Shirkadda Dahab Shiil Ee Konfurta Sudan Waxay Sumcad U Soo Hoysay Xidhiidhka Ganacsi Ee Somaliland La Yeelan Karto Ajanibka.

0
274

DSC00580

Warbixin: By Kamaal Axmed Cali

Shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta Sudan waa shirkadda ugu weyn ee ay leeyihiin reer Somaliland ee ka jirta dalka Koonfurta Sudan, xarunteeda dhexe ee magaalada caasimadda ah ee Jubba oo ku taalla badhtamaha magaalada waxaa mar kasta ay mashquul ku tahay u adeegista macaamiil badankoodu yahay muwaadiniinta dalka Koonfurta Sudan, oo lacago diraya ama loo soo dirayo.

Xidhiidhka ay shirkadda Dahabshiil laanteeda Koonfurta sudan la leedahay bulshada koonfurta Sudan ma’aha mid la bilowday dawladnimada dalka ee curdinka ah iyo nabadii ka aslaaxda dalkaas shantii sano ee ugu dambeeyey, balse waxa ay la soo bilaabantay xilliyadii ay dalkaas ka socdeen dagaallada qadhaadh ee u dheexeyey jabhadihii xornimo doonka Koonfurta Sudan iyo dawladda dhexe ee dalka Sudan.  Si gaar ah adeegga Dahabshiil qaybtiisa Sudan uu siiyo muwaadiniinta Koonfurta Sudan waxa uu soo bilowday sannadkii 1995-kii oo ay bulshada Koonfurtu ku jireen xaalad aad u qallafsan oo dhaqaale iyo colaadeed.

Dadka Koonfurta Sudan waa dad aad isugu xidhan isuna jecel, waa dad wax isa siinta iyo is gacan qabashada bulsho aad ugu badan tahay, si la mid ah Soomaalida ayaa ay kuwooda wax hayaa u dhaqaaleeyaan inta baahan, waana sababta keentay in si la mid ah dadka Soomaalida ay u adeegsadaan xawaaladaha oo kuwooda ladani dhaqaalaha u mariyaan inta baahan.

dahabjuba1Tusaale ahaan dadkii ka yaacay colaadaha iyo wax la’aanta ka jirtay dhulkan ee qaxoontiga ku tegey Uganda, Kenya iyo woqooyiga Sudan, marka laga yimaaddo gargaarka yar ee ay ka helayeen hay’adaha samofalka waxa ay ku tiirsanaayeen lacago biilal ah oo ay u soo diraan eheladooda ku filqan dunida, iyaga oo lacagaha ay soo dirayaan soo marin jiray xarumaha Shirkadda Dahabshiil eek u yaalla hadba dalka ama gobolka ay qaxoontiga ku yihiin cidda ay wax u dirayaan, waxaana u badnaa magaalada Khartuum oo xattaa dadka jooga Koonfurta ee aan iyagu qaxin waxa ay u soo socdaali jireen Khartuum si lacagaha loogu soo hagaajiyo xarunta Dahabshiil ee magaaladan, waana halka uu ka soo bilowday macaamilka ka dhexeeya dadka reer Koonfurta Sudan iyo shirkadda Dahabshiil iyo aaminaadda dadku u hayaan shirkaddan oo gaadhay heer xattaa ay kaga kalsooni bataan bangiga dhexe iyo bangiyada madaxa bannaan ee ka jira K/Sudan. Sida ay ii xaqiijiyeen dad xog-ogaal ahi Dahabshiil waxa ay ahayd shirkaddii ugu horraysay, Soomaalida ee aaminta xafiisna ka furata Koonfurta Sudan, gaar ahaan magalaada Jubba xilligaas oo ahaa 2005-tii waa isla markii labada dhinac ee Sudan heshiiska ku kala saxeexdeen dalka Kenya.

 

Nabadda kadib:

Intii ka dambaysay markii heshiiska nabadeed ay kala saxeexdeen ururkii ugu weynayd jabhadaha reer Koonfureedka oo ahaa SPLA iyo dawladda Sudan waxaa ka dhashay in dad badani ay dib ugu soo noqdaan dhulkoodii colaaduhu ka eryeen, heshiiskan oo dhigayey in 5 sano kadib la qabto afti reer Koonfureedka lagu kala doorran siinayo in ay ka sii mid ahaadaan dalka Sudan ama ay madax bannaani qaataan waxa kale oo uu keenay in Koonfurta Sudan la siiyo maamul hoosaad aad u awood badan iyo in dhaqaalaha tirada badan ee ka soo baxa shidaalka dalka Sudan oo badankiisu ka yimaaddo dhanka Koonfureed boqolkiiba 50 dib loogu celiyo Koonfurta si loogu sameeyo horumarin iyo dib u dhis, waxa iyaguna gacan weyn oo gargaar ka geystay hay’adaha caalamiga ah iyo dawlado waaweyn, arrintaasi waxa ay waxoogaa hoos u dhigtay heerkii faqriga iyo baahida ahaa ee ka jirtay Koonfurta Sudan waxaana dhacday in dad badani ku tiirsanaadaan dhaqaalaha gobolkooda oo ay ka maarmaan lacagtii faraha badnayd ee dibadda ka imanaysay, si kastaba ha ahaato ee tani waxba kama ay dhimin adeegyadii ay shirkadda Dahabshiil u qabanaysay bulshada Koonfurta Sudan, hoos u dhaca biilashii ay shirkadda Dahabshiil ka keenaysay dibaddana waxaa kaalintoodii buuxiyey ama siyaado ka dhigay lacaga xad dhaaf ah oo markan ka tegeyey gudaha Koonfurta Sudan, dadka shaqeeya ama ganacsada ee Koonfurta Sudan waxa ay inta badan xaasaskooda geyaan dalalka deriska, maadaama oo aanay Koonfurta Sudan lahayn adeegyo bulsho oo tayo leh, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iy waxbarashada, waxa iyaguna jira dad marka horeba qurbo joog ahaa oo dalkooda u yimi ka shaqaysi ama hawlo ganacsi, arrintan darteed waxaa soo baxday baahi xawilaad oo hor leh, dadka Koonfurta Sudan ee jooga gudaha dalku waxa ay lacago biilal iyo ganacsi ama dhaqaalayn isugu jira u diraan eheladooda iyo asxaabtooda joogta dibadda, waxaana mar labaad sii kordhay muhiimaddii ay shirkadda Dahabshiil u lahayd dhammaan dabaqadaha kala duwan ee bulshada Koonfurta Sudan. 

