“Intaan Wasiirka Maaliyada Ahaa Guri Aan Iibsaday Ma Jiro, Anigu Nin Ganacsade Ah Baan Ahaa Guryo Hargaysa Aan Ku Leeyahayna Waa Ay Jiraan”

0
3346

 

popHargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii u horaysay ka hadlay guri ay warbaahinta qaarkeed dhawaan soo bandhigtay oo lagu sheegay inuu wasiirku iibsaday mudadii uu xilka wasaarada maaliyadda hayay.

 

Md. Samaale, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa markii uu dhammeeyay xog-warankiisa ku saabsanaa safar ay isaga iyo wasiirka kalluumaysiga Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan ku tageen gobalada bari, waxa uu beeniyay guri ay jaraa’idada qaarkood soo bandhigeen muuqaalkiisa, wuxuu yidhi “ Waxaan idiin sheegayaa intaan wasiirka maaliyada ahaa guri aan iibsaday ma jiro, taas waan idiin xaqiijinayaa, anigu nin ganacsade ah baan ahaa guryo Hargaysa aan ku leeyahayna waa ay jiraan, kaygaa kamid ah oo kuwo kale ayaa kamid ah, waxaanan leeyahay qofku markuu Alle kabaqo ayuu ilaalin karaa umadda waxeedana, qofkuna hadduu alle khiyaameeyo umaddana waa uu khiyaamaynayaa, qofku hadduu xil hayo intaan umadaba la eegin Alle ayaa arkaaya, intaanu dadka ka baqina inuu Alle ka baqo ayaa muhiim ah, markaasuuna hantida  umadda ilaalin karaa.”

Wasiir Samaale, oo ka jawaabaya sababta keentay kor u kac uu sheegay inuu ku jiro miisaaniyadda, wuxuu yidhi “ Xaglo toosan xoolo kuma-yimaadaan, runtii da’daal xoogan ayay wasaaradu ku jirtaa kana kamid ayuu ahaa, waxaanu ku rajo weynahay ku talo galkii miisaaniyada sanadkan 2012-ku inuu siduu ahaa uu ku soo baxo oo aan u dhammayno haddii alle idmo, ka sanadka danbena xiligiisan ka warbaxin doonaa, koru-kacaas iyo khayrkaasna alle ayaa suurto galiyay iyo guud ahaan shaqaalaha wasaarada,. Waxaan u mahadnaqayaa marka dakhliga kor u kaciisa la eego inkasta oo aanay dadkeenu sidii la doonayay cashuur baxinta ku ahayn haddana runtii mudadaas gaaban ee aan anigu wasaarada joogay aad baan ugu mahadnaqayaa baayacmushtarka Somaliland, qaybihiisa kala duwan iyagaa runtii waxii ku waajibay baxiyay, waxkasta oo aanu isugu nimaadnana sida ugu wanaagsan ayay noola qaataan, wali waanu aaminsanahay sidaan u doonaynay in aan arimihu u dhammaystirmin, laakiin si wanaagsan ayay u socotaa.”

Wasiir Samaale, oo la weydiiyay wakhtiga la samayn doono mushahar kordhintii uu Madaxweyne Siilaanyo ololaha doorashada ku galay inuu ka dhigi doono saddex laab, oo ilaa hadda la kordhiyay hal darajo, wuxuu yidhi “ Mushaharka sanad-walba boqolkiiba boqol lama kordhiyo ee waxa la kordhiyaa maxaa suurto gal ah, waan qabaa inay si wanaagsan wax u kordheen, markaanu odaraska miisaaniyada eegayno ayaanu eegi doonaa ma in meel mushahar laga kordhiyo ayaa ahmiyad ah, mise in kaabayaal dhaqaale iyo wasaaradaha qaarkood culays la saaro oo la dhiso, hadday Kaluumaysi tahay, hadday beeraha tahay iyo hadday xoolaha tahayba, waxaana xadayn doona siyaasada xukuumada ee miisaaniyada  halka aanu saarayno culayska, taas wakhtigeeda ayaan u dayn doona, ku talogalkayaguse waxa uu  noqon doona waxii siyaasadaas ka soo baxa.”