“Garan maayo maalmaha intuu,
soor-gad leeyahaye,
Mar hadduu gidaad bahal qabaa,
gaajo kula ciiro,
Gujo-dhaadhigeediyo hadduu,
taabo gorofkeeda,
Waxba kama go’aan ruux ku shubay,
xeedho gudaheede,
Hadduu gaar u maamulo qof waa,
geel nin leeyahaye,
In kastoo gantaal iyo wed iyo,
gawrac lagu hooyo,
Meel loo gun-raaciyo haddaan, gogol dhig loo yeelin,
Mar haddaan garaad loo lahayn, wayska gubataaye,
Geedkeed ba’waa sixir haddaan, garasho liilayne,”
Maansadii Gudgude ee Hadraawi, 1990kii
Hubaal waa wargeys maalinle ah. Mataankeedu waa ‘Independent’ oo toddobaadle ah. Waa mid ka mid ah kuwa akhriskooda loogu jecel yahay. Ma gabbato. Ma gaabsato. Gefka kuma dheerayso, danta guudna waa ay ku goohdaa. Waa lagu gabbood-falay. Hal-gaad iyo gaadmaba gacan baa loo geystay. Garteeda lama niqin, eeddii laga galayna lama gorfayn. Geddafada ciddii geysatay hawsheeda lama gelin. Eedeysane ahaan loo garbo-duub, qudhiisuna gar-sugannimada ku raag oo xaqiisii lagu gabbood-fal. Eedda waad gashay iyo ma aad gelin midna lama odhan. Isaguna gef buu tirsanayaa garna waa uu u leeyahay. Waa bar gaashaysan oo guudka inagaga taal. Garsoorkeenna, gar-naqsigeenna iyo geeddi-socodkeennaba waa waxa gaasiray. Waa gasariirka xaalkeennu yahay. Waa wax aynaan galabsan ee cid horumarkeenna iyo deggenaanshaheenna u gol lihi ku goohday kuna guulaysatay. Gees kasta marka aan ka joogsado, waxaan ka wadi waayay tuduc ku jiray maansadii Gar-naqsi ee Gaarriye, kaas oo ahaa:
“Geeddigan hakaday,
Wuu gaabiyee,
Uma noqon gadaal,”
Raalli iga haada. Sheekada ayaa ila taraartay. Show goorahanba waxa I sugayay saaxiibbadeen Kadeed iyo Kulan. Waxaan is-idhi xalay ayay fadhigii ku raageen oo hamaansiga iyo jimicsiga waad yaabaysay. Shaahoodii ayay dalbadeen iyaga oo is-hordhigay sigaar uu midkoodba gaar ula soo baxay. Waxaan is-idhi dhoolla-tus ayay hor dhigay sigaar aan sidaas u sii badnayn. In kasta oo ay saaxiib yihiin, haddana wada-socodkooda hoos-ka-tuur iyo xifaalaba waa uu weheliyay. Waa halkii Dhoodaan e’: “Is-waab waabin fudud bay ahayd, oo walaalnimo.”
Haasaawe aan badnayn ayay bilaabeen.
Kulan:Saaka maxaad war-haysaa?
Kadeed:Dee horto arrintii Hubaal waa iska taagan tahay oo qufulladii ayaa ku jabsan. Waxa se kale oo cusub diblomaasiyiin Ingiriis ah oo la yidhi afka Talyaaniga ayay ku hadlaan oo magaaladii iyo xukuumaddiiba ka dhammaan la’. Waxaan u jeedaa safiirrada dhalasho ahaan Ingiriiska ah ee qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya,
Kulan: Ma waxaad u jeeddaa Mat Bough iyo Nicolas Kay-gii labada maalmood ee isku xiga inoo yimid?
Kadeed:Haa, caqliga ha waayin oo weliba aan filayo in ay labaduba calool-xumo inagala tegeen,
Kulan: Horto calool-xumadoodaawalba cuud iyo caano midnaba kuma aynu qabin. Ta labaad nimankani laba dal safiirro kama aha ee Soomaaliya ayay ka yihiin. Innaga ayaa isku maaweelinna ‘Iyo Somaliland-tan’ aynu xagga dambe ka raacinno. Siyaasad-gariir dibadeed ayaa inagu dhacday. David Cameron waa aynu diidnay marti-qaadkiisii. 28kii iyo 29kii Juunna waxaynu Nayroobi ku hadhsanaynay labadii Shabeel ee Soomaaliya, maalin aan fogaynna waxa suurto-gal ah oo ay weliba u badan tahay innaga oo suke ah in aynu shirka Buruxelles ka qayb-galno oo mar kale sideennii labadii Shabeel hadhsanno. Marka ay halkan inoogu yimaaddaan go’a ayay xukuumaddeennu u riddaa si ay ma-kastu ugu seexato. Dibadaha marka aynu u baxnana waxa la soo sheegaa in shirarka qarsoodiga ahi ka badan yihiin kuwa badheedhka ah. Ilaah inoo sahla waa aynu leenahay.
