Sheekh Aadan-Siiro Oo Si Kulul Uga Hadlay Hawlgalka Lagu Rarayo Qoysaska Danyarta

0
633

 

aadanHargaysa(Geesku) Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray ( Sh.Aadan Siiro) ayaa si kulul canbaarayn ugu soo jeediyay dhamaanba dawladii u kala danbeeyay Somaliland isaga oo sheekhu ku tilmaamay inay ka taliyaan burburinta dadka maatida ah ee aan dhaqaalaha haysan isla markaana ay ka war wareegaan kuwa ladan ee iyagu wax haysta. Wuxuu cambaareeyay hawlgalkii ay dawladu khamiistii ku qaaday dad danyar ah oo degen duleedka xarunta gobalka Maroodi Jeex.

Sh.Aadan Siiro ayaa hadaldan kul kulul ka jeediyay masjidu Al-quba ee magaalada Hargaysa isaga oo ku jira khudabdii salaada jimcaha. Ugu horayn sheekhu waxa uu sida ay  masuuliyiinta xukumaadii kala danbeeyay ay ugu tagri falaan hantida qaranka waxa uu yidhi  “Waxaynu ku heshiinay in keenii xil qabtaa uu inuu intaas oo guri iyo intaas oo baabuur yeesho, waxaynu ku heshiinay in keenii masuuliyad qabta Saladiisu ay $100 noqoto, waxaynu ku heshiinay in keenii xil qabta Marfashkiisa maalintii $2000 lagu budliyo,  waxaynu ku heshiinay in keeni xil qabta marka wax laga waydiiyo  waxa uu ka masuulka yahay inuu yidhaahdo Tolaayeey yaa reer Hebalaay Ilaahay sida khayrka qabta ha ina waafajiyo. Waxaynu dawladd iyo dad jira noqonaynaa marka qofkasta meesha ku haboon la geeyo oo dadka jilicda san la ilaaliyo”. Sheekhu isaga oo hadalkiisa siiw ata waxa uu yidhi “Waxa aynu ognahay maanta oo dalkeena ka dhaca in kuwa wax haystana laga warwareego ku danyarta ah ee maatida ahna la cadibayo, dawladda hoose in badan ayaanu la hadalnay oo aanu nidhi maatida daaya oo ilaaliya. Maaha sharcigu inuu agoonta iyo kuwa jilicda san inuu qabto, waxaanu leenahay dalka waxa xoreeyey waa kuwaa maanta dhulka la jiidayo, iyaga ayaan cashuurta bixiya oo uu dalku wax ku yahay. Waxaan leeyahay yaanu sharcigu qaban kuwaa salaadii kalahaya ee Ilaahay baryaya ee leh Ilaahayow dalka noo hagaaji waa kuwaas kuwa Ilaahay ducada ka aqbalayo”.

 Sh.Aadan Siiro isaga oo ka hadlaya dadka masaakiinta ah ee ay xukumaadu ka rarayso dhulkii ay deganaayeen isla markana aan loo diyaarin dhul adeegyada bulshadu ay ka jiraan waxa uu yidhi   “Dalkeena waxa ka dhacday in kii awooda lahaa  wadadii ayuu xidhayaa oo cashuurtii inuu bixiyo ayuu diidayaa oo wuxuu doono ayuu yeelayaa. Maxaa Maatida loo laynayaa oo loo duminayaa guryahooda yar yar ee ay dirqiga ku dhisteen iyada oo aan waddo loo samaynin. Waar maxaad Xaqa  u difaaci laadihiin oo aad Maatida u barbar istaagi laadihiin, waar maxay ku dhacday in maalin walba mid aan waxba ahaynin inta uu halkaa isa-soo taago uu ummadda u baabiinayaa isaga oo aan waxba u diyaarin oo aan wado iyo biyo iyo wax kale toona u diyaarin?.  Waxa dalkeena ka socoto in la yidhaahdo hebel oo wasiir ah ayaa guri looga dhisayaa, ma waxaynu ku jirnaa in wasiir waliba uu guri intaas oo Mitir ah uu ku jiro?. Waar aynu kuwii hore ka saarno oo aynu kolba kuwa wasiiro ah aynu u banayno, waar ninwalowba marka aad xilka wareejiso gurigana dawladda iskaga wareeji oo yaan maatida la baabiinin. Dad aan waxba loo diyaarin ayaa inta uu nin u yimaado uu odhanayaa  halkan ayaan u baahanahaye ha layga raro dad danyar ah oo muwaadiniin ah, markaasaynu inaguna wada ag taaganahay. Dawladda waxaan leeyahay waar maatida iyo dadka jilicda-san ilaaliya, waar si qorshaysan u dajiya. Hadii la helo dawladd cadaali ah qofkasta oo reer Somaliland ah waxa ku soo hagaagaya 7KM”.

Ugu danbayn Sheekhu waxa uu talooyin ugu soo jeediyay xukumaadan hada talada haysa in hadii sharcigu lajiro inta waawayn ee wax haysata ay tahay astaamaha dumitaanka, waxaanu ka qayliyay hawlgalda ay dawlada hoode ku fuliso dadka danyarta ah “Waxaan leeyahay ninka dulmiga wada reer ha u samaynina reer maahee, Waar waa loo soo dhigtay dadkii  jilicda-sanaa, Islaan Tamaandho meel ku iibinaysa uun maxaa cagafta dul dhigay ee Kunkan wado ee ay xidheen kuwii lacagta haystay loo arki laayahay. Waar dalka yaanay 100 nin qaybsanin, waar yaanu sharciga dalku inta waawayn ee wax haysata la jirin, ummadi marka ay dumaysi waxa lagu gartaa dadkeeda jilicda san ayaa la dhibaa.”