“Madaxweyne Lagaagama Fadhiyin Hambalyo Iyo Dholacadayn Keliya”

0
3426

Picture2Hargeysa(Geeska)-“ waxaanu leenahay madaxweyne lagaagama fadhiyin hambalyo iyo dhoolacadayn kaliya ee waxa lagaa sugayey in aad la timaado qorshe cad oo wax tar u noqda ardaydaas halganka dheer soo gashay.” Sidaas waxa lagu yidhi warsaxaafadeed uu shalay soo saaray xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Wadani Md. Maxamed Xasan Dirir.

Warsaxaafadeedkaasi, wuxuu sheegay inay xukuumadu jaamacadaha dalka shardi kaga dhigtay inaanay xafladaha qalin jebinta ku casuumin xisbiyada mucaaradka. Warkaas oo dhammaystirani, wuxuu u dhignaa sidan, “Waxa baryahan dambe bulshada reer Somaliland la socotaa in madaxweyne Siilaanyo uu ka qaybgalo xafladaha qalinjabinta jaamacadaha waddanka isla markaasna uu bixiyo shahaadooyinka ay ardaydu ku guulaysatay iyada oo aanu madaxweynuhu wax qorshe ah oo intaas dhaafsiisan aanu u haynin ama aanu usoo jeedin ardayda iyadoo aynu ognahay tacabka badan ee la galiyey ardayda qalinjabinaysa waalidiin iyo macalimiinba.

Hadaba waxaanu leenahay madaxweyne lagaagama fadhiyin hambalyo iyo dhoolacadayn kaliya ee waxa lagaa sugayey in aad la timaado qorshe cad oo wax tar u noqda ardaydaas halganka dheer soo gashay.

Waxa kale oo layaab noqotay in madaxweynaha iyo inta ku ag xeerani ay xafladaha shardi kaga dhigaan inaan lagu soo casuumin Xisbiyada mucaaridka ah iyo cid kasta oo ay ka filayaan dhaliil taas oo ku cusub hab dhaqanka umadda Somaliland macnaheeduna yahay in madaxweynaha laga qariyo runta jirta.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxu walaac weyn ka qabaa qorshe la’aanta iyo habaqlaha ay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ku waddo.”