“Waxa La Isugu Sheekeeyaa Waxay Horfadhiistaan Gobalo, Gobaladu Hadday Shir Yimaadaan, Dee Annagu Umaanu Yeedhan”

0
2402

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraaWasiir-Geeljiredka badda Md. Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire), ayaa si adag u difaacay siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda uu ka tirsanyahay oo ay bulshadu ku dhaliisho inay ka qayb gasho shirar ay fadhiyaan maamul goboleedyada Somaliya.

Xisbiyada mucaaradka iyo qaar badan oo ka mid ah bulshada ayaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliila inay bedeshay itijaahii siyaasadda dibadda ee dalka islamarkaana aanay weli bulshada u soo bandhigin sababta ay u bedeshay iyo dhinaca ay jihaysay, waxaanay mucaaradku sheegeen in la badhxay siyaasadii dibadda iyagoo shaki geliya qaddiyadda qaranimada Somaliland. Hase yeeshe Wasiir Geeljire, oo shalay hadal ka jeediyay xaflad loo sameeyay arday ka qalin jebisay jaamacadda Golis ee Hargeysa, wuxuu sheegay inay xukuumadoodu tagayso meel kasta oo ay u arkaan inay danta Somaliland taalo, isagoo muujiyay inay soo dhicin doonaan xaqa Somaliland leedahay.

“Waxa la soo hadal qaadaa had iyo gooraale siyaasadayada dibada meelaha aan ku dhiiranay oo wax layska waydiiyaa, walaal siyaasadayada dibadu way cadahay, waxaan ku tashanay oo aan go’aan ku gaadhanay hadaan xukumada nahay goob allaale iyo goobta aduunka ah oo Somaliland arimaheeda lagu hadal hayo oo shir lagu qabto oo arimheena lagu hadal hayo in xukumaada Somaliland iyada oo dadkeeda matasha, iyada oo sharafteeda wadata , iyada oo aqoonteeda wadata ay ka qayb gasho oo aanay  ka baqanin. 

Waxaan aaminsanahay in aan wakhtigan aan joogno aanay cidi wax inaga qaadi Karin , inaynu nahay dad isku duuban oo imika labaatan sano jiritaankisu jiray, markaad qiyaasto bal waxaad eegtaa dadkeena, wuxuu u badan yahay dhalinyaro, inta kawaynina waa intii dalkan u soo halgantay, markaan xisaabiyo boqolkiiba sagaashan iyo sideed in ku dhaw dhaw wax cilaaqaada oo ay Somaliya la leedahay ama ay ka aaminsantahay  majirto, waa dadkii dalkan u soo halgamay iyo dadkay dhaleen, dadkii nabadnooda dhaliyay, dadkii dalkan aas-aasay dad maanta sahaalo cidkale ay ku soo doonanayso maaha, ee horta taas ku talo gala.” Ayuu yidhi Geeljire, waxaanu intaas raaciyay 

 

“Taasanu idinku matalnaa, maryahana nalagala hadhi maayo hadaan tagno shirarka oo waxa aynu leenahay aan ka sheegano oo aan teena soo dhacsano, wax ka badana laynaga qaadi maayo ee taana ku talo gala. Waxa laysugu sheekeeyaa waxay horfadhiisteen gobalo , gobaladu hadday shir caalamiya yimaadaan magacay doonan ha kuyimaadaan oo ay Somaliya ka tirsanyihiin oo ay shir caalamiya ay yimaadaan dee anagu umaanaan yeedhan, shirka caalamiga ah laakiin waanu tagaynaa, dee waxa ku xigi doonta haddii kale hawadana way neefsadaane idinkuna haneefsanina. Markaa waxaan ku dhiiri galinaynaa dhalinyarada iyo dadwaynahaba inay taa ka qayb galaan.”

Wuxuu Wasiirku sheegay inaanay xukuumad ah cabsi ka qabin inay waajahaan wixii dhaliil ah ee ay xukuumadoodu leedahay balse aanay dan ka galayn wixii aflagaado ah, “Wixii dhaliila ee ay xukumaadu leedahay anagu ka baqan mayno in aan waajahno dhaliishayada, cida wax naga sheegaysana in aan waajahno ka baqan mayno, waxaan diyaar u nahay in aan golayaasha isugu nimaadno oo an la doodno , oo ay rayigooda ka hadlaan anaguna aanu kaayaga ka hadalno, oo waxaan wadno aan ka hadalno ee hana soo wajahaan. Maaha aflagaadooyin iyo madaxwaynaha iyo madaxda qaranka loo gaysto anagu waxaanu diyaar u nahay in aan rayiga iyo talada aan goynay aanu ka doodno oo aan difaacno oo ka doodno ayaan marwalba diyaar unahay, maaha aflagaadooyin diyaar uma nihin.”

Isagoo la hadlaya ardayda qalin jebisay iyo dhallinyarada, wuxuu yidhi “Waxaan jecelnahay in aydaan dhiri galin; dadka qaar baa dhaqan bay leeyihiin ma aragteen kuwo isku dira laba diig oo deedna daawada, intay midi ku xidhaan si uu midi u dilo, waxaad moodaa dhaqankeena in laynugu abuurayo in markaynu warbaahinta hadal iska nidhaahno shicibkuna ka qayb qaato oo waxa kaliya laga hadli kar tahay, waxaan leeyahay dhaqankaas halaga digtoonaado dibna halooga joogsado, aqoontiibaad tihiin qoladan aan maanta halkan la fadhinaa markaa waxaad barataan in laga hadlo fikirka laga hadlayaa waxa uu yahay in laga doodo oo dadka ku soo celisaan, oo aad tidhaadaan waar iskadaa hebal inuu dheer –yahay, inuu gaaban-yahay iyo inuu madaw-yahay iyo inuu cas-yahay iska dhaafoo maxaa fikira ee laga hadlayaa, taasaa umadi ku horumartaa.”