold, inay bulshada Somaliland dagaal ka xigto midnimo dambe oo ay la galaan Somaliya.

 

Warsidaha Wikileaks ee faafiya siraha kala duwan ee ay safaaradaha Maraykanku u diraan xaruntooda Washington, ayaa dhawaan baahiyay waxyaabihii lagaga wada hadlay kulan dhex maray Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo Senatar Feingold oo bishii December ee sannadkii 2009 ka dhacay dalka Djibouti, markaas oo uu xildhibaanku safar ku yimid gobalka Geeska Afrika islamarkaana uu Djibouti kula kulmay hoggaamiyayaashii xilligaas ee Somaliland iyo Somaliya.

Sida uu wikileaks baahiyay kulamadaas oo qabsoomay 19-21 December 2009, wuxuu senatorku ugu horayn Madaxweynihii hore ka tacsiyadeeyay qaraxyadii 2008 ka dhacay Somaliland. Daahir Rayaale, wuxuu Senator Feingold u sheegay in qaar ka mid ah dadkii gaystay qaraxyadadaas Somaliland ka dhacay 29 Oktoobar ay ka soo jeedeen Somaliland, laakiin ay ku soo tababarteen dalka Somaliya. “Laakiin xag jirku waa isku mid, macno ma leh meesha ay ka soo jeedaan iyo meesha ay ka yimaadeen, dhammaantood waa isku ajande.” Ayuu Daahir Rayaale Kaahin ku yidhi Senatarka.

Wuxuu sheegay in inta badan ee dadka reer Somaliland ay Booliska la shaqeeyaan iyagoo siinaya xogta lagu qaban karo argagixisada. Daahir Rayaale Kaahin wuxuu qaraxyadii 29 Oktoobar ku macneeyay, “Waxay noo ahaayeen baraarujin sidii Maraykanka ee September 11.”, waxaanu intaas raaciyay in qaraxyadaas ka sokow ay Somaliland ku jirtay hayaanka dawlad wanaaga tan iyo sannadkii 1991-kii.

Isagoo Daahir Rayaale, ka hadlaya aqoonsiga Somaliland, wuxuu sheegay in hadii ay heli lahaayeen caawimo toos ah ay awood u yeelan lahaayeen inay iska caabiyaan xag jirka. Waxaanu sheegay in haddii Somaliland la aqoonsado ay door ka ciyaari karto arrimaha koonfurta iyadoo cudud ku biirin karta Djibouti iyo Itoobiya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay munaafaqnimada bulshada caalamka ee ku waajahan aqoonsiga dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya oo aan shaqayn iyo sababta ay aqoonsan waayeen Jamhuuriyadda Somaliland ee shaqaynaysa.

Isagoo ka hadlaya midnimadii Somaliya, wuxuu sheegay inay reer Somaliland tijaabiyeen midowga Somaliya oo ay arkeen midhihiisa, “Somaliland waxay samaysay midowgii, waanay tijaabisay mana jirto suurtogalnimo kale oo Somali weyn ahi.” Ayuu yidhi Rayaale.

Rayaale, wuxuu sheegay inay Somaliland ka duwantahay Somaliya, isagoo sheegay inay madaxda Somaliya isku mashquuliyaan inay arrin kasta ka yeeshaan shirweyne, “Xataa arrimaha yar yar, dhibaatadu Somaliya waxa weeye in qof kastaa uu isku dayayo inuu hoggaamiye noqdo, waxaanay aaminsanyihiin in xalku dibadda uga iman doono.

Wuxuu Daahir Rayale Kaahin Senator Feingold u sheegay inay Somaliland midnimo dambe ka xigto dagaal ay ku hoobato,  “Somalilland weligeed la midoobi mayso Somaliya, haddii ay isku dayaan inay nagu qasbaana, waxaanu diyaar u nahay inaanu dagaalano ilaa aanu madhano.” Ayuu ku soo koobay Madaxweynihii hore doodda uu la hortagay Senator Feingold.