Madaxweyne Ciro Oo Joojiyey Xafladihii Ay Lacagta Badani Ku Bixi Jirtay Ee Abaal Marinta Shaqaalaha Dawladda

0
285

HARGEYSA (Geeska) – Iyadoo laga duulayo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaarta ba’an ee ku habsatay gobollada dalka, gaar ahaan deegaannada miyiga ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo saaray go’aan deg-deg ah oo lagu joojinayo dhammaan xafladaha iyo munaasibadaha aan loo baahnayn ee ku bixi jirtay lacagta badan.

Go’aankan ayaa ku yimid kaddib markii madaxtooyadu qiimayn ku samaysay xaaladda abaarta iyo baahida loo qabo in loo gurmado dadka iyo duunyada ku tabaalaysan abaaraha.

Anniga oo fulinya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa aan qoraalkan idinkula socodsiinayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si rasmi ah u go’aamiyey in la joojiyo dhammaan Xafladaha, Munaasibadaha iyo Barnaamijyada Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Feb 2026, ilaa amar dambe laga soo saaro.

Go’aankan waxa uu Madaxweynuhu u qaatay isaga oo tixgelinaya Xaaladaha Abaaraha ba’an ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka, kuwaasi oo si muuqata u saameeyey nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Somaliland.
Abaaruhu waxa ay sababeen biyo-yaraan, waxyeelo culus oo soo gaadhay xoolaha nool, barakac iyo culays nololeed oo ku yimid qoysas badan, gaar ahaan bulshada reer miyiga ah iyo danyarta.
Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan noqotay in Hay’adaha Dawladdu ay muujiyaan Masuuliyad Qaran, wadajir, naxariis iyo dareen-qaybsi la xidhiidha xaaladda taagan, iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo Xaaladaha Bini’aadannimo iyo danaha guud ee Qaranka.
Go’aankani waxa uu khuseeyaa dhammaan Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa-bannaan, Wakaaladaha iyo Hay’ad kasta oo Dawladeed