“Awoowgay Ninkii Indhaha Tiray, Aabahay Niinkii Adoonsaday, Hadaanan Aadanow Unuunka Ka Jarayn Aan Ooye Albaabka Ii Xidha”

0
4236

 

Picture1Bishu waa Abril waxa loo diyaar yahay in loo socdaalo Turkiga si dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyey  Somaliland iyo Somaliya.  Waxaase is waydiin leh mustaqbalka Somaliland ma yahay mid ku xidhan  Somaliya? Sidee buu “guur” waa sida ay siyaasiyiin badani u dhigaan e aan markhaatiyo iyo qaadi toona lahayni uu sharci u noqonkaraa. Haddii ay Somaliland doonayso in ay dalqadii ka qaadato Somaliya horta guur kaasi mid sharciya ma ahaa? Fasakhaadse ma la qaadankaraa?

 

 Waxaa kale oo iswaydiin leh difaaceenu waa noocma? Maxaa laga yeelayaa dulmigii iyo adoonsigii dadkeena loogaystay? Dadka aynu la hadlaynaa ma aqoonsanay yihiin wixii Somaaliland  soomartay?  Isku taariikhse ma nahay? Waxa lagu qiyaasaa in 50,000 qof ay ku qudh waayeen dagaalkii 1988. Hasayeeshee marka lagu daro intii u dhimatay waxyeelooyin kii iyo khasaarihii umada ka soo gaadhay dagaal kii naxariis darada ahaa ee loo gaysatay Soomaliland tiradani intaa wayka badnaanysaa.

Haddaba waxaa is waydiin leh maxaa Somaliya uga qorshe ah magtoodi? Sideese dilkii, dhicii, kufsadkii loo xaqayaa? Intaa waxaa dheer sadex jiil ayaa mustaqbal koodi lumaye yaa loo doonayaa. Ma waxaaynu la hadal naa maamulka maanata u olalaynaya in Cali Samata la siidayo? Ma waxaaynu la hadal naa Somaliyada Moorgan u ogal inuu golaha baarlamaanka ka qayb galo? Ma waxay aynu la hadlaynaa dadka aaminsan in dhibatadu bilaabmatay 1991. Somaliya maxaa uga qorshaysan gacan ku dhiig layaashii xasuuqii dadkena hormoodka ka ahaa.  Haddii Xasan Sh meel adag ka taagan yahay midnimada Somaliya oo ay Somaliland ka mid tahay maxaa lagala hadli doonaa?

Yaa matalaya Somaliland ma gudi loo xulay in qaabilooyinka iyo xisbiyada lagu raaligaliyo mise gudi xukuumada ah oo ku haboon. Haweenku ma ka qaybgali doonana wada hadalada mise sidii cadadu ahay rag uun baa is ka buuxin doona liiska. Shuruudaha wada hadaladu waa maxay?

Maanta waa maalin qofkasta oo muwaadin ahi uu kaco oo uu ka qaybka qaato talada qaranka isna waydiiyo maxaa loodhintay? Maxaa xasuuqa keenay? Walaalyal waa in da’a yartu ka hadashaa, waayo waa mustaqbal koodi. Da’a yartu waa in ay ogaadaan waxaa keenay shaqo la’aan ta, caafimaad la’aan ta, iyo tahriibka. Xaqiiqda dhabta ahi waa  taladii xumeed ee jiilalkii inaga horeyey dhaxalka iinoga dhigay. Waxa maalin qoomamom badan leh mutaqbalkeeni diyaarad u saareen Xamar. 53 sanadood ayaa qaladakii aynu samaynay isku dayeeynay in anynu saxano. Ilaa maanta ayaa ilamo kasta oo ku dhasha Soomaliland uu soo badayaa qaladkii 60kii la galay.

Waxaa xusid mudan in dib loo eego  faa’iidadi Soomaaliland uga soo hoyatay shirkii 23 February 2012 iyo June 2012 ee lagu qabtay cariga Ingiriiska iyo Isutaga Imaaraadka Carbta.  Waxaa ay Somaliland qaaday talaabo aad u wayn iyadoo badashay xeer- gole  oo ku wajihan wada hadalada Somaliya. Waxaa labada gole iyo xisbiyada mucaarid ka ah isku raaceen inay ka tanaasulaan,  badalaan mawqifkii ku wajahanaa ka qaybgalka shiraarka ay Soomaaliya goobjooga ka tahay.

Waxaa kali ah ee wax ku ool ka leh ee Somaliland kala timid shirkan waa qodobka lixaad. Oo xusaya in Somaaliland iyo Somaliya ay ka wada hadlaan mustaqbalkood iyadoo beesha caalamku ay gacan ka siin doonto.  Qodobkani waa mid mihiim ah balse sanad kadib marka aynu eegno wixii ay Somaliland u kordhay ama kaga naaqusmay ka qayb galkii  shirkaa waxaa ay shaqsiyan ila tahay misaanku waxaa uu u badanaya xaga naaquska.

