“Somaliland Waxay Go’aansatay Inaanay Ka Qaybgelin Shirka London, Waxaanay Leeyihiin Himilooyin Maamul Goboleed Ka Sareeya”

0
3931

 

Picture6Newyork(Geeska)-Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson, ayaa ka hadlay go’aanka ay dawladda Somalialnd ku qaadacday ka qayb galka shirkii uu Ingiriisku arbacadii u qabtay dawladda Somaliya ee ka qabsoomay magaalada London.

Mr. Jan, oo isagoo metelaya qaramada midoobay shirkaas ka qayb galay, wuxuu khamiistii doraad shirjaraa’id ku qabtay xarunta qaramada midoobay ee Newyork, isagoo ka hadlay shirkaas iyo natiijadii ka soo baxday. “Wuxuu ahaa kulan lagu taageerayay dedaalada Madaxweynaha iyo dawladiisa si ay u abuurto qaran federal ah oo shaqaynaya. Qodobada caqabada ahaa waxa xaqiiqdii ka mid ahaa, wakiilada Somaliland iyo Puntland oo go’aansaday inaanay ka mid noqon weftigiisa [weftiga Xasan Sheekh].” Sidaas ayuu yidhi ku xigeenka xoghayaha qaramada midoobay isagoo ka hadlaya shirka iyo qaadacadii Somaliland.

Mid ka mid ah saxafiyiintii shirka ka qayb galay ayaa Mr. Jan, weydiiyay inuu sharaxo qaadacadda Somaliland ee shirka London, waxaanu sheegay in sababaha ay Somaliland shirka u qaadacday ay ugu weyntahay iyadoo doonaysa himilo ka fog maamul goboleed Somaliya ka tirsan.  “Waa sax, oo Somaliland waxay go’aansatay inaanay ka mid noqon weftigiisa [Weftiga Xasan Sheekh]. Wuxuu Madaxweynuhu ka codsaday inay raacaan, isagoo u sheegay sabahaha ay u raacayaan oo dhan, laakiin waxay leeyihiin himilooyin ka sareeya maamul goboleedka oo ka sareeya inay ka mid noqdaan nidaam federal ah.” Ayuu yidhi, waxaanu isagoo ka hadlaya ka qayb gal la’aanta Puntland ee shirkaas, uu hadalkiisa raaciyay “Puntland waxa aad loogu rajo weynaa inay ka mid noqdaan weftiga Madaxweynaha, sababtoo ah Puntland sidaan ogahay way ogolyihin nidaam federal ah, laakiin iyaguna waxay go’aansadeen inay iskaga joogaan shirkaas.”

Mr. Jan, wuxuu hadalkiisa raaciyay inuu aaminsanyahay in shirka laftiisu ahaa farriin ku socotay Somaliland iyo Puntland, “Laakiin waxaan aaminsanahay in shirka laftiisu uu farriin u ahaa Somaliland iyo Puntland, taas oo ah inay u fiicantahay mustaqbalkooda iyo dhammaan Somaliya oo dhan inay ka qayb galaan kulanada noocan ah iyo inay qayb ka noqdaan calool dabaca caalamiga ah ee lagu muujiyay kulamadan.” Ayuu yidhi.