“Siyaasadda Cidda Ka Shaqaysa Ee Fulinta Leh Waxa Loo Yaqanaa Siyaasiyiin, Hadduu Kuwa Faraha Kula Jira Xata Kaga Aqoon Badanyahay Maaha Siyaasi”

0
1274

gabooseHargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa si cilmiyan ah u sharaxay macnah siyaasadda iyo qaybaheeda kala duwan iyo weliba waxyaabaha looga baahanyahay ruuxa siyaasiga ah.

 

Wasiir Gabose, wuxuu siyaasadda ku sharaxay xaflad xalay loo sameeyay furitaanka machad cusub oo lagu magacaabo Af-Qalooc Institute Of International Relations and Strategic studies, oo xalay Hargeysa lagu qabtay. Isagoo sharaxaya siyaasadda, wuxuu Wasiirku yidhi, “Waxaan rabaa kaliya in aan aragtiyada ka dhiibto arrinkan. Waxa weeyaan ereyga  siyaasada waxaa loola jeedaa qiimaha maaraynta iyo maamulka qaybaha kala duwan ee nolasha bini’aadamka. Maarayntaa siyaasadu waxay yeelan kartaa siyaasada biyaha oo talo laga yeesho aadna loo gorfeeyo, daraasada laga yeesho, siyaasada caafimaadka, siyaasada amniga, siyaasada dhaqaalaha . markaa siyaasadu waxa weeye sida dhakhaatiir badani ku kala jiraan ayaa siyaasada umadi ay leedahay aanay ahayn hal qayb oo qayb badan oo kala duwan oo khubaro la yidhaahdo ay leedahay oo markii la isku geeyeyna uun ah qofkii caafimaadkiisii.”

Isagoo sii sharaxaya siyaasadda, wuxuu yidhi, “Siyaasada cida ka shaqaysa ee fulinta leh arrintaa inay ka midho dhaliyaan oo ay fikir u badalaan waxaa loo yaqaana siyaasiyiiin, hadduu kuwaa furaha kula jira xataa kaga aqoon badan yahay siyaasi maaha. Siyaasigu waxa weeyaan qofka ficilka faraha kula jira. Caalamka siyaasiyiintu dhamaantood boqolkiiba hal ma dhama inta kuliyada Nuur [Guddoomiyaha machadka] ka soo baxay ka baxa, qaar dhaqaalaha ayey ka baxeen, qaar arrimo kale oo arrimaha bulshadaha ayey ka baxeen, qaar taariikhda iyo arrimo kale ayey ka baxeen, dhakhaatiir  ayaa ku jirta. Haddaba ragaa siyaasada faraha kula jira ee siyaasiyiinta loo yaqaano ficilka ay qaadanayaan, xataa haddii uu ka soo baxay kuliyadaas oo uu aragti siyaasadeed leeyahay waa qof kaliya, qofna aqoonu kuma dhama, taladu kuma dhama oo gafku wuu ku badan yahay.”

Isagoo sharaxaya qaybaha siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, wuxuu yidhi, “Haddaba  caalamka horumaray waxay samaysteen laba qaybood oo kala duwan oo uu ugu horeeyo xidhiidhada caalamiga ahi, mid waxaa loo yaqaana machad, oo jaamacad weeyaan, jaamacadu waa wax barasho, waa daraasad cilmiyeed. Sidaas ayey markaa siyaasada qaranka ay ugu soo kordhinaysaa aqoon. Waxa kale oo leeyihiin golayaal. Golayaasha waa maxay waa sidan oo kale, hasa yeeshee iyagu talada ayey gorfeeyaan. Tusaale ahaan ka soo qaad Somaliland dariiqee ayey ictiraaf ku helaysa. Ictiraafka sidii dadkii iga horeeyey u marayeen ayey u baadhayaan, talooyin badan ayey uruursanayaan, talo ayey soo dhiibayaan, laakin iyagu siyaasiga ayey siinayaan talada uu qaadanaayo inay u qurxiyaan oo ay u cilmiyeeyaan. Dariiqa saxda ah ee cilmiga lagu gorfeeyey waakaas ama ha yeelo ama yaanu yeeline. Taladaa ay dhiibayaan laba nooc ayey u kala baxaan qaar axsaab ayaa iska leh oo golayaashan talada lagu gorfaynayo axsaab ayaa iska leh. Xisbiyada waaweyn ee maraykanku waxay leeyihiin golayaashan oo kale oo talooyinka lagu gorfeeyo oo markaa xisbigu qaabkiisa fikir inta lagu soo gorfeeyo xisbigu dadka ka iibiyo. Qaarna axsaab kuma sumana oo waxay siiyaan talada ciday khusayso, dadka hogaaminaya dalka. Markaa machadki maaha machad ay shaqadiisu tahay inuu hawlaha siyaasadeed ee dalka ka qayb qaato ee waxa weeyaan aqoonta ee umada uu kordhiyo oo uu aqoonta ku saleeyo. Isagu malaha inuu faro galiyo fir fircoonida talada ee bulshada, wuxuuse daraasada ku samayn karaa bulshada, si uu u dhiibto oo talada uu dhiibay ay ku salaysantahay aqoon. Taas waxaan ka wadaa waxa weeyaan hdadii machadku ama golaha gorfaynayaa uu xisbi ku dhisan yahay, xisbigiisaa u fir fircoonaanayo oo uu umada ka iibinaayo, hadii aanu xisbi ku salsaynayna go’aankii ayuu u gudbinayaa.”

Wasiir Gabose, wuxuu soo hadal qaaday madal dhawaan lagu casuumay khabiir, kaas oo ku taliyay in la aqoonsado Somaliland, waxaanu yidhi, “Wiigi dhawayd hay’add tan oo kale ah ninka gudoomiyaha u ah ayaa waxa u yeedhay kongarayska maraykanka, waxay wax ka waydiiyeen arrimaha Soomaaliya, wuxuu ku taliyey Soomaaliya baabaday Somaliland ictiraafa. Macnaha waa talo uruurin uu siinaayo cidii talada qaadatay ee isagu kaanbayn uma galaayo. Waxaan markaa leeyahay aan si fiican u fahano in aan loo fasiran kuwii horumarka samayn lahaa, iyagu kuwii horumarka samayn lahaa ayey talada saxda ah. Dalalku waxay leeyihiin tiro badan oo hay’addahan oo kale ah. Hadda mid maaha oo kuwo kale ayaa jira oo daamaha Hargeysa ka wada socda, in la wada uruuriyo, in la kobciyo sidii uu sheegay sheekheena wayn Sh Maxamed Cali inay taleednu noqotay mid la soo gorfeeyey, cilmi la soo uruuriyey, wax waydiin badani ka timi. Taariikhaha umadu waxay kaga gudbeen runtii rageena siyaasiga cidii markaa hogaaminaysa umadu inay qaldanto hadii ay dan moodo, waxaa dhici kara sidaad adigu u soo gudbisay in aanay dan u arag. Markaa masraxa maaha inay isugu imanayaan xukumada iyo golihii gorfayntu ee masraxa waxaa isugu imanaya xisbiga iyo xukumada. Waxaan leenahay markaa soo dhawaada, ha kareen golayaasha, machadadu, aqoonta ayaa koraysa, waanu soo dhawaynaynaa .”