Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa tallo ku soo jeediyay in laga feejignaado isbedelka ku yimid dalka Somaliya.
Eng. Xaashi, oo shalay qoraal ka soo saaray magaalada Hargeysa, wuxuu kaga hadlay kobcinta dhaqaalaha dalka, khudbadii Madaxweyne Siilaanyo uu u jeediyay labada gole Baarlamaan. Eng. Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay shirka Ingiriisku qabanayo bisha May ee sannadkan oo Somaliland inay ka qayb gasho uu ku tilmaamay khiyaamo qaran. Isagoo xukuumaddana ugu baaqay inay xil iska saarto daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada. Qoraalkaas uu Maxamed Xaashi Cilmi soo saaray wuxuu u dhignaa sidan: “Haddii aan ku horeeyo, QAAB-DHISMEEDKA QARANKA: “Qod. 37-2. Dhismaha Qaranku wuxu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka……., Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay”. Waa ku talagal is-dheelitir ah.
Qoraalkani, wuxu ku saabsan yahay, sidii loo sixi lahaa gafafkii is-biirsaday ilaa1991. Sida musuq-maasuqa baahay iyo Dastuurka, la baal-maray. kuwaas oo halis ku ah horumarka Dalka.
Waxana maamulka la toosin karaa, marka lagu dhaqanka sharciyada Dalka. Kuwaas oo Sal u ah: Cadaaladda, Nabad-galyada, Kobcinta dhaqaalaha & horumarka dalka guud ahaa ba. Waxa Dalka soo maray affar madaxweyne, oo lagu dhaariyay: DASTUURIGA Qod.129. “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO.
Haddii aan ku bilaabo, dhaqaaluhu waa laf-dhabarka Dawladi ku tamariso. Waa In la kobciyo kharashkana la dhimo, si dalka u dhismo dadweynuhuna daryeel u helaan. Waa arrin muhim ah, oo mudan ku talo galkeeda. Affarta Madaxweyne ee hogaanka Dalka soo maray, laba way geeriyootay ( A H N). Labada NOOL ayay faaladani khusaysaa, oo wadaga:- Burinta Dhaarta, Baal-maridda Dastuurkaiyo ku Tagrifalka hantida Qaranka. 1.Madaxwene Rayaale, muddadi xilku waxa ay kaga dhamaatay, adduun urursi iyo Daaro iibsi. Waxa kale oo laga dhaxlay, deyn ka badan, (U.S.D.toddobaatan milyan ($ 70 milyan), oo ayna ku jirin, daarihi iyo dhulkii Dawladda ee ay iibiyeen. WuxuRayaale TAHLI waayay, inuu bixiyo affar bilood Mushaharkii shaqaalaha, kii ciidamadana laba bilood. Waxa kale, oo deyn badan lagaga yeeshay: Raashinkii jeelasha, cusbataalada iyo ciidamada. Kharahkii hawl socodsiinta Jan-July 2010 oo ahaa; $ 22 milyan, dawladana bixisay. Xukuumadda Rayaale ma gaadheen bishii Sept. 2010, haddii aan doorashadii ka soo gaadhin.2. Madaxweyne Ahmed Maxamed wuxu yidhi, waxba uraacimaayo, hantidii Rayaale iyo Xukuumaddisii lunsatay.Ilaalinta hantida Qaranku waa waajib saran Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Waxanay ku caddahayDastuurka Qod.96-t.Ku xad gudub Dastuurka.
MUDNAANTA SIYAASADDA A. DIBADDA, DARYEELKA DADWEYNAHA IYO HORUMARKA DALKA.
Aqoonsigii Somaliland ee 26 June 1960, halagu raadiyo, siffo sharci. Khudbaddii Madaxweyne Axmed ee 30 Jan 2013 qaybtii A. Dibaddu aad bay u fiicnayd. Balse waxa ay noqon, hal-bacaad lugu lisay, haddii laga qaybgalo shirka Somalia loo qaban doono May2013, ee Somaliland loo aqoonsan yahay, dawlad goboleed Somalia ka mid ah. Waa KHAYAAMO QARAN KA QAYB-GAL KEEDU. ARRINTA Somaliland way ka culus tahay, sheekaysii laba Madaxweyne, isu hor fadhiistaan. Waa in wada hadalku ahaado mid, innaga iyo iyaga ah, oo ka baxsan shirka goboleed Somalia. La soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland waa GO’AAN AFTI- DADWEYNE. Waa in garyaqaano caalamiya iyo xog loo urursado, wada hadalada. Hay’adaha ajnabiga ee Dalka ku jooga, magaca Somalia, waa
marag ,qiraal ah in aynu qayb ka nahay Somalia. Hay’aduhu ka joogeen Dalka magaca Jamhuuriyadda Somaliland ama DHAKHSO ha innoo dhaafeen. Baahiyaha iyana xusidda mudan:- In miisaaniyadda lagu daro waxa ka mid ah, dawada Umulaha oo ANGELA GORMAN- British, inagu caawiso, sidii loo yarayn lahaa dhimashada umulaha. Laba iyo tobankii UMULOOD ba (1/12) mid GEERIYOOTO. Dawooyinkaa umuluhu waa:- MAGNESIUM SULPHATE. Qiimuhu yahay: Ampoul sls 10,000 ama 1 tab 2,000 sls iyo MISOPRTOL 1 tab. sls 5,000 Umushii ba. Waa wax jaban. In miisaaniyadda lagu daro, $ 240,000 sannadkii, si bukaan-jiifka kalyuhu fadhiistaan, looga dhimo kharashka dawada. “HAANI GUNTAY KA TOLANTAA”.
Xukuumaddu, xil ha iska saarto daryelka, Shaqaalaha iyo ciidamada. Sannadkii 2011 waxa loo kordhiyay mushaharka 100%. Talagalku wuxu ahaa, 100 % kale, in loo kordhiyo. Shanti sano ba, lagu jaan-gooyo maceshadda Dalka. Qod. 20- 3. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan.
Qod. 20- 5 shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.TALA-GALKII, KORODHKA MUSHAHARKA SHAQAALAHA / CIIDAMADA SANNADKII.