Kadeed: Hadhsigaa dhacye, waxaan ka yaabbanahay mowqifyadan ku-soo-booddada ah ee aan laga fiirsan ee aan weliba qoraallada lahayn ee ay Xukuumaddani sida fudud ugu tallaabsanayso,
Kulan: Oo show nin sidaa u sii qodanba ma tihid. Waar Xukuumaddani adduunka oo dhan ayay ka horreysaa oo qoraalladan iyo waxaa iskumaba dhibto. Shir-jaraa’id oo yar oo gole-ka-fuul ah ayay jac ka siisaa, ka dibna inta ay go’eeda ka hurgufato ayay iskaga dhaqaaqdaa meesha. Raad-raac haddii aad is-tidhaahdana meel aad ka doontaba heli meysid. Waa diblomaasiyadda iyo siyaasad-wanaagga aynu adduunka dheer nahay,
(Yarkii shaaha u dhigayay oo Hubaal hadal-haya ayaa u imanaya oo ay ku odhanayaan mar labaad noogu soo celi ama: “Aar walaalkaday noo soo lammad.” Yarkii dhaqaaq oo shaahii u doon.)
Kadeed: Sheekadii siyaasad-gariirka dibadeed ayaa inagu dheeraatay e’, waxba Hubaal iyo sababaha loo qufulay war ma ka haysaa?
Kulan: Iyaga iyo Allahood e’, waxa la isla dhex marayay meel aan la taaban ayay gacan-togaalaysay,
Kadeed: Oo meeshaasi maxay ahayd?
Kulan: Maalinta Qiyaame la ii ma soo joojiyo e’, balaf waxaan ku maqlay waxay gacanta yar gelisay Madaxtooyada, waayaheeda nololeed iyo qaababka xilalka loo wadaago ama loo gutaba,
Kadeed: Waar wararka iyo sheekooyinka iskuma aynaan caansiirin jirin e’, si hufan wax iigu sheeg,
Kulan: Oo anigana quful ‘Reyfal’ ah la igu jebiyaa, oo godka Hubaal lagu riday la iigu geeyaa. Halkaa u dhaafi maayo. Waxaan intaa kuugu kabayaa in ay arrintani Madaxweynihii aad uga cadhaysiisay,
Kadeed: Haa gartay. Waa cadho Madaxweyne ka kacday. Oo ninyow xeerarkeenna meelna miyay kaga qoran tahay in aan Madaxweynaha laga cadhaysiin, laga qoslin amaba lala kaftamin,
Kulan: Ma ciyaar iyo bay ahayd tii shalay. Selel ayaa afar gool dhalisay. Mar keliya ayaa ‘tiribuunkii’ isla oogsaday. Bahal Seyliciya ayaaba la is-laba rogay. Waa maxay barbaarta is-guratay. In ay weligoodba wada ciyaari jireen ayaad moodaysay,
Kadeed: Hadma ayaynu taaba haynay. Oo xaggaad ii la beydhay?
Kulan: Mid baa ina yar dul joogsaday oo aan go’a u ridayay e’, wargeysyadu waxay u jiraan in ay dadka wax baraan, dawladdana tilmaamaan, waa se, qof iyo garashadii. Oo sow tii aan ku moodayay in aad maansooyinka Gaarriye dusha ka wada haysay. Miyaanad xusuusan: “Istaaqfurulla waa been, Injirtii war sheekadu, Yay ina af-qaadin e’,”
Kadeed: Aniga sidaas ilama aha oo, Madaxweynaha dalka ka taliyaa waa nin soo halgamay af iyo addinba. Ma ninkii muddaaharaaddada ku baaqi jiray, aloosi jiray ee hoggaamin jiray ayaad I leedahay maanta oo uu taladii dalka hayo, ayuu hadallo wargeys qoray ka xanaaqayaa. Waaryaahe: “Giib noom taani.”
Kulan: (Cod aad u hooseeya ayuu ku odhanayaa)Ninkii markii ina dul taagnaa ma garanaysaa, waa kaas gaadhiga Mark II-ga ah ee buluukiga ah inaga soo eegaya e’, waa inoo Judh-Yudhii. Ha I soo raacin e’ xaggan ayaan ka baxayaa, adiguna xaggaa iyo shacabkii u bax,
Kadeed: Shacabkee dee! Oo tilifoon la iga sii hor diraa oo la I hor-qabateeyaa. Waar xaggaa iyo Gol-janno ayaan u kacayaa haddii aanan Caakaaraba u kala xeelin,
Alla dadku illowsho dhawaa. Ibraahin-gadhle maansadiisii dheereyd ee Dir-sooc ayaan soo xusuustay. Idinka oo dherer iyo dhumucba wixii ay lahayd ka dheehan doona Diiwaanka Mullaaxbal hadda aan idiin ka soo qaado laba qaybood oo qaybta hore tahay ‘Durba myaad illowdeen’,waxaanu Ibraahin-gadhle ku ballaysimayaa maansadiisan hodanka ah, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’: “Durba miyaad illowdeen.”Maalinta uu tirinayaa maalmaha kuma jirto oo waa 6dii Abriil 1990kii.Madashu mid tilmaaman oo dhiggeedu noloshaba ku yaraa ayay ahayd oo waa Shirweynihii 6aad ee Caadiga ahaa ee SNM. Waa magaalada Balli-gubadle meel wax yar woqooyiga kaga beegan.
Ibraahin Sheekh Saleebaan, wuxu maalintaa ku bilaabay:
(la soco………..)
Comments are closed.