DSC00582

Sumcadda Dahabshiil ee Koonfurta Sudan:

Maadaama oo ay shirkadda Dahabshiil caan ka tahay K/Sudan waxa ay keentay in bulshadu aaminto una aragto dad ka mid ah oo xattaa xilliyadii adkaa ee colaadda iyo faqriga ay ku soo dhaafeen adeegga ay shirkaddu qabato, waxaa intaa u dheer dadka oo u arka dad la mid ah oo la soo bilaabay horumarka dalka, shirkadda Dahabshiil K/Sudan waxa ay sumcad ku dhex leedahay dhammaan qaybaha bulshada Koonfurta Sudan, oo ay ku jiraan xafiisyada sare iyo madaxda siyaasadda dalka jaangoysa, qaddarinta ay bulshada Koonfurta Sudan u hayso Shirkadda Dahabshiilna waxa ay gaadhay heer xattaa qofka u shaqeeya shirkaddan ee aan u dhalan Koonfurta Sudan lagu qaddariyo magaca shirkadda iyo kaadhka shaqaalenimo ee shirkadda iyada oo aan sharci kale la weydiinayn.

 waxa ay sidoo kale xidhiidh kalsooni ku dhisan la leedahay hay’adaha dawladda ee shaqadu ka dhaxayso oo uu ka mid yahay bangiga dhexe ee dalka Koonfurta Sudan, “Annagu bangiga dhexe ayaanu xidhiidhka ugu badan la leenahay. Runtii dadka ugu xidhiidhka wanaagsanna waanu nahay bangiga dhexe, waayo nidaamka aanu ka shaqayno ayaa ah nidaam ay wax walba cad yihiin (Transparency) Waxa aanu ku jirnay shirkadaha ugu horreeya ee fuliya shuruucda dalka. Taas ayaana keentay in ay aad noo qaddariyaan” Sidaa waxaa Wargeyska GeeskaAfrikaku yidhi, Maxamed Cali Askar oo madax ka ah xafiiska shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta Sudan. Masuulkan oo aan weydiiyey, in is beddelkan weyn ee siyaasiga ah ee ka dhacay dalka Sudan uu saamayn ku yeelan karo shaqada shirkaddooda waxa uu yidhi, “Kolay waxa aan filaynaa in xaaladuhu intan ka sii fiicnaadaan. Waxa aanu rajaynaynaaba in uu wadanku noqdo waddan lacag leh, oo dhaqaale leh oo la caawinayo.  Annaguna marka hore ayaanu sumcad iyo magac wanaagsan ku leenahay K/Sudan sidaa awgeed haddii aanu sii wadno dadaalka waanu ka sii badin karnaa, waanuna sii wadaynaa”

Shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta Sudan marka laga tago xarunteeda magaalada caasimadda ah ee Jubba waxa ay xarumo ku leedahay gobollada iyo degmooyinka muhiimka ah ee dalka Koonfurta Sudan, taas oo ka dhigaysa shirkadda ganacsi ee keliya ee ay Soomaali leedahay ee faracyo ku leh guud ahaan dalka Koonfurta Sudan.

Martida:

Shirkadda Dahabshiil ee dalka Koonfurta Sudan waxa ay kaalin muuqata ku leedahay isu ururinta iyo isku xidhnaanta jaaliaydda Somaliland ee dalkan ku dhaqan, waxa aanay sidoo kale safaarad iyo hoy martidu ku soo hirato u tahay muwaadiniinta Somaliland ee hawlaha ganacsi ama danaha kale ee gaarka ah ku taga dalka Koonfurta Sudan, oo qof kasta oo taga magaalada Jubba uu ku hagaago xarunta Dahabshiil oo uu ka helo ugu yaraan hoy uu ku dhaxo habeenno iyo soo dhoweyn ka bogsiisa xanuunka safarka iyo wehel la’aanta qurbaha.