Waxaa dadwaynaha laga dhaadhinayaa in Somaliland albaabada aduunka  garaacaysay 20 sano oo la aqbali waayey. Xaqiiqadu se waa mid taa ka duwan. Dib u tixraac taariikh Somaliland.

1991 – 1997 waxa ay Somaliland ku jirtay xaalad xasiloonidaro ah oo ay sababtay xasuuqii iyo dagaalki 1988. Iyada a oo ay sidaa tahay ayaa waxaay Somaliland ku guulaysatay in ay xasilooni gaadho oo dadka hubka laga dhigo oo la yagleelo haykalkii qaranimo. Waxaana la aasaasay golyaashi qaranka  sida golihii  guurti, golihi wakiilada , wasaarado, cidamadii qaranka, waxaa la sameeyey Somaliland shilling, iyada oo wax caawimo ama taageero ah oo beesha caalamka inaga soo gaadhay jirin.  Somaliland  umadeeda ayaa gaadhsisay.

1997-2003 waxaa Somaliland ku guulaysatay in ay samaysato dastuur, xisbiyo qaran, si ay u sugto dumuquraadiyada dalka oo ay doorashooyinkii degaanka, barlamaanka, iyo tii Madaxwaynah u qabsoomaan. Somaliland waxay ilaa hada mashquul ku ahayd in ay dhisto qaran dumuquraadiyad ku dhisan waanay ku guulaysatay.

Waxaa muuqata in 10kii sanadood ee u danbayey aan sidii loo baahnaa loga hawlgalin ka midhadhalinta ictiraafka. Xukuumadii hore miisaaniyad gaar ah oo cad oo ay u qoodaysay ictiraafka ma jinto. Waxaa jirta in Xumada manta jirtaa ay u qoodaysay 600,000. Hasayeeshee marka la eego miisaaniyad TVga qaramka oo lagu qiiyasay in ay tahay 3 million, waxaad moodaa in aan ictiraaf mudnaan badan la sinin. Waa muhiim in Xukuumada maanta loo qiro inay tahay ta kaliya ee miisaaniyad u samaysay.  Waxaase iyaduna is waydiin leh maxaa lagu qabtay 600,000 sandikii hore.

Umaddii reer Somaliland ee tashatay ee halkaa isa soo gaadhsiisay ayaa maanta u aragtay xalkeedi  gooni isutaageedi uu ku xidhan yahay dawlad joogta halkii ay Somaliland taagnayd  1991kii.  Maxaa dib inoo celiyey?

Midda kale ee u bahan in hoosta laga xariiqo  ayaa ah, ganacsatadii 90kii waxaay hormood ka ahayeen dib u dhiskii dalkeena. Waxay maalkoodi u hureen dhisida qaranimada Somaliland. Ganacsatada Somaliland ee manta qaarkood waxaay u baratamayaan shilinka xamaryaala ee xaaraanta ku yimid.  Marka la eego awooda iyo gacanta ay ku leeyihin xukuumada maanta jirtaa shirkadah qaarkood waxay halis ku yihiin gooni isu taaga Somaliland.

Beesha caalamka ee uu ugu horeeyo Britishku waxaa ay cadaysteen in aanay qiimo badan la lahay dimuqaraadiyda ay ku andacoodaan ee ay u dagaalamaan. Laakinse dantoodu ay ka mudan tahay ta dadkeena iyo dalkeena. Waxay maanta Somaliland u afduuban tahay afar shilin oo aan wax badan inoo tarin,  laakiin aynu waligeen ugu adoonsanaano. Imikana waxaay rabaan in ay inoo adoomiyaan Somaliya gumaysigeeda.

Su,aalaha  Somaliya u yaala waxaa ay yihiin; Meeday baroor diiqdii?   Meeday raali galitii? Meeday aqbalkii wixii loo gaystay dadkeen? Meeday hantideeni? Sidee baa loo wadahadlayaa nin kuu haysta in aad ka mid tahay? Somaliland marna kama noqnayso goono isutaageeda ee maxay Somaliya ka yeelaysaa?

Walaalyaal aynu soo ceshano kalsoonidii, haybadii iyo dhiranaantii inaga oo dagaal ka soo baxnay oon maal iyo noolba haynin aynu ku go’aansanay in aynu ka goosano Somaliya. Maanta oo aynu ka awood badanahay yaynaan mustaqbalkeena iyo kuwa caruurteena marlabaad ku xidhin Xamar.