“Wasiir Walba Oo Ka Tirsan Xukuumada Waxa La Siiyay Saddex Milyan Oo Dollar, Waxaasina Waa Ictiraafka Qarskiisii”

0
4063

 

yeas gaboHargeysa (Geeska)-Waxa xalay jaamacadda Hargeysa lagu qabtay daraasaad ay sameeyeen ardayda jaamacadda Hargeysa oo ku saabsan dadka soo galootiga ah, gaar ahaan qaxoontiga tirada badan ee Itoobiyaanka ah.

Daraasadan oo ay sameeyeen  tiro kooban oo ardayda jaamacadda Hargeysa ah ayaa waxa ka soo qayb galay wasiiradda Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid, Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Hargeysa Eng. Maxamed Cali  Dhuux, Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Marwo Aamina Cabdillaahi Axmed, iyo dadweyne kale.

Guddoomiye xigeenka jaamacadda Hargeysa Md. Maxamed Cali Dhuux, ayaa ugu horayn daah furay kulankaas xalay lagu soo bandhigay dadka soo galootiga ah, waxaanu ardayda ugaa mahadceliyay sida ay wakhti iyo maskax ugu hureen soo diyaarinta daraasaadan.

Xubno u hadlay ardayda daraasadda soo diyaarisay ayaa sheegay in dadka ugu badan ee qaxoontiga ah ee dalka ku sugani ka yimaadeen dalka Itoobiya iyagoo qabtay shaqooyin kala duwan oo ay dadka muwaadiniinta ahi qaban kari lahaayeen.

Wasiirka cadaalada iyo garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, oo isna halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyay ardayda Jaamacadda dedaalkooda ay isugu geeyeen wax ka ogaanshiyaha tirada soo galootiga iyo waliba dhibaatooyinka ay ku keeni karaan dalka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumaddoodu mudadii koobanayd ee ay xukunka haysay ay ku talaabsatay guulo la taaban karo “Xukuumaddu waxa ay jirtaa sanad maalmo dhiman, sanadkaas waxa ay qaaday talaabooyin aad u culus, waxa ay miisaaniyadda sanadka ku kordhisay saddex qaybood, waxa ay boqolkiiba boqol kordhisay oo kumaan kumaan kum oo lacagta intaas leeg aanay u lahayn warshado iyo baatrool, waxa ay samaysay macalimiintii tirada badnaa in ay xukuumaddu dhabarka u ridatay, waxa ay dab qabadsiisay lacagtii Burco laga isticmaalayay oo tiro badnaa, bacdaa oo  ay burco oo keli ah ka socotay waxa ay gubtay balaayiin lacagtii Somalia ah. Waxa ay gurmad ka gashay abaarihii dalka ka dhacay, waxa dalka soo food saaray colaado kuwaas oo dhiig bax ku ahaa dhaqaalaha dalka,  waxaana maanta dalka jooga ninkii yurub ugu sareeyay ee dhinaca dhaqaalaha waxaanu xusay in ay Somaliland ku talaabsatay guulo la taaban karo, dhibaatada intaas le’eg ee ay dhabarka u ridatay, xageebay ka imanayaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu, waxaanu intaas raaciyay, “Somaliland kuma jirto xoog, sharciguna isaga oo qoran ayaa loo baahan yahay in aad qunyar uga baxdid sharci, waxa dalka ku soo qulqulaya mudadii yarayd ee aanu dalka joognay wasiiradii ugu tirada badnaa, iyaga oo koox koox u socda ayay yimaadaan safaaradaha aduunka, dawladda maraykanku waxa ay daaha ka furtay dhaqaalihii, wasiir walba oo ka tirsan xukuumaddana waxa la siiyay saddex Milyan oo dollar.  Waxa degmooyinka magaalooyinka waaweyn ee dalka laga furayaa xafiisyo wada qurux badan kuwaas oo dhawaan dalka laga bilaabi doono, waxaas oo dhan waxa aan u arkaa in ay yihiin ictiraafka qarkiisi. Waanu ognahay in ay dhalinyaradeenu dedaaleen, kuwa halkaas soo gaadhsiyayna ay yihiin waalidiintood, kuwa aanu u maqanahay  waa iyaga, markaa waxa aan leeyahay  roma maalin laguma dhisine, waynu dedaalaynaa.”

Isagoo ka hadlaya Wasiir Gabose mawduuca qaxoontiga, wuxuu yidhi, “Mawduucani waa mid aad u xasaasi ah, xal u helistiisuna ay tahay mid dhib badan keeni karta, sida ay walaashay tidhi dawlada quwada leh  ee Maraykanku waxa ay xidhi kari wayday xadka u dhaxeeya Mexico. Hayadda UNHCR dadka halkan laga diwaangeliyo waxa ay siin jireen lacag, waxaanay u qaadi jireen dalalka dibadiisa, siyaasadii caynkaas ahayd waa la joojiyay, waxaana loo joojiyay in aanay Somaliland noqon mid loo soo dhex maro, waxaana loogu bedelay in la yidhaahdo sida dadka reer  Somaliland u xoogsadda. Anaga iyo wasaaradda qorshaynta qaranku waxa aanu samaynay qorshe, waxaana ka mid ah dalkan kama shaqayn karo  qof aan ruqsad u haysan, anigu kuma raacsanin dadkan ha la siiyo ruqsada shaqo, waxaanan uga soo horjeeda dadkani waxa ay u yimaadeen dhaqaale raadis, waxaanan ku dedaalaynaa sidii aanu uga hor  iman lahayn dariiq kasta oo ay lacag u heli karaan.”