“Madaxweynuhu Wuu ka Tiiraanyeysan Yahay Tahriibka”

2
4227

Picture3Hargeysa(Geeska)-La taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Siilaany uu ka tiiraanyaysan yahay dhalinyarada dalka ee tahiirbka u dhaqaaqaday ayna wadaan qorshe lagu hakinaayo socdaalka dhalinyaradaas.

 

Sida oo kale waxa uu la taliye Barkhad Jaamac Xirsi uu ku canaantay wasaaradaha ciyaaraha iyo shaqada iyo arimaha bulshada in aanay wax muuqada ka qaban arinka tahriinbka, loona baahnaa inay wacyigalin ka sameeyana arintaas.

Barkhad Jaamac waxa uu sidan ku sheegay isaga oo la hadlaayay wargeyska Geeska Afrika, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya tahiiriib iyo madaxweynuu sida uu u arko uu yidhi  “ Madaxweynuhu waa Masuulka ugu sareeya Qaranka dhibta iyo Dheefta wadankana cida ugu horeysa ee ay sida gaarka ah u taabataa waa isaga, waana Magaca iyo Muuqa Qaranka dhab ahaantiina aad iyo aad ayaa uu Madaxweynuhu uga xun yahay xooga wadanka ee sida caqli darada ah ugu qul qulaya Bada Saxaraha si gaar ah baaney isaga u damqeysaa dhab ahaantii Xukumaduna waxay hadda wadaa Xalkii dhibaatadan aafada ku ah AwoodaWadanka.”

La taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi isaga oo hadalkiisa sii wata wax auu yidhi  “ Horta Madaxweynaha waxaa Wakiil uga ah Dhalinyarada Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada taas ayaaney tahay iney keento wax badan oo ku wajahan xalka arinkan, Laakiin wax sanado badan soo jiray oo la daawaneyey maaha ee in kastoo Tahriibku ahaa wax socon jiray laakiin hadda waa xoogeystey  wadanka markaa Wasaarada Arimaha Bulshada iyo Wasaarada Dhalinyaraduba waa iney xooga saaran xalinta arinkan, dhanka kalena maaha arin ku koobmeysa Dawlada oo kaliya waayo Dawladu waa ay u dadaaleysaa dadkeeda laakiin cida la rabo iney garbo unoqoto oo ay kala shaqeysaa waa Culimada iyo waalidiinta  oo looga baahan yahay iney si xoog ah uga waaniyaan dhalinyarada Tahriibka sheegaana sida ay diinta u reebtay, Ganacsatada oo looga fadhiyo unkida Warshado wax soo saar u leh wadanka oo ay ka shaqo galaan dhamaan dhalinyarada wadanka kuwooda wax bartaa waayo Wasaaradaha dawladu ma wada shaqaaleyn karaan dhalinyarada oo xadbey leeyihiin, Ururada Bulshada oo looga fadhiyo wacyigalin weyn gaar ahaan Dalada Dhalinyarada ee Sonyo, iyo cidii kale ee qeybteeda ka qaadan karta hawshan.”

Comments are closed.